BAAQHadaanu nahay Issimada, Cuqaasha iyo waxgaradka beesha Warsangeli ee deegaamada Haylaan iyo Galbeedka Bari waxaa kasoo baxay shirkayagii maanta oo taariikhdu tahay July 29, 2010 ka dhacay magaalada Dhahar qodobada soo socda:
Waxaanu kasoo horjeednaa wax allaale iyo wixii nabada iyo xasiloonida Puntland wax u dhimaya meeshay doonaan haka yimaadeen, ciday doonaana ha ahaadeene;
Waxaanu si deg deg ah goobta uu dagaalku ka dhacay ugu diraynaa guddi isugu jira issimo iyo waxgarad kale oo soo baadha xaqiiqada meesha ka jirta;
Maadaama uu dagaalkani ka dhacay deegaankayaga waa in ay dawlada Puntland naga war sugtaa inta aanu xal nabad ah ama mid colaad ah ka keenayno ciidanka buuraha Galgala ku jira;
Waxaanu ugu baaqaynaa maamulka Puntland in ay go’doominta ka qaadaan shacabka degan deegaanka Galgala iyo tuulooyinka ku dhow magaalada Boosaaso;
Waxaanu diidanahay hadalkii kasoo yeedhay madaxweeynaha ee uu ku baaqay in beelaha Puntland ay hubka qaataan, waxaanuna u aragnaa hadalkaa mid khal khal gelinaya nabada Puntland. Anagoo aaminsan in wax walba marka hore nabad lagu dayo, xalka ugu danbeeyana noqdo dagaal hadii nabad wax lagu qaban waayo.
Shirkan waxaa kasoo qayb galay:
Nabadoon Warsame Adan Geesood
Nabadoon Cabdilaahi Maxamed Xassan Muuse
Nabadoon Axmed Siciid Madaxay
Nabadoon Siciid Xasan Xaaji Yuusuf
Nabadoon Saxaradiid Ali Dhawaaq
Nabadoon Abdi Ali Farah
Nabadoon Cabdi Ibrahim Jarjoor
Nabadoon Abdi Salaad Farah
Nabadoon Maxamuud Cumar Muuse
Nabadoon Faarax Cali Ilsar
Nabadoon Bashiir Faarax Taalaherdi
Nabadoon Boqole Cabdi Qacle
Nabadoon Yuusuf Boobe
Nabadoon Cabdi Halac
Nabadoon Maxamuud Cismaan Yuusuf
Nabadoon Ahmed Maxamed Xasan (Mucaarad)
Nabadoon Axmad Saalax Caynab
Nabadoon Cabdi Kilwe Cismaan
Nabadoon Maxamed Yousuf Shire
Nabadoon Muuse Gabayre Axmed
Nabadoon Salaad Siciid Jibe
Wixii faahfaahin ah, lasoo xiriir gudigaodayaasha@gmail.com