Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Qoomiyadda Jareerweyn Somaalidii Xurmo Iyo Qadarin Mudan. (X.Carab)

Ummadda Somaaliyeed ayaa ka Kooban Beelo Walaalo ah oo Midnimo iyo Wadda Dhasho
leh, Degaan Wadag iyo Xirriro Sokeeye oo Qoto Dheer leh kuna wadda Ab-tirsadda Magaca
Somaaliyeed oo eey u Siman-yihiin.


Hadaba, Waxaa ah Arrin La yaab leh oo mid laga Xishood ah Habka loo Qoray oo Soo
Dhigay Buuga Cusub ee Cilmigga Bulshadda oo lagu Qeexay Asalka iyo Habka Dhaqan
ee Beelaha iyo Bulshadda Somaaliyeed, si cadna loogu Takooray Beelaha Somaaliyeed
ee Jareerweyn lagana Saaray Somaalinimadda, Lagu Qoray in eey Leeyihiin Hab Dhaqmeed
iyo Haab Dhismeed ka DuwanSomaalidda inteeda kalle, Waana Hab ah Cunsuriyad iyo
Xuquuq duudsin, Dulmin iyo Cadaalad Darro weyn oo loo geeystay Beelo Somaaliyeed oo
ka mid ah kuwa Laf-dhabarka ah oo Weliba Door Wax Qabad iyo Howlo Horumarineed ku
Soo Kordhiyeey Ilbaxnimadda Bulshadda Somaaliyeed sidda:-

1-Aqoonta iyo Qaabka Dhismadda Guryaha.
2-Aqoonta iyo Xeeladaha Farasamo ee Qalabka Guryaha iyo Xafiisyadda.
3-Aqoonta Hab Beereedka.
4-Aqoonta iyo Adeegsigga Xirfadaha Kaluumeeysigga.
5-Habka iyo Hanaanka Cilmigga Muusikadda iyo Hab Faneedka.
6-Ku Xeel Dheeridda Qeybaha Ispoortigga.
7-Aqoonta iyo Hanaanka Xirfadda Farshxanka.
8-Kartidda Dad ahaaneed iyo Habka Xoogsigga Xalaasha ah, iyo Arrimo Badan oo Lagu
Liibaneyn, Bulshadana Ahamiyad Badan ugu Fadhiya.



Qoomiyadda jareerweyn ayaa ah kuwo ku Sifoobeey Damiir iyo Dadnimo Wanaaga iyo Murug
Waalidda habka Xalaasha ah ku Saleeysan, Adeegsigga Muruqoodda iyo Caqligooda Fiican,
Waana Dadka Asaligga ah ee ku Soo Horeeyey Dalka, Howlaha iyo Hanaanka Horumarkana
Kaalin weyn ka Ciyaaray, Sidda ka Haboona u Difaacay Dalkooda Hooyo, Dhaliilo badan oo
eey Leeyihiin Beelaha kalle ee Somaaliyeed oo eey ka mid Yihiin:-

1-Colaad Abuuridda.
2-Awood Adeegsigga.
3-Dhicidda Xoolaha.
4-Isku Dul Noolanshaha iyo Saxaad ku Noolaanshaha.
5-Ma Shaqeysta-nimadda iyo Af-Miiaarnimadda.
6-Qabiil Kool-koolinta Iyo Dulmi Taageeridda.
7-Fanka iyo Il-weynaanta Beenta ku Saleeysan, Iyo Waxyaabo kalle oo Badan.



Buuga Cusub ee Manhajka Cilmigga Bulshadda oo loogu Talo-galay in Lagu Dhigo
Iskuuladda Dalka ayaa ku Saleeysan Hanaan iyo hab Cad oo leh Argti Naceyb iyo
Kala Soocidda Ummadda Somaaliyeed Iyo Hab Cunsuriyadeed loo Geeysanaayo
Beelaha Somaaliyeed ee Jareerweyn, Cadaalad Daradda Soo Jireenka ah, Takoorka
iyo Hababka Quursigga, Xuquuq Duudsinta iyo Sinaan La,aanta, Baadilka iyo Tacadiga
iyo Xadgudubyadda Joogtadda ah ayaa ah Astaamaha eey ku Caan Tahay Siyaasadda
iyo hanaanka Maamulka ee Dowladaha Somaaliyeed, Waxaana Arrimahaas Gacan iyo
Taageero weyn Siiyo:-

-Culimaa,udiinka Somaaliyeed.
-Hogaan Dhaqmeedka Somaaliyeed.
-Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Somaaliyeed.
-Hey,adaha Illaalinta Xuquuqdda Dadka.
-Ururadda Dhalainyadda Somaaliyeed.
-Ururadda Haweenka Somaliyeed.
-Jaaliyadda iyo Gudiyadda Qurba Jooga Somaaliyeed.



Ummad-yahay Sidii aan Horre u Qoray oo u Qeexay- Quursi Iyo Takoor Qarnigoodii uu
Dhacay, Wuu Dubay, Wuu Dhammaaday,Eex Iyo Cadaalad Darro Guul Laguma Gaaro,
Dulmi iyo Taroor Wanaag Ma Dhaliyaan, Sinaan La,aan iyo Xaq Soor La,aanta Waa lagu
Haligmaa, Kala Saaridda iyo Kala Soocidda Ummadda Somaaliyeed Waa Talaabo Ayaan
Drro leh, Heyb-Soocidda ayaa ah Dambi Weyn, Midnimadda Sinaanta iyo Wadda Jirka
ayaa Guul iyo Horumar leh, Hanaanka iyo Habka Buuga Cilmigga Bulshadda loo Qoray
ayaa Guul Darro iyo Biloow waa-Cusub oo Madoow ah.


Waxaan Halkan Raali-gelin ugu Soo Gudbinaaya Guud ahaanba Qoomiyadda Jareerweyn
oo ka Mid ah Beelaha Somaaliyeed Hab Sinaaneed, Aasal Ahaaneed iyo Xuquuqeedba,
Waxaan Halkan Cambaareeyn iyo Dhaleeceyn uga Soo Jeedinaayaa Aqoonyahanaddii
iyo Khubaradii iyo Masuuliintii ka Dameeysey Firkadda iyo Habka Qorista Buuga Cusub
ee Cilmigga Bulshadda oo ah mid Lagu Khasaaray, Ceeyb iyo Dhaliilo Weyna u Soo Jiiday
Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed iyo Hanaankeeda Dhaqan, Isl Markaana Dhaawacay
Xirrirka Bulsho Weynta Somaaliyeed ka Dhexeeya, Waan La Cambaareeyaa oo la Diidaa
Hirgelidda Manhajka Cilmigga Bulshadda ee Cusub.

-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England-
-sharifhassan50@yahoo.com-
-sharifhassan50@otmail.co.uk-






 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved