Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Ra,iisal Wasaare Proff-Geedi Jawaabahaagii Ima Qancin. (X. Carab)

 

Marka Horre Alla Mahad leh kana badbaadiyeey Ra,iisal Wasaare Geedi Shirqool Cadaanka
ee loo soo maleegay, laguna damacsanaa Khaarijintii, waa cadaan in kuwa ka dameeyeey
Yihiin kuwii horreba u geeystay shirqooladda iyo falal dambiyeed badan ee lagu dilay
ragii u Badnaa Aqoonyahanadda iyo Saraakiisha Sarre ee Ciidamadda, shakina kuma jirro in dadka
Muqdisho ku sugani garanaayaan kuwa eey yihiin, Laakiin Cabsi awgeed la aamusan-yihiin.

Barnaamijkii Shaay sida tooska ah loo soo daayeey oo daweynuhu su,aalaha weydiinayeen
Ra,iisal Wasaaraga Xukuumadda Somaaliya Proff-Cali Max,d Geedi uuna daadihinaayey Ninka
Magaciisu yahay Yuusuf Garaad oo ah Madaxdda Laanta Af-Somaaliga, waxaa ka soo baxay
Dhaliilo iyo Hadalo ka baxsan Masuuliyadda iyo damiirka wadaniyadeeda ee Somaalinimadda
Iyo Luqad uu ku Hadli karro Masuul heer qaran ah, Runtii anigu si weyn ayaan u
taageeray una soo dhoweeyaa habka shaqo iyo dadaalka Ra,iisal Wasaaraha, uuna ka wanaagsan fiican
yahay kuwo badan oo Xildhibaano iyo wasiiro iyo madax sarre ah oo gacan ku
dhiiglayaal ah.


Arrimaha aan ka bixi diiday waxaa ka midah sidda uu uga jawaab celiyeey Geedi
Su,aalahan:-


1-Su,aasha ku Saabsaneyd Dhulka iyo Dadka Somaaliyed ee Weli ku jirra gacanta Dowladaha
Kalle?
-Jawaabta Geedi, Ma Jiraan Dad iyo dhul somaaliyeed oo gacan dowlad kalle ku jiraa,
balse dadka somaaliyeed ee reer itoobiya iyo reer kenya oo dadka ka tirsan dalalkaa,
xariyadna ku Heeysta, Waa Jawaaba ka baxsan khadlii dheer iyo halgaankii Ummadda Somaaliyeed iyo
Xaqa Sharciyaad ee Dadkaasu u leeyihiin Madax-banaanidooda iyo aaayo ka
talintooda,Aniga waxaa ila haboonaa in Ra,iisal Wasaaruhu Yiraahdo:- Waa Dad Somaaliyeed oo Xaq u leh
Aayo ka talintooda iyo hanasahdda madax banaanidood, iyagoo u maraaaya habka nabadeed
iyo Hanaanka Dimuqraadiyadda iyo Habka Afti ka qaadidda, Laakiin aan mara looga baaheyn
Geeska afrika Dagaalo iyo Colaadi dhiig ku daato.


Hadaba, Su,aashu waxeey tahay, ma aragtidda dowladda somaaliyeed ee cusub ayaa sidaas
Dhigeeysta, mise axdi qarameedka ayaa xarfiyan sidaas loogu dhigay, sidee heshiisyo
hoose oo lala galay Dowladaas ayaa jirra, mise Masuuliinta Srre ee Dowlada ayaa Kursi
Awgiis ka Tanaasuleey Xuquuqdii Ummadeed, ama Kursiga Dhaafsadat Aayo ka Talinta iyo Xaqa Dhulka
iyo dadka Somaaliyeed ee Muqasadka ah, Wna Badi Sidaas, Waana Arrin Ayaan Daradeeda
leh, mid laga naxo ah, waana mid Dhaaewac weyn gaarsiisay Qoomiyadda iyo Qiiradda Dadka
Somaaliyeed ee Wadaniyiinta ah iyo Shakhsiyadda Ra,iisal Wasaarre Geedi iyo Kuwa uu ku
Hadlaayeey Magacooda oo uu ugu Horeeyo Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf oo La wadda in
Kursigu Kala qaalisan Yahay Qaranimadda iyo Jiritaanka Dalka iyo Dadka Somaaliyeedba.


Waxaa kalle oo Dhiiloo iyo Cambaareeynta Weyn Mudan Laanta Af-Somaaligga BBC-da iyo
Habka Khaldan ee uu Yuusuf Garaad u Daadihinaayeey Barnaamijka, una soo Xusho dadka
Iyo Su,aalaha uu u arko in yihiin kuwo Aragtidiisa iyo afkaariisa waafaqsan, axaana
meesha Ka Maqaan Masyyliyadii iyo habkii dhex-dhexaadnimo ee Idaacadda loogu Tallo Galay,
Anigu Wax Aqoon iyo Colaad-toona uma hayo Yuusuf Garaad iyo Shaqaalaha BBC-da toona,
laakiin Sheegidda Khladka iyo Dhaliilaha jirr ayaa ah masuuliyadda Dadkoo dhan
Saaran, Dhammaan Masuuliintii Kala duwaan ee Su,aalaha Tooska ah la weeydiiyeey BBC-da Xaqiiqadda
Jira iyo Garasho ku Saleeysan Masuuliyadda eey Hayaan kuma soo bandhigin Barnaamijka Weliba
Qaarkood Been sheegidda iyo Qadaf iyo Af-lagaado ayeey u Geeysteen Muwaadiniintii Sida
Tooska wax u Weeydiinaayeey, Waana Caqli Xumadooda iyo Garashadooda oo Gaaban.


Waxaa Aman iyo Bogaadiin Mudan Fanaanada Weyn ee Somaaliyeed, Wadaniyada Kowaad
Xidigta- MARYAN MURSAL CIISE BOOTAAN oo si Asluub Wanaagsan, Garasho Fiican iyo
Dadnimo Wanaagssan uga Jawaab Celisay Su,aalihii iyo Dalabyadii Muwaadiniinta ee
Maalinti Ciidii Barakeeysneyd, Waxeeyna Muujisay Biseyl iyo Dareen Wadaniyadeed ee Heerka Sarre
ah iyo,Xaqiiqadda dhabta ah ee Dalka jaceylka iyo Somaalimadda ku Saleeysan, Waxaan
Halakn uga Soo Gudbinaayaa Salaan Wacan iyo Xurmo Qaali ah Xidigta-Maryan Mursal Ciise.


-Alla Mahad Leh-
-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-Engaland-
-sharifhassan50@yahoo.com-
-shariifhassan50@hotmail.co.uk-


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved