Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Hambalyo Sanad-Guuradda Kowaad ee Furitaanka Jaamacadda Nugaal. (X. Carab)

Burburkii iyo Kharaabkii weyn ee dalka ka dhacay waxaa sababay in dhammaan
Xarumihii iyo Kaabihii Waxbarashadda dalka mid asaasiga ah iyo midkii heerka
Jaamaceedba in baaba,aan sidda guud ahaanba dalka u burburay.


Dadaalo Aqoonyahanka somaaliyeed qaarkood qaateen ayaa keenay furidda
Jaamacado iyo macaahid farsomo oo goboldda qaarkood ka hirgalay sidda:-
Koonfurta Muqdisho, P/Land boosaaso iyo Dhanka S/Land Camuud iyo Gobolka
Hargeeysa, xaqiiqo ahaanba waxaa guulo wax tar weyn u leh dhalinyaradda ku jirta
Da,da Waxbarashadda iyo aqoon kordhinta, inkastoo duruufo badani jiraan heerka
Jaamacadeedna dhameeys-tirneyd hadana dhanka wanaaga ayaa laga raaci karaa
Jaamacadaha abuurmay oo qaarkood leeyihiin kuliyado fara badan siiba kuwo ku
Yaala Magaaladda Muqdisho.


Xarunta Gobolka Sool Magaaladda Laascaanodd ayaa laga hirgeliyeey Jaamacadda
Nugaal oo fikradda, qorsheeynta iyo howlaha abaabulkeedba weey iska lahaayeen
shakhsiyaad aqoonyahano ah oo degaanka u dhashay oo dareemay bahidda loo
Qabo helidda Jaamacad eey wax ku bartaan ardeydda dhameeysta waxbarashadda
Dugsiyada sarre ee degaankaas, dadaal iyo niyad daacadnimo ku jirto awgeed ayeey
ku hirgashadda ka dhabeeynta Jaamacadda Nugaal oo Sanad-guuradii kowaad lagu
Xusan Magaaladda Laascaanood, xaflad heer sarre loo soo maamuusay oo eey ka
Qeyb qaateen Aqlabiyadda Garaadka Dhaqanka, Odayaal Caan, Aqoonyahano Iyo
Marti Sharaf Badan.


Jaamacadda ayaa si ku meel gaar ah ku shaqeeysa, dhismihii rasmiga ahaa ee Xarunta
Jaamacadda ayaa weli la wadaa, waxaana amaan mudan Xubnaha Jaaliyada
SSC ee Qurbo jooga ah iyo daaalka aqoonyahanadda ah gudiga Jaamacadda oo runtii
Muujiyeey Masuuliyadda, Karti iyo habsami ugu adeegidda jiilasha mustaqbalka oo ah
Hogaamiyaasha Beri, howl walba oo guul looga dhalin karaa daacadnimo, karti
iyo shaqo dhab ah iyo hogaamin wanaagsan, aqoonyahanadda gacanta ku haya
Howlaha Jaamacadda nugaal ayaa mudan Amaan bogaadin iyo in lala garab istaago
Hiil iyo hoobo, Jaaliyadda Qurba jooga iyo gudiyadda SSC waxaa la gudboon ku
Dadaalidda taakuleeynta iyo taageero u fidinta Jaamacadda Dhincaydda:- Qalabka,
Dhaqaalaha iyo in kuwo Aqoonyahanadda ka qeyb qaateen wax dhigidda.


Jaamacadda Nugaal Hambalyo dadaalka iyo niyadda wanaagsana halkaas ka sii
Wadda, danaha guud iyo Maslaxadda Ummadda Mudnaanta koowaad ha ahaato,
Jiilalka Mustaqbalka aya abaalkiina gudi doono, kuna xusi doono hanashadda iyo
Horumarka Aqooneed, Cilmiyeed iyo aayo-tiinka wacan ee bulshadda degaamadda
SSC, Mujaahidiintii Shalay Xurmadda iyo Qadarin iyo Milgo gobeedka ku caan baxay
Taariikhdooduna ku Xardhan-tahay Jiritaanka Ummadda Somaaliyeed.


-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfiel-England- 17/11/2005-
-sharifhassan50@yahoo.com-


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved