Adis Ababa:-Wararka ka imaanaya magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiyaa ayaa la sheegayaa inay halkaa ka socdaan wadahalo ay ugu bilaabatay maamulada Somaliland iyo Puntland.
Wadahadalkaan ka biloowday magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegayaa inay dowlada Itoobiya ay soo qaban qaabisay iyadoona ay uga danleedahay in aanay sii socon dagaalada malmahaan ka dhacayay dagaanada hoos yimaada gobolka Sool.
Ilo xogaal ah oo ku sugan magaalada Hargaysa ayaa noo sheegay in kulankaa uu ka bilaabanayo magaalada Adis Ababa madaama ay dowlada Itoobiya ay maamulada ay xiriir hosaad leeyihiin ayna doonayso in aanay meesha ka bixin danaha siyaasadeed ee dowlada Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya.
Wadahadalkaan ayaa la sheegayaa in masuuliyiin ka kala socota maamuladaa ay ka qayb galayaan kulankaa iyadoona ay dowlada itoobiya ay arinkaa shir gudoomin doonto.
Maahan markii ugu horaysay ay dowlada Itoobiya ay soo fara galiso maamuladaa Somaliland iyo Puntland oo marar badan dagaal ku dhax maray dagaano ka mid ah gobolada sool iyo sanaag.
Maxamed Cali Jaaked
Madaxa wararka Dhahar
Muqdisho_Somalia