|
Waagaca Cusub Calool Bukta
Iyo Indho Naceeyb iyo Xumaani Ka Buuxdo Ayaa Lascaanood ku
Eegay. (X. Carab)
Saxaafadda iyo habka Qoraanimadda ayaa ah
Risaalad Xurmo iyo Run Sheeg ku Saleeysan
kana Nadiif ah Waxyaabaha Beenta ah iyo Aragtidda Naceeybka
iyo Colaadda ku Qotonta,
Waa Masuuliydda loo Baahan in la Garto Qiimaha eey Leeyahay
Iyo Asluubta Iyo Anshaxa
Saxaafadeed.
Waxaa Mid la Yaabo ah oo Ayaan Darro iyo Meel ka dhac weyn
ku Saleeysan Sidda Ninka
Tifatiraha u ah Shebekadda Waaga Cusub oo iskeedba leh Afkaar
iyo Aragti Naceeyb iyo
Xumaan Faafin iyo ku Hadalka Luqad Qabyaaladeed, Si Cadna
u Colaadiyadda Maamulka iyo
Ummadda Reer P/Land Iyo Maamulka Madaxweyne Somaaliyeed C/Laahi
Yuusuf oo u Sabab
uga Dhigo Degaamadda u ka Soo Jeedo awgeed, Runtii Shebekada
Waaga Cusub iyo Qalinka
Tifariraha ayaa Qora Waxyaabo aad iyo aad Meel ka dhac ku
ah Saxaafada iyo Hab Dhaqanka
Wanaagsan ee Ummadda Somaaliyeed, Af-lagaado Xad dhaaf ah
ayaa ku Soo Baxa Waaga
Cusub iyo Qalinka Daahir Yarre, Xuriyadda Saxaafadda iyo Aragtidda
iyo Madax
Banaanidda Qalinka waa Micnaheedu Ceeyda iyo Been Abuuridda
Iyo Khaldidda Xaqiiqadda
Dhulka Jirta.
Soo Dhoweeyntii Iyo Marti Sharafeedii Iyo Ogolaanshihii Xororiyad
u Socodka ayaa
Weriyuhu uguga Abaal Gudaayaa Dadka Xurmadda, Sharafta iyo
Dhaqan Gobeedka ku caan ka ah ee
Reer Laascaanood, Xumaan Iyo Been Abuurid iyo Luqadda Loo
Soo Laqimay ee Gefka iyo
Cunsuriyadda ku Dhisan, Ujeedadda Naceeybka P/Land iyo Hanaanka
Maamulka Dowladda
Dhexe ee Somaaliyeed Iyo Midnimadda iyo Wadda Jirka Ummadda
Somaaliyeed, Waa mid
La Oran karro Yaabka Yaabkii iyo Caqliyad Xanuunsan Waxyaabaha
uu Qoran Weriyaha ka
Madaxdda Ah Shebekadda Waaga Cusub oo ah Shebekad Soo Bandhigta
ama Qorta Gefka
iyo Qadafka, Bal Eega- Magool Mujaahidad Saadona Faqash Iyo
Maqaalo Iyo Qormooyin ku
Dheehan Naceeyb, Xasarad iyo Af-lagaado Xad Dhaaf ah, Waxaan
ka Xumahay in Maqaalo
aan Qoray ku Soo Baxeen Shebekadaas Aragtidda Iyo Hadafka
Khaldan ku Socoto, Haddii
Wanaagii aad Xumaan ku Guday Weriye Daahir Yarre Mahadsanid,
Anaga Wanaaga, Habka
Iyo Dhaqanka Wanaagsan Ayaa Lana Mudan Been Iyo Waxyaabo aan
Jirini oo La Abuuray
Dad eey Wax Yeeli Karaan Waanu ka Weeynahay MudaneYarre.
