|
TALAABO
WANAAGSAN MAXAABIIS IS-DHAAFSIGGA. (Xassan
Carab)
Hanaanka
wanaagsan oo caqliga ku saleeysan ayaa guul iyo wax tar lagu
Gaari karaa, lagauna xalin karaa khilaafyadda iyo arrimo muranku
ka jirro
ee ka dhexeeya S/Land iyo P/Land oo ah Dad degaan iyo daaq
wadaag ah
isla markaana leh xiriir dheer oo ku saleeysan Gacalnimo iyo
Qaraabanimo
Ahamiyadeeda leh, Xiriir soo jireen ah iyo is-dhexgelidba.
Talaabadda Maxaabis is-dhaafsiga ayaa ku timi dadaalo joogto
ah oo eey
qaadeen Hey,adaha samaflka wadaniga ah iyo qeybo ka mid ah
hogaan
Dhaqameedka bulshadda oo niyad samid iyo howlo daacadnimo
qabtay oo
Amaan ku mudan yihiin, iyadoo aan meesha laga saari kareen
gacanta eey
Masuulintu ka geeysteen iyo Culeeyska Dowladda Itoobiya iyo
UN-ta.
Guushan ayaa ah mid qiimo weyn ku fadhida loona arki karro
in eey wadada
u furi doonto habkii looga wadda hadli lahaa mushkiladda murugsan
ee ka
Jirta Xaaladda Gobolka Sool oo eey isku hor fadhiyaan Ciidamada
P/Land
Iyo kuwa S/Land ahna arrin xasaasiyadeeda leh oo si weyn u
dhaawacday
Xiriirkii iyo Hanaankii Nabadgelyadda Degaamadaas, dhibaato
weyn ku ah
Dadka Xoolo dhaqatada ah, iyo sii kala fogeeynta Dadka Degaanka.
Waxaa Xusid mudan Farxadda Qoysaska iyo Ehelada 35-Maxbuus
oo ah
kuwa la is-dhaafsaday 23-Maxbuus oo reer S/Land ah iyo 12-Maxbuus
oo
Reer P/Land oo hadda si nabadgelyo leh ku soo laabtay guryadoodii
iyo
Dadkoodii, kana soo xoruubey Maxbuusnimadii iyo jeel ku xirnaantii
oo
sida ku haboon u hantiyeey qiimaha iyo qaayaha macaan ee xoriyada
uu
Leeyahay Muwaadinku, shaki kuma jiro in sawiradda wanaagsan
ee eey
Bixiyaan Maxaabistu wax badan ka bedel doonto qiiradda iyo
caadifadda
Qabyaaladeed oo rakhiiska ah oo Dadka qaarkood sida weyn u
jeedatay
Weliba Qurba jooga oo hudhiyaasha dadabka colaada,Bilaayada
iyo ka
Talinta Dagaal Oogidda, waana arrimo ka soo baxa qof la oran
karro waa
Jiran yahay ama dadnimadiisa ayaa liidata ama Caqligii ayaa
ka suulay,
Laakiin Caqli-Xume, Dareen Xume, Dadnimo Xume iyo kuwa la
midka ahi
Waxba ma yeeli karaan rabitaanka dadka wanaagsan iyo ummada
toosan
oo caafimaadka qabta.
Colaado, dagaal, khilaafyo iyo qas abuurida ayaa ah sababa
keenay oo
koow ka ah dib u dhaca iyo mustaqbal xumadda ummadaha qaaradda
Afrika iyo guud ahaanba dunidda sadexaad oo ah hooyga xukuumadaha
Musuqmaasaqa iyo keli-taliyaasha gacan ku dhiiglayaasha ah
oo dadka
baday tacadiyo iyo xadgudubyo joogto iyo weliba xasuuqyo waaweyn
oo Malaayiin galaaftay, haddaba S/Land iyo P/Land ka garteen
ahamiyada
iyo qiimaha weyn ee nabadgelyadu leedahay Iyo in Adeegsiga
Caqligu ka
Wanaagsan yahay adeegsiga Muruqa ama Awood Ciidameed iyo Aaladda
Hubeed ee keenta Burburka iyo Kahaaraha, hana ku dadaaleen
dhaqanka
Xadaariga ah iyo Wadda Hadalka.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- 07/12/2005.
-sharifhassan50@yahoo.com-
| |