|
Ummadda Somaaliyeed Hub Urursi,
Dagaalo Cusub Iyo Colaad Uma Baahna Ee Nabadeyn Iyo Hogaamin
Wanaagsan Ayaa Dantoodu Ku Jiraa. (X.Carab)
Qoraalkii dheeraa ka soo baxay Golaha Amaan
Jimciyadda Qaramadda Midoobay kuna
Sabsanaa Hubka farah badan ee Dalka Somaaliya soo gala oo
lagu jabinaayo Qaraarkii
Cunaqabateenta ee Golaha Amaanka Somaaliya ku Soo Rogay.
Gudigga u Xil Saaran Illaalinta iyo la Socodka Cunuqabateenta
ayaa si qeexan u
tilmaanta Xaaladda hadda Dalka Somaaliyeed ku sugan yahay
iyo habka Hubka tiradda badani u Soo
Galo oo eey ku Sheegeen mid Xad dhaaf ah iyo Saansaanta Dagaal
Sokeeyo oo Marka ka
Bilaabma Somaaliya una Dhexeen karra labadda Garab ee Dowladda
ku meel gaar ah oo
Khilaafka weyni u dhexeeyo Muqdisho iyo Jowharna kala Fadhiya
eeyna kala Hogaamiyaan
Labadda Masuulin ee ugu Sareeya Dowladda Fadhiidka ah.
Sidda Warbixintu Qeexday Dowladaha sidda tooska ah hubka Sharci
daradda ah Dalka
keena Waxaa ka mid ah:-
1-Dowladda Itoobiya Cadowgga Koowaad ee Ummadda
Somaaliyeed, ahna Xaliifka koowaad
ee Garabka Jowhar ee Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Hogaamiyo.
2-Dalka Ereteriya oo Colaad Dhuleed ka dhexeeyo
Dalka Itoobiya oo Si Qarsoodi ah
Gacan u Siisa Garbka Muqdisho ee uu Hogaamiye Gudoomiye- Sharif
Xassan, Hubkana ka Soo Dejiso
Xeebaha Goboladda Banaadir Iyo Sh/Hoose, Inkstoo eey Jiraan
Warar Sheegaaya in
Dhanka Cirka ama Dayuuradu lagu keeno mararka qaarkood.
3-Dalka Yamen oo Xiriir Taariikhdi ah oo
Wajiyo Kala Duwan lahaa la Wadaagi jirtay
Dowladihii Somaaliya kana Qeyb qaadatay Dagaalkii Somaliya/Itoobiya
oo si cad ula Safneeyd
Itoobiya, Hadana Xiriir Gaar ah la leh Garabka Jowhar Hubkana
ka soo dejisa Xeebaha Gobolka
Barri P/Land, Sidda wararku Sheegayaan waxaa hadda Khadkii
ku soo biirtay Dalka
Yugandha oo Hub Fara badan u Caawisay Dowladda Somaaliyeed
una soo marisay garabka Jowhar, Dalka
Koonfurta Afrika iyo Dowladihii ka go,ay Midoogii Soofitiga
ayaa laga Soo Iibsadaa
Hub Suuqa Madoow ah oo Weliba Shakhsiyaad Ganacsato ahi ku
Lug-leeyihiin, inkastoo aan
Warbixinta Lagu Qeexeen Arrintaas.
Haddaba, Xaaladda Hub Urursigga iyo Colaada Abuuridda iyo
Dagaal Oogidda Labaddan
Garab wadaan ayaa ah mid ayaan darareeda leh, dhaawac xanuunkiisa
leh, murugo iyo
Warar naxdintooda leh iyo Mooral jab weyn oo Ummadda Somaaliyeed
la soo Dersay
Waqti eey is lahaayeen Waji wanaagsan iyo hanaan Dowladeed
ayaa idiin dhasahy oo
waxaa laga gudbi doonaa Sanadihii Madoobaa iyo qafaadkii iyo
dhibaatooyinkii 15-ka Sano
Dalka Saameeyeey, Dadkana Xasuuqay, Dhulkana Nabaad Guuriyeey(Xaalufiyeey),
Badii
Xaalufiyeey oo Weliba Sun ku Duugay,Beerihii iyo Hantidii
Ma Guuraaga aheyd ee Dadka
Xooga ku Heeysta, Daroogadda Beera oo ka Ganacsada Isla Markaana
ah Hogaamiyaasha
Xurmadda iyo Qadarinta Mudan ahna kuwa Ugaarsaday Shakhsiyaadkii
Qiirada Wadaniyada
Iyo Aqoonyahankii Dalka Sidda:-
1-Proff- Ibrahim Abyan.
2-Aqoonyahan, C/Qaadir Yaxye.
3-Jan- Yuusuf Talan.
4-Jan- Maxamed Cabdi.
5-Aqoonyahan, Barliin Caruusha.
6-Jan- Yuusf Axmed Saraanle.
7- Fadiilat, Sheekh Muumin.
