Bosaso:-Waxaa goor dhowayd Bartamaha suuqa Magaalada Bosaso lugu diley 2Nin oo rayad ah kuwaasi oo ilaa iminka aan la sheegin cida ka damaysey dilkoodan,Waxaana saacadu ahayd xiligii uu dilakani dhacay abaara 11:45Daqiiqo.
Ciidanka Amaanka Magaalada Bosaso ayaa ku jawaabey Rasaas ay ku ridayeen dadkii dilka geystay oo iyagu ilaa haatan ay iswaydiinayaan dadwaynaha Magaalada Bosaso.
Magaalada Bosaso ayaa Amaankeedu waxa uu noqday mid aan laysku halaynkarin ,iyadoo intabadan laga dareemayo wadooyinka Magaalada Bosaso deganaansho la,aan marka ay marayaan ciidamada Amaanka oo Qoryaha dhabta si kedis ah ugu wata Dhuuntana Xabadu u fadhido.
Maxamed Axmed Ciise
Bosaso-Puntland