|
Asli Xasan Calansida Muuqaalka
Wanaagsan Ee Haweenka Somaaliyeed. (X.Carab)
Haweenka Somaaliyeed ayaa Kaalin Wanaagsan
oo Tixgelinteeda leh ka qaatay Howlaha Badan ee Dalkii Hooyo
ka socday Mudadda Burburka iyo Jaha-wareerka, iyadoo la wadda
ogyahay Doorka Haweenka Somaaliyeed oo Xiligii Halgankii Xoriyadda
Qaaligga iyo Sidda eey Gacanta Weyn uga geeysteen una hureen
Naf iyo Maalba.
Laga Soo bilaabo 1991-kii iyo Burburka Guud ee Dalka Somaaliyeed,
Colaadaha iyo
Dagaalka Sokeeye ee Xasuuqay Kumayaasha Qof oo Somaaliyeed
isla markaana kala gooyeey Dalkii
iyo Dadkii Walaalaha ahaa iyo Sidda Aqlabiyadda Ragga Somaaliyeed
ku Milmaay Colaadda
iyo Xiiso abuuridda iyo Dagaal Oogidda, ilaa hadana Raguhu
yahay midka Dhibaatadda
Dalka weli a sii wadda, ayaa Haweenka Somaaliyeed la yimaadeen
qaab iyo aragti iyo hab ka
duwan midka colaadda, dagaaladda iyo xumaanta ku saleeysan,
waxeey gacan ka geeysteen howlo
badan oo faa,iido weyn u leh arrimaha Bulshadda iyo Daryeelka
Qoyska iyo Midda
Ahamiyada Weyn leh oo ah Qaadidda Masuuliyadda Qoyska oo Aabihii
Dayacay.
Waxaan Maqaalkan ku Xusaayaa Marwodda Magaceedu yahay:- Asli
Xassan Cabaade oo ku
Dhaqan Dalka Mareeykan oo ku Caan baxday Magaca Asli Calansida
Maadaama eey had iyo
jeer Huiwan tahay ama Dhar ahaanba u Soo Xirato Calanka Somaaliyeed
ee Quraxdda Wacan
leh, Asli Waxeey ku Caan baxday ka qeeyb qaadashadda Shirarka
Somaaliyeed Gaar ahaan
Kii Dalka Jabuuti(Carta) iyo Kii Dalka Kenya ee Laga Soo Dhisay
Dowladda ku meel
gaarka ah ee Hadda Labadda Garab u kala fadhidda Magaalooyinka
Muqdisho iyo Jowhar kuna Socota
Wadadda Burburka iyo Fashilaadda, Asli Waxeey ka mid aheyd
Ergooyinka Danta Guud iyo
Maslaxadda Ummadeed awgeed Shirkaas uga Qeyb galay, kuna Boorinaayeey
Qeybaha kala
Duwan ee Shirka joogay ku dadaalidda hirgeinta Shirka iyo
Xalinta Dhibaatooyinka
Dalka ka Jirra iyo Helitaanka Dowlad Somaaliyeed oo loo dhanyahay
kana Shaqeeysa Danaha Dadka
iyo Dalka, Waqti Badan iyo Danihii Qoyskeedda aheey Danta
Guud ee Ummadda Awgeed uga
Soo Dhooftay Dalka Mareeykanka, iyadoo Mudnaanta Koowaad Siineeysay
Qaranimadda iyo
Dib u Soo nooleeynta Dowladimadda iyo Jiritaanka Somaaliyeed.
Asli Waxeey Astaan Wanaagsan iyo Sawir wacan u tahay Haweenka
Somaaliyeed ee leh
Qiiradda iyo Mowqifka Wadaniyadeed, Aragtidda Dal jaceyl iyo
Midnimadda Ummadeedba,
Waana sifooyinka wanaagsan ee Dadka Somaaliyeed lagu yaqiinay,
laakiin Xiliyadan ka
Soo Suuleeysa inta Badan Dadka, Gaar ahaan Ragga isku Magacaaba
Hogaamiyaasha
Iyo Siyaasiyiinta Somaaliyeed oo ah Aabayaasha Dhibaatadda
iyo Burburka iyo Silica a
Jir Guud ahaan Geyigga Somaaliyeed, Gacan ku Dhiiglayaasha
Waaweyn oo Hadda ah
Xildhibaanadda Sharafta leh iyo Wasiiradda labadda Garab ku
kala Fadhiyadda Jowhar
iyo Caasimadda Qaranka Muqdisho, Waxaa Mudaan leh in Asli
tahay Muwaadinad ku Taagan
Danaha iyo Aayaha Dalkeedda iyo Dadkeedda Somaaliyeed, Hogaamiyaashuna
ku Taagan
Yihiin Burburinta iyo Dumeynta Dalka iyo Dhibaateenta Dadka
Mashaakiinta ah, Waana
Labo Sawir oo si Weyn isu diidan, Waxaa Kalle oo Amaan mudan
Marwadda Magaceedu
Yahay:- Batuulo oo Degan Dalka Finland oo Caawimo Wax ku ool
ah u Fidisay Hadda ka
Hor Degaamadda Afgooye iyo Marwadda kalle oo Magaceedu yahay:-
Asli oo Deganka Dalka
Jarmalka oo Musaacadaad Daawooyin ah Hadda ka Hor Jeesay Magaaladda
Gaalkacayo ee
P/Land Iyo Weris Diiriye oo Gacan Qabatay Gabdho Somaaliyeed
oo Falal Fara-Xumeeynta
Loo geeystay oo eey Debedda Caafimaad ahaan ugu Soo Qaaday
iyo Marwadda Somaaliyeed
ee Qalinkeeda ku Difaacdda Danaha Dadkeeda iyo Dalkeedda Marwo:-
Sahra Cabdi Xirsi oo
Degan Dalaka Holland iyo Gabadha Da,da Yar ee Magaceedu Yahay:-
Xaali kuna Sugan Dalka
Gudihiisa Magaaladda Jowhar oo Maqaaladda iyo Qormooyinka
Ahamiyadda weyn ku Soo
Bandhigta Shebekadda Dadaalka Fiican leh ee 4Somaliwomen.
Amaan Iyo Bogaadinta Gaar ah Marwo- Asli Xassan Cabaade(Asli
Calansida) Dadaalkeedda
iyo Qiiradeedda Wadaniyadeed iyo Aragtidda Wanaagsan ee Dalka
Jaceylka ku Saleeysan
Dadaalka Halkaas ka sii Wad Marwo, Munaasabadda Bisha Ramadaankana
Soon Kheeyr
leh iyo Camal Maqbuul ah Ayaan Alle Kaaga Rajeeyeey, Aamiin,
Aamiin.
-Alla Mahad Leh-
Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England-
-sharifhassan50@yahoo.com-
-sharifhassan50@hotmai.co.uk-
| |