8-Col-M.Max,ud Raage(Coon).
9-Suldaa, Hurre.
10-Dhaqne Cumar Jees.
12-Tababare- Kabeey.
13-Col- Dalab, Iyo Boqolaal kalle Alle Naxariistii Janho ha
siiyee, Amiin.
Waxaana Ayaan Darro ah in Kuwo Dhibaatadda iyo Curyaaminta
Dalka wadaa yihiin
Xildhibaano, Wasiiro, Gudoomiyaha Golaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha
Dalka iyo
Raxan kala raacsaan oo Danahooda gaarka ha wata, Waxaa mid
Xanuuskeeda leh Falalka
Foosha xun ee Sidda joogtadda ah loo geeysto Haweenka Somaaliyeed
ee Milgadda Gobeed
iyo Xurmadda weyn mudan oo ah, Walaaleheen, hooyooyinkeen,
Eedeeyin, Habar-yarro
Ayeeyo Qaali ah, Marwooyinka Xurmadda weyn leh iyo Kuwo eeynu
Dhalay oo ah Nuurkii
Indhaha, Miyaa loo Quuri karaa Xumaan iyo Tacadi Haweenka
Somaaliyeed, Anigu Waxaan
Masuuliyada Dhusha ugu Tuuraayaa Xubnaha Dowladda Somaaliyeed
Guud ahaanba iyo
Waxgaradka, Aqoonyahan, Hogaan Dhaqameed, Ururadda Bulshadda
Dhalinyarrad iyo Kuwa
Haweenka, Culimaadu-diinka Iyo Jaaliyadaha Qurba Jooga Somaaliyeed
ee la kala Safan
oo Taageeradda la Garab taagan kuwo Gacan ku Dhiiglayaasha,
Waxaana loo baahan yahay
oo Maanta Waqtigiisii la gaaray Kacdoon Ummadeed Iyo Soo Bandhigga
Cadha Dadweynaha oo
Dantooda u Toosa, kuna Yiraahda Labadan Garab Kifaaya, Kifaaya
Mudanayaal Kifaaya Dhib
Rafaad iyo Xadgudubyo, Kifaaya Dulimi iyo Calaad la,aan iyo
Sinaan La,aan, Kifaaya
Dilka iyo Ugaarsigga Waxgaradka, Kifaaya Dhibaatadda Weyn
ee Haweenka lagu Hayo, Kifaaya Dagaal
iyo Colaado Sokeeye, Kifaaya Raacidda Danihiina Gaarka ah,
Kifaaya Belaayo Abuurid
iyo ka Talinta Burburinta Dalka Hooyo, Kifaaya Qalinka Iyo
Qoolka Xumaanta iyo Fidna
Abuurka ah, Kifaaya Gefka Iyo Qadafka Xad Dhaafka ah, Kifaaya
oo Kifaaya Dhammaan Belaayo Abuurida
Madaxweyne, Guddoomiye, Xildhibaano, Wasiiro Iyo Dhammaan
Masuulinta Heer Qaran
Kifaaya Dhibaato iyo Dib u Dhac, Kifaaya oo Kifaaya.
Sidda La Qorsheeyeey Maanta Waxaa Magaaladda Jowhar ee Fadhigga
Dowldda ku Meel
gaar ah ka Dhaceeyso Xaflad Balaadhan oo Lagu Xusaayo Sanad-Guuradda
Koowaad ee
Doorashaii Madaxweyne, C/Laahi Yuusuf Axmed, Waana la Garan
karaa Kharashka ku
Bixi Karaaya iyo Dhaqaale Futeenta Maalindaas, Waxaana ka
Habooneyd in Dadka ku
Jirra Isbitaaladda, Agoomadda, Qaxootigga Dayacan iyo Masaakiinta
Sooman Lagu Afuriyo
Kharashkaas Bilaa Micnaha ku Baxaayo oo Gelaaya Baal El-Israafka
in uu ku Baxo Camal
Kheer leh iyo Wax Alle Raali ka Yahay Maadaama Bishii Brakadda,
Raxmadda iyo Nxariista
lagu Jirro Duruufaha Dhaqaalle iyo Xaaladda Nolooleed oo Adeega
Aqlabiyadda Dadkuna ku
Sugan Yihiin Xaalad Saboolnimo aad iyo aad Culeeyskeeda leh,
Mudane, Madaxweyne,ogow
In Xuskanu la mid Noqon Doono Kii Ambiraadoorkii Haligmay
ee Dalka Bartamaha Afrika
Bukaasha Iyo Ficiladii Ninkii Kibray ee Madaxweynaha ka Ahaan
Jiray Dalka Koongadda
Dimuqraadigga ah Seeseeko iyo Dhigoodii, Mudane- Madaxweyne
Ogoow Xisaabta Alle iyo
Culeeyska Masuuliyadda Iyo Raciyadaada Dayacan, Ogoow Xisaabta
Alle.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 14-10-2005-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk-
-sharihassan50@yahoo.com-
| |