Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail
Qaran In La Dhiso Waa Sahlan Tahay Laakiin Qabyaalada In Qalbiya Laga Daaweeyo Ayaa ka Dhib Badan Carqaladna Ku ah Qaranmida Soomaaliya. (M.Bootaan)

Mahad Oo dhan waxaa leh Eebe Waynaaye Casa Wajel, Naxariis Iyo Nabad Galyana Ha Ahaado Nabigeena Maxamed Kurkiisa .


Intaas ka dib waxaan jececalay inaan qoraalkaan intii Eebe Iga Garansiiyo aan ka qore Mawduucaan ah Qaran In La Dhiso Waa Sahlan tahay Laakin Qabyaalad In Qalbiga Laga Daaweeyo Ayaa Ka dhib badan.

Sida aan lawada socono dalka soomaaliya iminka waxaaa la dhisan DFKMG ah taas uu lagu soo dhisay dalkan kenya gaar ahaana magaalada Nairobi ka dib shir ka soconayay kenya mudu ka badan laba sano iyadoo nasiib wanaag markii danbe lagu guulaystay dhismaha Dawlada Federaal ah oo KMG ah oo ay kuwada jiran dhamaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasada dalkeena soomaaliya ha wato arimo dhanka qabyaalada ah ama dhanka maaliyad ah iyo waliba dhanka maamul jecaylka ah.

Dawladaasi dalkaan kenya iminka lagu dhisay waxay ka hawl gasha sida aan lawad socono magaalada Jawhar oo ah xarunta KMG ah ee ay dawladu ku shaqayso inta magaalada Caasimada u ah soomaaliye Ee Muqdisho laga Nabadyno, is fahan la,aan wayn ayaa ka dhalatay arintaasi ah in ay dawladu ku shaqayso magaalada jawhar waxaana ka hor yimid qaar ka mid ah wasiiro ka tirsan dawlada iyo xubno ka tirsan baarlamaanka oo uu horkacyo gudoomiyaha baarlamaanka iyadoo ay dhanka kale horkacyaan Madax waynaha iyo Raiisul wasaaraha iyo Gudoomiye ku xigaynada koowaad iyo labaad iyo waliba wasiiro iyo xildhibaano aad u badan.

Is Fahan la'aantaas ka dhax taagan Dawlada FKMG ah waa mid la xalin karo hadii niyad fiican la iskula yimaado iyo qaranimo marka laga tago arimaha nin walba sida gaarka ah u jecel yahay waxaana marka ay sidaasi timaado hir gali karto Dawlad iyo qaranimo.

Balse Qaranimada iyo Dawlad nimada waxa kaliyah ee Hortaagan waa Qabyaalada.


Horta aan kala Saarno Labada Eray ee Qabiil iyo Qabyaalada Waa labo weer ama Xar oo ah Afka Carabiga Soomaalina waa ugu soo micna dhaw Beel Iyo Beelaysi.

Hadii aan ku hormaro Qabiil Ama Beel Taas Waa mid ku Cad Qur'aanka Kariimka ah mana la diidin ( Suurada Al- Xujuraad Ayaada 31-aad ) EEBE Wuxuu ku yiri "WAR DADAW ANAKAA AYAA IDIIN ABUURNAY MID LAB IYO MID DADIG-BA WAXAANA IDINKA DHIGAY SHABYO IYO QABIILOOYIN SI AAD ISKU KARTAANKA IN IDIINKU SHARAFTA BADAN ILAAH AGTIISA WAA KAN IDIINKU CABSI BADAN'' ilaah ayaa Rub badane ah hadaba sida aan ka dheehan aayadasi quraanka ah qabiiku waa wax la isku barto oo kaliya yaa qaraabo tihiin yaa isku reer tihiin yaad ka soo jeeda beel ah marka Xarafka qabiil sidaas weeye macnihiisa runta ah ee ay diinta islaamku ka qabto.

(Kan labaad waa Qabyaalada Ama Isbeelaysi ) taasana waa tan iminka dalkeena soomaaliya sidaan aragno ka dhigtay ilaah hanaga daaweeye Nabiga NNKH ayaa ayaa XadiiTh Ku yiri Saxiix Ah " ISATA tAGA WAA MID URAYSEE AMA XUNE QABYAALADU'' hadaba in qabyaalada lagu dhaqmo waa arin xun oo aad looga dariyay qabyaaladu waa tan isku dirta laba isla dagan kala gaysana wiil iyo abtigiis ama nin iyo xaaskiis ama laba wada tagta.

Qaylaada ayaa waxaa looga bixi karaa oo kaliya Kitaabka EEBE ee Quraanka ah marka la fahmo Macnihiisa dhabta ah EEBE Waxaa UU Aad Quraanka ka mid ah ku yiri " DHAMAAN ,MU'MINIINTU WAA WALAALO'' markii ay diintu balaabaysay ee xiligii jaahilyada ayaa carabtu waxay ahayd sida soomaaliya waxayna isku leenayeen Reer Aws Iyo Khasraj labadaasi ayaa markii ay diinta fahmeen waxay noqdeen kuwu walaalo ah marka soomaalidu waa dad 100% ah dad islaam ah basle aan sifada islaamnimadu ka muuqan islaamku waxuu raabaa in diig aan sharci ahayn la daadin in aan cid la dhicin in aan lagu xadgubin qof kale war aaway tilmaamahas diintu amartay.

Qabyaaladu waa tan kaliya ay ka socon la' dahay dawlad kasta oo dalka soomaaliya loo soo dhiso tan iyo 14kii sano ee aan ku dhex jirnay bur burka iminka dalkeena soomaaliya waxaa ka dhisan dawlada fadaraal KMG ah sida ka muuqtana madaxda ugu sarayso waa rag rabo in dalku noqdo mid kala danbayn leh diinta step step ama tilaabo tilaabo ayaa lagu hir galin karaa marka la helo qaran iyo nabad galyo rag culumu ah ayaa ka hadla marka la yiraahdo dalka ciidamo ayaa la keenyaa si nabada loo soo celiyo balse maxay uga hadli waayeen dhaca dilka iyo isbaarooyinka sharci darada ah ee dalka yaala iminka.

Qaranimada soomaaliya waxaa hor taagan qabqablayaal ay qaaday qabyaaladu aan qiimo ugu fadhiyin qof dhinta iyo kii bada ku qoosaba kuna dhinta bad waynta qabqabalyaashi waa kuwa ka fog sida loo malayno waxaysan rabin im dalku dawlad yeesho in dalku nabad noqdo in isbaaradu taalo iyo in dadka ay afduub ahaan uga haystaan maskada iyaguu qabyaalad ku kicinya war yaa ah Qanax naga celiya Qurac

Qaybaaladu Waa Qurune Ka Dheeraada Qaraabo Yaa Soomaaliyeey la dha dhaho inta la dhihi lahaa yaa ah Qansax iyo qurax.

Waxaa Qoray
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail Nairobi Kenya
254-723501211 Mobile


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved