|
Hogaan
Xumida, Musuq-maasaqa Iyo Cadaalad La,aanta Dowladaha Geeska
Afrika.
(Xassan Carab)
Dowladaha
isku baheeystay Urur Goboleedeka Igad ahna ku Yaala Geeska
Afrika oo intooba badani nasiibka u heleen dhul barwaaqo ah
oo Raxmadda
Iyo Barakadda Alle camirin-tahay Biyaha iyo Dhul beereedka
Dihin iyo
Xoolaha oo Buuxa, Kheeyraadka Badaha Dhex Jiifa iyo Muruqa
Dadkooda
oo Malaayiin Heeygan ah.
Marka la eego Degaamadaas Hibadda Alle Siiyey iyo Dayaca iyo
Rafaadka Dadka
Heeysta ayaa Naxdin iyo Murugo ku Geleeysaa, Wel Weli iyo
Walaaca Weyn ku
Qaadanaayaa, Ayaan Daradda ayaa ah Hogaan Xumadda Madaxdda
Dalalkaas iyo
Sidda eey u Dhacaan Hantidda iyo Kheeyraadka Dallalkooda,
Tacadiyadda iyo
Xagdudubyadda Waaweyn oo eey Ummadahooda ku Hayaan, Cadaalad
La,aanta,
Sinaan La,aanta, Daryeel La,aanta Iyo Hab Xukunkooda Awood
Adeegsigga iyo
Diktaatooriyadda ku Dhisan oo Halaag iyo Halaag Ummadaha Gobolka
Baday Bal
eeg Xaaladda Dhaqan Dhaqaalle iyo Dib u Dhaca Weyn ee ka Jirra
Dalalkan:-
1-Itoobiya.
2-Kenya.
3-Ereteriya.
4-Ugandha.
5-Sudaan.
6-Somaaliya
Tacadiyadda Madaxdda iyo ku Xadgudbiyada Sharciga iyo Nidaamka
Dalka ayaa Sababay oo Abuuray Xaaladaha Jaha-wareerka iyo
Dhaqaalle Xumadda Weyn ee Ka Taagan Dalka Kenya oo ah Dhul
Beereed Qani ah, Xeeb Camiran leh, Dalxiiskana ku Caan ah
oo Duur-jooyo badani buuxdo, Laakiin Hanaanka Masuq-maasiqa
iyo Hanti Dhicidda iyo Habka Kele-Talisnimadda ayaa u Horseeday
in uu Noqdo Dal ku Nool Kaalmo iyo Deynta Aduunku Bixiyo oo
Culeeyskeedda leh, oo weliba Cudurka Xun ee dilaaga ahi u
Dheer-yahay oo si xad-dhaaf ah Dalka ugu baahay.
Ugaandha,Nidaamka keli talisnimadda ku dhisan iyo cadaadiinta
ku xadgudbidda Sharciga dalka iyo ku adkeeysiga xukunka dalka
ayaa ah astaamaha Madaxweynaha Dalkaas oo ah Maal-qabaan weyn
oo hantidiisii faraha ka bada-tahay, Dadkuna ku Sugan yahay
Xaalad adag ee dhaqaalle xumada iyo daryeel la,aaneed iyo
Colaado iyo Dagaal muddo dheer qaatay oo naxariis daro ah
iyo Cuduradda Halista ah.
Erertariya-Madaxweynaha ayaa Shakhsi si weyn u jeceyl xukunka
iyo awood weyn oo uu gacanta ku heeysto, dalkiina ka dhigay
mid curyaansan oo midnimadii dhaawac weyn u geeystay, islas
markana abuuray Raxan la nasnuujiyo oo hantida iyo awooda
Dalka Gacanta loo geliyeey, Halka Halgamayaashii Jidaaradda
Gaajo iyo Dayac u Jiifaan.
Dalka Sudaan ayaa ah dhulka ugu balaaraan,uguna hodonsan qaaradda
afrika oo alle ku maneeystay Dhul Beereed Baaxad weyn leh
iyo Biyo Dhurdhuraaya Webiga Niilka Laakiin Dhibaatadda ayaa
ah mid isir iyo qabyaalad ku saleeysan iyo Habka Kala Saarida
dadka Dalkaas(Cunsuriyadda) dadka koonfurta lagu hayo oo sababtay
Xaalad Dagaalo Joogto ah oo Khasaarooyin weyn geeystay, Dalkiina
Curyaamiyeey,Inksatoo Xiligan laga oran karro Weey soo dhaameeysaa
Sidii Horre Heshiiskii Nabada ka dib, Inkastoo Arrinta Darfuur
eey Culeeyskeedda iyo Dhibkeeda leedahay xadgudub iyo Calaamad
Madoowna ku tahay Bani-aadanimadda.
