Wareysi ay idaacada VOA’ad la yeelatey Sheekh Maxamed Siciid Atam ayuu ku cadeeyey in aysan ka tirsaneyn kooxda Alshabaab isla markaana uu sheegay in dagaalkan uu yahay dagaal mudo socday oo dhexeeyey dadka deegaanka iyo ciidamada PIS ta. Kaasoo soo bilaabmey waqtigii Madaxweyne Cade Muuse.
Mar la weydiiyey Sh. Atam in ay ciidama ajanabi ah la joogaan, ayuu qoslay isla markaana u sheegay VOA’da in aysan xitaa la joogin dad koonfur ka yimi iska daa ayuu yiri dad dibadaha ka yimide, waxaasina ay dacaayad tahay. Wuxuu yiri anagu waxaanu nahay reer Boosaaso, waxaana uga soo cararney dhib nalagu haayo iyo ciidamada PIS ta oo ay u geysteen shacabka Muslimiinta ah dhibaatooyin badan. Sidaas ayaan uga soo guurney Boosaaso. Waxaana nalooga daba yimid deegaanadan oo go’doomin lagu sameeyey.
Wuxuu sheekhu sheegay in ay shacabka deegaankaasi dul qaadan waayeen kadib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen maamulka. Isagoo sheegay in lagu soo duuley Laag, Ceeldoofaar, iyo Majiyahan. Deegaanadaas oo loo geystey dhac iyo burbur, haseyeeshee ayuu yiri Madaxweyne C/raxmaan Faroole ma uusan xalin.
Wuxuu sheekhu sheegay in madaxweynihii Cade Muuse uu dhaamey Faroole isagoo sheegay markii uu dagaal dhaco in uu kaga roonyahay xalintiisa. Sh. Maxamed Siciid Atam ayaa saxaafada u sheegay in ay wada hadal wadeen mudo ah sanad iyaga iyo Madaxweyne Faroole, kadibna uu ka baxay heshiiskii ay galeen, isagoo sheegay in aanu Madaxweynuhu xor ahayn. Waa siduu hadalka u dhigayee.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa la weydiiyey Atam in uu diyaar u yahay wada hadal, ayaa wuxuu ku jawaabey waxaanu diyaar u nahay inaan wada hadal la sameyno dad xor ah. Ma aha nin markii heshiis lala galaba odayaasha ku soo oranaya heshiis hala galin ayaa la iyiri. Waa siduu hadalka u dhigayee.
HALKAAN KA DHAGAYSO WAREYSIGII IDAACADA VOA’da