Fanaanad
Saado Cali Warsame (Cunaabey)..Xidig aan Qoraxi Qarin..
Tixraac Qormooyinkii horre
ee Fanaaninta Somaaliyeed, Mu,alifiinta iyo Mulaxiniinta
Bahdda Fanka Somaaliyeed ee Xurmadda iyo Sharafta weyn mudan, oo
aan Qormo iyo Labo-toona
lagu soo koobi kareen wax qabadkoodii iyo heerka aqoontada Sugaaneee
iyo Xikmadeedba.
Ka Dhagayso Dhahar.com Heesihii
Saado Qaar ka mid ah
Cidla
Haygu baylihin
Guurkii
Magan
Waaberi
Waan-waan
Warama
Wiilku
Xamdi
1
Xamdi
2
Maanta waxaa Jeclaan lahaa in aan in yar ka taabta Habka Fanaaneed
iyo Dadnino ee
Xidigta Weyn ee Caanka ah-Cunaabeey-SAADO CALI WARSAMME, shaki kuma
jirro in Magacaasu
yahay mid si weyn loo wadda garanaayo mudo dheer eey maqlaateen
dhegaha Dadweynaha
Somaaliyeed Heesaha Badan ee Saadona si weyn loo Jecel yahay iyo
qaabka Qurxoon ee
Jilista Riwaayadaha ee gaar u ah Saado, Balse waxaa Dadweynaha intooda
badan ka qarsoon
Dhanka Qof ahaaneed iyo Sifooyinka gaarka ah ee Saado Cali Warsamme,
Waxeeyna ka Soo
Jeedaa Degaamadda Taariikhda Weyn ee Wadaniyadda ah leh, Dhulkii
Daraawiishtii
Geesiyiinta ahaa, Saad Aabaheed Cali Guray ayaa ahaa Oday dhaqameed
Xurmo iyo
Qadarin ku lahaa Degaanka Buuhoodle iyo Guud ahaan Beelaha Reer
Howdka.
Saada
Cali (Cunaabeey) waxeey asal ahaan ka Soo jeeda Degaamadda Taariikhda
weyn ku leh Halgaankii Xoriyadda Somaaliyeed Xurumuhii Darwiishkii,
Halyeeygii Geesigii Weynaa
Sayiid Maxamed Cbdulle Xassan, Waxaa Kalle oo Degaanka ka Dhasahy
Shakhsiyaadkan:-
1-Sugaan Yaqaan Al-Mujaahid Halyeey- Ismaciil Mirre.
2-Sugaan Yaqaan Af-tahankii Weyn, Cali Dhuux.
3-Mujaahid Halyeeygii Weyn, Faarax Caga-Dhiig.
4-Gabayaagii Weynaa, Khaliif Axmed.
5-Gabayaagii Weynaa, Aden Carab.
6-Guurtigii Weynaa, Xaaji Cumar Cameey.
7-Guurtigii Weynaa, Shariif Dhega Cadde.
8-Guurtigii Weynaa, Al-Xaaji Cali Abokor.
9-Gen-Max,d Cali Abokor.
10-Col-C/Laahi Shariif Dhega-Cadde.
11-Gen- Xamse Max,d Gaada-weyne.
12-Garaadkii Weynaa, Wadani Caanka, Garaad Cali
Garaad Jaamac.
13-Garaad C/Qani Garaad Jamac.
14-Garaad, Soofe.
15-Garaad, C/Laahi Garaad Soofe.
16-Garaad Abshir Saalax.
17-Garaad, Suleeymaan Buraalle.
18-Garaad, Maxam,ed Garaad Suleeymaan.
19-Aqoonyahan. Axmed Jaamac Jangeli.
20-Aqoonyahan, Xaashi Cabdalle.
21-Aqoonyahan Diplomaasiga Caanka, Axmed Max,de
Aden(Qeybe).
22-Aqoonyahanka Wadaniga Weyn, Max,d Max,ud Khaawi.
23-Dr-Max,d Xisr Khaali.
23-Dr-Dhege Weyne.
23-Dr-Axmed Xaashi.
23-Qalin Yaqaanka Caanka Dr-Heyd.
24-Dr, Cabaas Gaadaweyne.
25-Al-Wadani Dr-C/Raxmaan Ceeydiid Dhab-dhable.
26-Caaqil, Maxud Xaaji Cumar Cameey.
27-Al-Shahiid, Al-Wadni Max,ud Dabagooye iyo Kumayaal
iyo Kumanyaal Shakhsiyadood
oo Taarkhida Somaaliyeed Kaalimo Sharafeed kaga Jirra, Xurmo iyo
Qadarin Gaar ahna
Mudan oo Halkan lagu Soo Kobi Kareen, Balse u Baahanaaya Bogag iyo
Bogag lagu Qorro.
Fanka iyo Habka Luuqinya Wanaagsan ee Saado ayaa ah kuwo siinaaya
Mudan gaar
ahaaneed iyo in eey tahay Xidig weyn, Fanaanad Caan ah oo ka mid
ah kuwa Safka Horre
Sidda:- Marxuumadda Magool, Xidigta Sahra Axmed, Hibo Nuura, Baxsan,
Khadra Daahir,
Aamina C/Laahi, Faaduma Qaasim, Maan-deeq,iyo Seeynab Cigge, oo
ah Fanaaniinta la
oran karro kaa kuwo Safka Koowaad Dhinaca Haweenka, Saado waxeey
ka soo qeyb
qaadatay Riwaayado Badan oo Xiiso weyn lahaa, Sidda Riwaayadii Wadanigga
aheyd ee uu
Curiyeey Abwaan, Maxamuud C/Laahi Sangub ee Magaceedu ahaa-Xoriyo,
oo Saado Cali
ka aheyd Xidigta Koowaad kuna muujisay Xeeladeeda sarre iyo habka
wacan ee Jilaanimo
iyo Luqadeedda iyo Naaxiyadeeda Habka Heesaha, iyadoo aan marna
la illaawi kareen
Doorkii iyo Hanaankii Jilaa,eed e Xidgta Weyn- Feeynuus Sheekh Daahir.
