Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo dhawaan Raisalwasaaraha Somaliya u Magcaabay Gudoomiyaha Hay'add la Dagaalanka Budhcad Badeeda, Prof Ayaa BBC-da Waraysi uu siiyay isaga oo London ku sugan Sheegay in Arintan ay tahay isla markaana aanay ahayn in dagaal uun Lagu Soo Afmeero Budhcada Somaliya ay Muhiimadu tahay Wacyigalinta Bulshada iyo SHaqo u Abuurid Budhcada Laftigeeda.
Profka ayaa xusay in Shaqadii loo Idmay ay Haatan Gacanta ku hayaan isla markaana ay Shacabka Somaliyeed la Kaashanayaan sidii looga Guulaysan lahaa Shufta Badeeda.
"Maha Xalku Dagaal iyo Awood Kaliya dadka Shaqa La'aan Baahsan ayaa Haysa dhalinta Falkaasi Budhcada Gacanta Kula Jirta waa in Shaqo Abuurid loo Sameeyaa Igu Horayn oo Laga Wacyi Galiyaa Arintaasi Foosha Xun Somaliya Dhaqan ahaan iyo Diin ahaan Asal uma Laha"Ayuu Yiri Muxiyadiin Ali Yusuf.
Dhawaan bay ahayd markii Raisalwasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali uu Gudigi Madaxa iga dhigay Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf Kuwaasi oo ka shaqayndoona La dagaalnak Shufta Badeeda Somaliya.
Hadaba Waa Kuma Muxiyadiin Cali Yuusuf.
Ku dhashay Beyra, Gaalkacyo, March 1959
Ku soo koray yaraantiisii Gaalkacyo iyo Boocame.
Dugsi Hoose Gaalkacyo 1970
Fasal 5aad ilaa 8aad Dugsiga Dhexe komershaale Xamar1975
Ka qayb galay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga 1974-75
1976 ka qalin jabiyay tababarka Macamlimiinta Xalane
1976-1979 macalin iyo maamule ku xigeen Dugige Dhexe Raage Ugaas, Xamar
January 1982 ka soo qalin jabiyay Lafoole
January-July 1982 Macalin Dugsiga sareBenadir.
Sep.1982-July 1984 Maamule Dugsiga sare ee Bartamaha Xamar.
Sep.1984-July 1986 Maamule Dug. Sare Cusmaan Geedi Raage.
Sep.1986-July 1987 Maamule Dug.Sare Xamar.
Sep.1987-88 Maamule Dugsiga sare Wadajir
1986-1990 Macalin Jaamcadda Lafoole
1991-1997 Lataliye waxbarasho Somalida ee Toronto iyo ganacsade.
1997-1999 ka qalin jabiyay Humber College, Toronto(English academics and Computer programming)
1999-2001 Tababare waxbrashada iyo Computerada.Columbus, Ohio
2001-2003 Macalin iyo La taliyaha arrimaha Soomaalida iyo adeegyada dawladda Minnesota
2002 Shahaadada sare Education, Hamline University, St. paul
2003 Master of Education, University of Minnesota
PhD Candiate Bircham International Univrsity, Idaho USA
Puntland
2004 Maareeye Guud, shirkadda Hilaac Real Estate company
2005 Wuxuu asaasay Kulliyadda waxnarashada ee Jaamacadda bariga Afrika
2005 wuxuu wax ka dejiyay manhajka waxarashada Jaamacadaha Afrika, Nairobi
2006 wuxuu wax ka dejiyay manhajka waxbarashada macalimiinta Puntland
2006 Wuxuu diyaariyay siyaasadda waxbarashada macalimiinta ee dawladda Puntland oo baarlamaanka laga ansixiyay
2006 wuxuu ka qayb galay ansixinitii sharciga teknolijiyada cusub ee Somalia Nairobi
2006 wuxuu ka qayb galay diyaarintii waxbarashada aqoondirsiga iyo onlineka Somalia oo lagu qabtay Kenya, Tanzania iyo South Afrika
2006 Wuxuu asaasay xiriirka ururka tacliinta sare ee Puntland oo uu guddoomiye ka yahay (Puntland Tertiary education Commission)
2006 Wuxuu wax ka asaasay Bosaso College of Computer Engineering and training.
2007 wuxuu ka mid noqday aqoonyahanadii Djibouti ku asaasay ururka aqoonyahanada Geeska Afrika,
2007 Wuxuu la taliye ka ahaa eraybixinta eryada Sayniska ah ee maadooyinka dugsiyada lagu barto.
2007 wuxuu diyaariyay siyaasadda qorshaha horumarinta waxbarashada haweenka Puntland
Wuxuu xubin ka yahay ururka qorayaasha Soomaaliyeed.
Wuxuuna qoray buugaag iyo maqaalo ay ka mid yihiin
Buugaag
1. Labadii dagaal weyne ee dunida
2. Difficulties facing Somali students in America
3. Understanding of Somali Diaspora
4. Habka koriimada wanaagsan ee ilmaha
Maqaalo
§ Parenting in America
§ Somali students in America
§ Children of bilingual education.
§ Philosophy and modern education
§ African view toward history subjects.
Dhahar.com