Badhan: Ururka Horumarinta dhalinyarad ee SSDO ayaa kulan uu ku qabtay xafiiskiisa Magaalda Badhan ku soo bandhigay waxqabadyadii uu fuliyey 6 bilood ee lasoo dhaafay ee sanndkan 2007, (mid year Activities), Waxqabadyadan ayaa isugu jiray kuwa taabanay dhinacyada horumarinta arimaha waxbarashada, Sportska, ilaalinta deeganka, caafimaadka, wacyigelinta bulshad, iyo kaqeyb qaadashada arimaha bulshada guud ahaan.
Ururka SSDO ayaa sannadkan ka fuliyey dhisme garoon kubada Basket-ka iyo volley-ball lagu ciyaaro magaalda Badhan, garoonkan oo ay ku deeqday hay’adda UNICEF ayaa loogu talagaly inay ka faa’iidaystaan dhalinyrada reer badhameed isaga oo ku yaal xarun waxbarasho oo ay dhigtaan in kabadan kun arday.

Barnamijka wacyigelinta ka hortaga Cudurada faafa ee uu ka fuliyo ururka SSDO magaaladda Badhan ayaa ah mid ay ka faa’iidaysteen bulsha fara badan oo ku dhaqan deeganada ku hareeraysan Magaalada badhan iyo hadaaftimo, waxana uu barnaamijkani sigaar uga hadlaa sidii bulshadu u heli laheyd macluumaad ku saabsan qaabka uu ufaafo, sidii looga hortegi lahaa, waxyaalha keena cudurada faafa gaar ahaan Cudurka HIV/AIDS-ka, (ilaah ha inaga ilaaliyee).

Ururka Dhalinyarad SSDO ayaa sanadkan u qabtay dhalinyarad magalaada Badhan tababaro iyo aqoon isweydarsiyo kala duwan ku waas oo ujeedadoodu aheyd sidii loo kobcin laha aqoonta iyo waxqabadyada dhalinyarad iyo bulshad guud ahaan.

17/April ayaa ururka SSDO qabtay olele balaadhan oo bulshada loogu qaybinayo dhir islamarkaasna lagu wacyigelinayo sidii ay ugu beeri lahaayeen magalda ugana qeyb qaadan la haayeen ilalinta bilicda iyo quruxda deegaanka.

Todobadkan ayaa ururka SSDO soo gebagebeeyey tatan koob oo uu dhigay naadiyada yaryar ee magaaladda Badhan (Joiner) tartan kan oo ay ka qeyb qaateen 4 naadi ayaa ahaa kii labaad oo ururku udhigo dhalinyarad amagaalda badhan, waxa xusud mudan in June/2006 uu koob u dhigay naadiyada magaalda kaas oo uu ku guulaystay nadiga CALMADOW.

Ururka SSDO ayaa kulan bile ah u qabta dhalinyara isagoo kulankan ku casuma bilkasta mid kamid ah Aqoonyahanka, dhakhaatiirta, Culimada, iyo waxgardka kale ee Bulshada si ay u siiyaan wacyigelin iyo baraarujin ardayda iyo dhalinyarada, kulamadan oo ay soo qabnqaabiyaan maamulka Ururka SSDO ayaa badi waxa ka caawiya maamulada Dugsiyada magaalada Badhan.

Kulankan uu ururku kusoo ban dhigayey waxqab dkiisa ayaa waxa kasoo qeyb galya maamulka degmada, Aqoonyahan, Ururda bulshad ee kale, iyo mas’uuliinkale opo fara badan, waxayna ka soo qeyb galayaashii kulankani hadalo dhiiri gelin iyo mahad celin ah u soo jeediyeen maamulka ururka SSDO iyo dadaalada uu wado. Wxayna kabaln qaadeen inay kala qayb qaadan doonaan ururka waxqabyadiisa.
.JPG)
Maxamed Siciid Faarax iyo C/Qaadir kaarshe oo ka tirsan madaxda sare ee ururkan ayaa noo sheegay in Ururka SSDO la asaasay sanndkii 2005 uuna ka howlgalaa badi degmooyinka gobolka Sanaag ujeedadisuna tahay ukhidmaynta iyo horumarinta bulshada gaar ahaan dhalinyarada, isaga oo xaruntiisu tahay Magaalada Badhan.

Sida aad ka aragtid sawirkan kore, Ururkani had iyo jeer waxa uu hiigsanayaa sidii bilicda quruxda dib loogu soo celin lahaa deegaanka, iyagoo isla markaa beeraya dhirta yar yar si loogu beero deegaabka.

Sida aad ku aragtaan Sawirkan kore, Ururku waxa kale oo si weyn ka qeyb qaataa wacyi gelinta dadweynaha si ay uga digtoonaadaan cudurada haliska ah ee caalamka ka jira.

Sawirkan kore waxa uu muujinayaa Iskoolka Alfurqaan dhir badan lagu beerey iyo ogeysiisyo uu isla markaas ururkani soo diyaariyey.

Ururkan ayaa xubin ka ah daladaha ay ku boheeben ururada Bulshada ee ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda caruurta (Sanaag Child protection Network) iyo daladda (Sanaag Human right organizations)

Sida aad ka aragtaan Sawirkan Ururka SSDO waxa uu si weyn uga qeyb qaataa wacyi gelinta iyo la dagaalanak Gudniinka Fircooniga ah ee foosha xun oo ay dadka Soomaaliyeed dhaqan u leeyihiin.

Gudoomihay goleha fulinta (Executive Director) ee ururkaas Maxamed Xasan Jaamc oo dhawaan xilka kala waregay gudoomihii hore Mudane Axmed Maxamuud Jaamc ayaa ugu danbeyntii u mahad celiyey dhamaan ka soo qeyb galayaashii kulankan waxana sheegay in ururku qorsheynayo si uu u heli lahaa xarun ay dhalinyaradu ka howlgasho isla markaasna ay ka dhigtaan xafiisyo iyo Hoolal, wuxuuna ka codsadey bulshada dibada iyo dalka inay kala qeyb qaataan sidii loo hirgelin lahaa xaruntaas, gudoomiyuhu waxa kaloo u mahad celiyey hay’adda UNICEF, Jamciyadda Tadaamun iyo Salaam, hayadda Horn-relief, Ururka Al-Nasar 2, Tawakal, PSA network, maamulka Dugsiga Al-furqaan maamulka Degmada Badhan, bahda saxafada iyo ururo Bulsho iyo ashkhaas kale oo kale kuwaas oo uu ku tilaamay inay kala qeyb qateen waxqabdyadiisa.
Warbixintan waxaa isku soo duba ridey Xarunta Calmadow Information Center ee Magaalada Badhan Gobolka Sanaag