HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Ciidanka Amaanka Puntland Ee Degmada Buraan ee Bilaabay arrimo Lugula dagaalamayo Xaalufka degaanka.

Buraan:-Ciidamada Amaanka Degmada Buraan ee Maamulka Puntland oo isugu jira kuwa Booliska iyo Daraawiishta ayaa bilaabay Ollolohoodii ugu Xooganaa ee ay ku sifaynayaan kooxa Dhulka xaalufay ee wax u dhimaya Dhirta ku taala dhul daaqsimeedka ay degaan reerguuraagu ,kuwaasi oo shidaya dhirta qoyan oo loo baahanyahay in ay manaafacaadsadaan Dadka iyo duunyadu.

 

Ciidanka oo wata gadiidka dagaalka ayaa howlgalkoodan Dardargeliyey markay tariikhdu ku aadanayd 24/7/2010ka iyagoo xiligaasi maray degaano ay ka mid yihiin Tuulada Habarshire,Balibusle iyo Dagaano kale oo ay ka midtahay Saaxda Haruun,tawfiiq oo ka mid ah meelaaha ay  qaar ka mida dadka dhuxulaysta ah ay ka shidaan dhuxusha,Iyadoo arrintaasi ay ka damaysey ka dib markii ay Cuqaasha iyo Waxgaradka degmadaasi qalinka ku dugeen wax ka qabashada arrimaha degaanka iyo Cidii wax u dhimaysa.

 

Taliyaha ciidanka Degmada Buraan oo dhowaan uu soo Magcaabay Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Siciid Ciise Yey ayaa ayaa howlgeliyey Taliyaha la dagaalanka Xaalufka ciidanka degmada Buraan Mr Ganaase oo Ciidanka ku fayliyey Dhuldaaqsimeed farabadan oo ay ka cowdeen reer guraaga ku dhaqan in laga qiiqiyo Dhuxusha oo Mar hore laga Mamnuucay Degaanada ku Xeeran Magaalada Dhahar iyo Nawaaxigeeda oo ay Degaan ahaan isku teedanyihiin Degaanadan ay ciidanku ka howlgaleen.

 

Ciidanka ayaa waxaa ay ku soo qabteen howlgalkaasi ilaa 3Ruux oo Degaanadaasi dhuxul ka shidayey iyo Weliba dhir qoyan oo la soo gaadhsiiyey Xarunta Ciidamada Amaanka Degaanka ee Magaalada Buraan ,kuwaasi oo ay markii dame Qaarkood dabka ka sareen wixii ay doonayeen inay hirgeliyaan isla markaasina qaarkood ay cafis u fidiyeen iyagoo si wayn uga cabsaday La dagaalanka degaanka talaabadan ay Ciidanku ka Muujiyey.

 

Maanyerka degmada Buraan ayaa isagoo u Waramay Idaacadaha Maxliga ee Puntland Mudane Xajiin cali kolon waxa uu sheegay inay talaaban iska kaashadeen dadka degaanka iyadoo aan wax dhaqaale ah ka soo gaarin dhinaca Maamulka dowlada Puntland balse ay taasi tahay mid ay sii dardar gelinayaan.

 

Maxamed Axmed Ciise


 

 

Back To Home