Runtii Waxaa mid Xaqiiqadda si weyn uga Fog Maqaalka Daahir
Yarre ka Sameeyeey Safarkii
uu ku Tagey Magaaladda Laascaanood isagoo ku Soconaayeey Aragtidda
iyo Hadafka kuwa u
Codkooda ku Hadlaayo ama eey isku Aragtidda Yihiin, Habka
Cunsuriyadda iyo Naceeybka
Sidda Joogtadda ah ugu Dhaqma, Marka aad Dhuuxdo Qormadda
Ayaad Arkeeysaa Sidda loo
Abuuray Beenta iyo Xaqiiqadda ka jirta Magaladda Laascaanood
ah Xurunta Gobolka Sool
iyo Xudunta Beelaha Daraawiishta Xurmadda iyo Milgo Gobeedka
ku Caanka ah, Mudane
Daahir Yarre Laascaanood Waxaa ka Jirra Maamul Wadani ah oo
Dadka Degaanka Metela oo uu ka
Yahay Gudoomiye Gobolka Mudane- Maxamed Baaruud, Halka uu
Degmadana Gudoomiye ka
Yahay Dr-C/Rshiid Barkhad Waana Labao Shakhsiyadood oo u Dhashay
Degaanka Laguna
Qabo Kalsooni, Marakaas Indhahaagu Meey Arki Waayeey Xaqiiqada,
Dhanka Waxbarashada
Maagaaladda Laascaanood Waxeey ka Gaarteey Heer iyo Meel aanay
Weligeed Gaarin:-
Dugsiyadda H/dhexe, Dugsiyadda Sarre, Macahyadda Islaamigga
ah iyo Hadda oo Laga
Bilaabay Waxbarashadda Heer Jaamacadeed, Bulshadda Reer Laascaanood
oo ah Dad la
Yaqaano oo Taariikhdi Dheer ku leh Halgankii Xoriyadda Somaaliya
iyo Illaalinta
Qaranimada iyo Jiritaanka Dalka Somaaliya, kuna Sifoobay Dhaqn
Wanaag iyo Milgo Gobeed, Si Weyna
u Xurmeeya Xiriir Deris Wadaaga, Degaan Wadaaga iyo Ehelinadda
iyo jacalnimadda eey
La Wadaan Beelaha Reer Sheekh Isixaaq oo Soo Jireenka Ayaa
Loo Baahnaa in Weriyaha
loo Sheeko Markii Sidda Khaldan Fariimaha Loogu Dhiibaayeey,
Waaqicana laga Habaabinayeey.
Tifatiradda Waaga Cusub, Anigoo Xurmeeynaaya Aragtidda Wariyaha
Iyo Xoriyadda Soo
Bandhigidda Qoraaladda ayaa Waxaa ku Habooneyd Sheegidda Xaqiiqadda
iyo Cabiridda
Aragtidiisa Xorta ah ee ma Haboona in uu ka Duulo Mid loo
Soo Dhiibay iyo in uu Arrinta
ku Dabiqo Naceeybka iyo Cunsuriyadda uu u hayo Maamulka iyo
Dadka Reer P/Land,
Waana mid la Wadda Ogyahay Halka Waaga Cusub iyo Tifatiraheedu
ka taagan Yihiin
Ummadda Reer P/Land Waxaa Aragtidaas Naceeybka leh la Wadaaga
Shebekado Kalle
eey Waaga Cusub Iskaashi Leeyihiin, Aniguna aan u Arko Bogaga
Jaalaha ah, Dhanka
Nabadgelyadda Weey Jiraan Dhacdooyin Iyo Falal Aragti Qabiil
leh oo ka Dhacay Degaanka
Waana kuwo laga Xumaado, Hogaanka Dhaqmeedka, Odayaasha, Culimaa,udiinka
iyo Dadka
Waxgaradka iyo Maamulka Gobolkuba Weey ku Dadaaleen Wax ka
Qabashadda iyo Xalinta
Dhibka iyo Amaan Xumadda Weeyna ku Guuleeysteen Weeyna ku
Amaanan Yhiin, Wana
Jirro Wax La yiraahdo Maleeshiyaad Majeerteen oo ku Amar Taag
leeyahay ama Falal Xun
ka Geeysta Degamadda Gobolka Sool, Ciidanka Joogaanaa Waa
Daraawiishta P/land oo
intooda Badani yihiin Dadka Degaanka u Dhashay, Weriyuhu Wuxuu
Garan Waayeey in kuwo uu ku
Tilmaamaayo Majeerteenka Yihiin Walaal Dhab ah ee Daraawiishta
Reer Sool.
Runtii Soo u Dhac Weyn iyo Xaqiiqo Bedelid iyo Sawir Madoow
ayaa ka Muuqdda Habka
Wax Qorista iyo Hanaanka Shaqadda Shebekadda Waaga Cusub,
Waana mid Naxdiinteda
leh in Shebekadan oo Dhowaan ku Soo Biirtay Bogaga Somaaliyeed
Sidaas ku Sifoowdo
Weliba Aniga ayaa Maqaalo ku Soo Saaray una Han-weynaa Waaga
Cusub Iyo Tifariyye
Daahir Yarre oo aan kula Talinaayo ku Dhaqmidda Asluubta iyo
Anshaxa Saxaafadeed iyo
Hufnaanta Qalinka iyo Qoolka.
-Alla Mahad Led-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England-
-sharifhassan60@yahoo.com-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
| |