BURAAN:-Beeraha buraan ayaan waxaan Booqasho dheer ku marnay qaar ka mida Beeraha Wax soo saarka leh oo ay ka dhex bidhaamayaan Timirrta khaylasha dhaadheer oo ay xiligan ka Faaidaystaan Boqolaal ruux oo ku dhaqan Gobolada dalka somaliya gaar ahaan Gobolada Sanaag iyo Bari oo timirtan si wayn loo soo dhoobo suuqyadeeda dadka qaarna ay xiligan dalagyadu soo go,aan ay Hadyado ahaan isugu dhibaan.
Timirta oo ah sheyga ugu mihiimsan dalaga beeraha oo idil ayaa xiligan siwayn looga dheehanayaa Magaalada Buraan oo ka mida Magaaloyinka Puntland ee Beeralayda ah oo xiligan xagaaga ah ay siwayn uga bidhaanto Timirta oo in kabadan 95Sano laga faaidaysanayey Dalaga beerahaasi ee wax soo saarka khayraadka kuwaasi oo aan ahayn timirta keliya ee ay ka mid yihiin Liinta Dhanaan,Xamarta/Raqayga iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee qudaarta.



Qaar ka mida beeraha kulaala isha Buraan.



Qaybta Hoose ee Beeraha Buraan oo la beeray sanadii 1950gii iyo Wixii ka horeeyey.


Beertani waxaa iyana ay ka mid tahay beeraha qadiimiga ah,Waxaana lahayd Marwo Faadumo dhahar oo ka mida Waxgaradkii hore ee Reer Buraan.

Geedkani waxa uu ka midyahay mira Iminka laga gurto beera inkastoo khayl ka mida khaylashan uu Weli cedhiin yahay.

Timirtii Sifiican u bislaatay oo iminka isku guda dhacday.




Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com
SRP Radio +Dhahar Onlline