Saado Cali, Waxeey sidii ku habooneyd u gudateey Masuuliyadda damiir
iyo Dadnimo ee
Dhanka Dalkeedda iyo Dadweynaha Somaaliyeed ka saarnaa Maadaama
eey aheyd Fanaanad
Heer Qaran ah, waxeey ka qeyn qaadatay Heesihii Wadaniga ah ee Wajigga
Halganeed lagaa laguna dhaliilaayeey Hogaankii Rajiinkii Kacaanka
oo Dhibaatooyinka
Badan soo mariyeey Dadka Somaaliyeed, eeyna habooneyd ee Xukunka
isbedel lagu
Sameeyo, iaydoo eey jirtay Aragtidda ah in Hogaamiyuhu Caafimaad
ahaan gudan karrin
Masuuliyadda Weyn ee uu Qaranka u hayeey, Waxeey Saado Codkeeda
Cajiibka ah ku
soo bandhigtay Heesihii uu Curiyeey Abwaan- Cabdi Muxamud Amiin
ee Tusaaleeyn iyo
Tilmaanta ahaa, Waxeeyna ku Muteeysatay Xoriyad ka qaadid iyo Xarig
Dowladii u
Geeystay, Dhanka Dadweynahana Xurmo iyo Qadarin weyn, Habka Wadaniyadda
iyo Qiiradda Dal
Jaceyl iyo Milgadda Gobeed ayaa ah Asali eey Saado ka Wadato Dadkeeda
iyo Degaanka
Taariikhda leh oo ilaa Hadda Hab Dhaqmeedkii iyo Hanaankii Asaliga
aha ka Jirro,
Xishoodka ayaa Milgo Astaameed u ah Degaamadaas Bilicdda San leh,
Howga Geel iyo Xoolaha Hebada
u leh(B u u h o o d l e).
Saado Cali, Waxeey leedahay Sifooyin aad iyo aad u Wanaagsan oo
eey Tixgelin weyn ku
Mudan tahay Waxaana ka mid ah Tusaale ahaan:-1-Dad la dhaqanka(Waxeey
si weyn u
Xurmeeysaa Dadka gaar ahaan Fanaaniintii Somaaliyeed). 2-Ku Dadaali
la socdka Xaaladda
Fanaaniinta. 3-Xiriir Wanaagsan iyo Walaalnimo weyn oo eey la leedahay
Bahdda Fanka.
4-Saado Waxeey Jaceshay in Fanaaniinta Yeelato Iska War qabid iyo
Is Caawin. 5-Saado
Waxeey Leedahay Hab Niyad Samid iyo Calool Wanaag. 6-Saado waa Qof
Gacan Furan
Dhina Deeqsinimadda. 7-Saado Hab Beeleed iyo Qabyaalad adeegidda
ayaay Nadiif ka tahay,
Waxeeyna leedahay Sifo Wadiniyadeed iyo Hanaan Qarameed. 8-Saado
waa Qof Si Weyn u
Naceeyb Dulmigga iyo Xaq daro Sameeynta, waa Tusaalooyin Yaer yer
ah oo aan ka soo
qaatay Sifooyinka Wanaagsan iyo Dadnimadda Xidigta Weyn ee SAADO
CALI WARSAMME.
Iyadoo la wadda ogyahay Xaaladda qalafsan iyo dhibaatooyinka waaweyn
ee Dalkeenii hooyo
ka jirra iyo guud ahaanba Xaaladda Ummadda Somaaliyeed ku Sugan
tahay oo ah mid si
weyn looga xumaado ama looga naxo iyo Fanka Somaaliyeedna la qabaa
Ummadda Dhibka
iyo Dayaca weyn ee Meesha yaala, inkastoo Saado Dhoowr Heesood oo
Wadiniyadda ku
Saleeysan Tusaaleena u ah Ummadda Somaaliyeed Tirisay Hadan Saado
iyo Fanaaniinta
Dhigeedda ah(Rag iyo Dumarba) ma qaadan doorkii laga filaayeey,
Hanuuninta iyo Wacyi-
gelinta Ummadda Somaaliyeed, Anigoo Qormadan Gaaban soo Gunaanadaaya
Waxaan oran
karaa marka Xaqiiqadda dhabta ah la sheego Xidigta Fanaanadda Somaaliyeed
SAADO CALI
WARSAMME(Cunaabeey), Waa Xidig aan Qoraxi Qaran, waa Shakhsiyad
Wadinimo weyn leh,
waa Muwaadinad Dhab ah, waa Qof bani aadnimadda wacan leh, Dadweynaha
Somaaliyeedna
Xurmo, Qadrin iyo Tixgelin weyn u hayaan, Aniguna Salaan Qaali ah
ayaan
Halkan ugu Gudbinaayaa Xidigta Fanaanadda Somaaliyeed Saado Cali
Warsamme, Nacam
oo Nacam Wadaniyad Asal ah, Taariikhdda Ummadda Somaaliyeed Ayaa
Xusi Doonta Halka
Saado kaga Qormi Doonto oo Khad Dahab ah lagu Xardhi Doono, Diiwaan
aan Duugoobin
ayaa la gelin doonaa Saado Cali, Maryan Mursal iyo Intii Dalkood
Daacada u ahba.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Bahda Dhahar.com
-sharifhassan50@yahoo.com
|
Copyright
2006. dhahar.com. All rights reserved |
|