Dalka Itoobiya-ayaa ah midka ugu dad badan intaas ugu liita
Dhaqaalle ahaan iyo Hanaanka Xukunka oo Tacadiyaad iyo xadgudubyo
waaewyn loo geeysto Dadka Gaar ahaan Madaxdda Axsaabta Muraacadka
iyo Qoomiyadaha aan Aheyn inta Xukunka Gacanta ku Heeysta
ee Tigreega oo Aqaliyad ah, Xoriyadda iyo Hanaanka Siyaasadeed
ee Horumarka iyo Tartanka leh ayaa Hogaanka Dalku si weyn
u diidan Yahay, Doorashooyinkii dhowaana si cad ugu shubtay,
dalka ayaa xaalad dhaaqle xumo iyo Cimiladda oo adag awgeed
mararka qaarkood gala xaalad jaha-wareer iyo Cunto La,aan
Weyn, Dad Badani ku Hoobtaan Macaluusha iyo Dayaca iyo Cudurka
Aidska oo eey Hooyga u Noqdeen.
Somaaliya-Burburka, Colaad, Dagaalo Sokeeye, Xasuuqyo, Xadgudubyo,
Dil joogto ah iyo Hogaamiyaal Gacan ku Dhiiglayaal ah, Xaraan
ku Naaxayaal ah, Belaayo Abuurayaal ah, Nabad-diidayaal ah,
Qaran Dumiyaal ah, Daneeystayaal Dulmiga iyo Duliga Dalka
Baday oo Weliba Xiligan ah Xildhibaano Sharaf leh iyo Wasiir
Xurmo Mudan iyo Ilaa Heer Madaxweyne, Laakiin Xaqiiqadu tahay
in eey Dhammaantood Mudan Yihiin maxakamadeed iyo Jeel ku
Heyn, Khilaafka Labadda Garab ee Dowlad ku Sheega Neyroobi
lagau soo Macmalay oo Xaaladda Burbur ku Sugan.
Waxaa Ayaan Daro ah Dadweynaha Somaaliyeed ee Daawashadda
ku jirra Halka Dalkii Xaalad aad iyo aad u xun ku sugan yahay,
Dib u dhac iyo burbur guud wada Saameeyeey, Waxaa Maanta loo
Baahan yahay Kacdoon Ummadeed, Codka Dadka oo Leh May Dhiigya-cabyadda,
Maya Beelaayo Abuurayaasha, Maya Dalaalo iyo Abuuridda Colaado
Sokeeye, Mayo Dilka, Dhaca iyo Xadgudubka Muwaadiniinta lagu
Haya, Mayo Fara-Xumeeynta(Kufsashadda) Haweenka Somaaliyeed
loo Geeysto, Mayo Qasmadayaasha Muqdisho iyo Jowhar kala Fadhiya
oo Tuugmadda Caalamka ku Nool, Maya, Maya-Dadweynoow Maya
Dheha oo Kaca-Kacdoon Sameeya Dalka Sidan u Dhaama-Dadoow
Kaca-Dadoow Kaca-Dadoow Kaca Dalkiina Difaaca, Daryeela, Diowlad
u Sameeya Danteena Guud iyo Aayatiinka Jiritaanka Ummadeedna
Eega,Xurmadda, Sharafta iyo Diintiina iyo Dadnimadiisa Dhoowra,
Wanaaga Doona, Xumaanya Diida, Duliga Dhushiina Saaran Iska
Dul Qaada, Cadowga Diida, Kuwa La Duuban, Gumeeysi Raaca,
Caqligu Ka Suuulay Samaanta Diidan, Dalkena Hooyo Midka la
Doonii in uu Duloobo, Daareen Hogaansho,Xabshigaasu Xaq-dhoowrka
Diiday, Xaraanta Doodi iyo inta u adeegta aktiisa joogta Anigu
Diiday, Maqaamka Fiican Milgo Gobeedka Dadkeena-baa leh, Xuriyadda
Buuxadda Dalkeena-baa leh, Iskaashi-Isku duubni Dadkeena-baa
leh, Belaayo Suul dheh, Belaayo Suul Dheh.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 10/12/2005-
-sharifhassan50@yahoo.com-
| |