HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Waa Sidee Xaalada Magaalada Laag iyo Inta u dhexaysa Degaanka karin.

Laag:-Xaalada degaanka Laag oo ah magaalada u horaysa ee kulaasha Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari oo aan galabta ku tagnay Booqasho gaaban ayaa u muuqatay mid aad u degan inkastoo siwayn looga dareemayey Magaalada Karin Shacab la,aan iyo dadka oo 100/80 isaga baxay.

 

Ciidamada Amaanka ayaa siwayn ugu hareeraysnaa Degaanadaasi dhankooda Galbeed hase ahtee waxaa laga dareemayey isbedel Deganaansho oo Agagarkaasi ka jirey.

 

Dadwaynaha Magaalada Bosaso ayaa siwayn u hadal haya Dagaalkii Maalintii shalay degaanadaasi ka dhacay iyadoo intabadan Odayaasha iyo Waxbaradka Gobolada Sanaag iyo Hayland ay Nabada iyo Xasiloonada kaalin aad muhiim ah siinayaan.

 

Maxamed Axmed Ciise

Dhahar Online/Bosaso

 

Back To Home