Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

M.Dheere Hogaamiyaha Guud Ee Dalka Somaaliya(El-Murshid). (X.Carab)

Dalka Somaaliya ayaa ku Socda Nidaamka dalka Iraan oo kalle oo leh Hogaamiyaha Dalka El-Murshidka, wana nidaam isku laban oo aan la kala saarin kareen awoodaha Maamulka iyo xuduudaha Masuuliinta sarre ee dalka oo xaalado Jaha-wareer iyo awood ku Loolan dhex maro, laakiin go,aanka kama dameeyska uu leeyahay Hogaamiyaha Sarre ee Dalka El Murshidka.


Sida hada Dalka Somaaliya ku socdo ama habka ka jiraa ayaa ah in M.Dheere yahay hogaamiyaha sarre ee dalka oo leh awooda iyo Go,aanka kama dameeyska iyo jaheeynta Siyaasada guud iyo talo bixinta arrimaha xasaasiga ah, waana cadaan in madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaruhu yihiin Far-gal gacantiisa ku jira, dhaqaalle badan oo laaluusha ahna la siiyo, kulamada rasmiga ahna uu awood weyn ku leeyahay, dhaqdhaqaaqa Wasiiradda iyo Xildhibaanadda Dowladda waxaa amra Hogaamiyaha Guud.


Xaqiiqada ayaa ah in M.Dheere Mudan yahay Xilkaas iyo gacan ku dhigida awood maamul ee dalka, madaama eey madaxda sarre u yihiin marti sharaf degaankiisa maciin soo biday, hooy kalle waayey Debad joognimadii iyo qaxootinimadiina u adkeeysan waayeey oo Doonaaya in eey beesha caalamka ka dhaadiciyaan in yihiin dowlad dalkeedii joogto hogaaminta iyo hanaanka maamulkuna gacanta ku heeysta, kalsoonida iyo rabitaanka bulshadeeda hanatay oo mudan Dhaqaale iyo Taageero diplomaasiyadeed u fidin, xaqiiqaduna tahay Dowlad maqaar saar ah Magacadeedu yahay Igad/Soma jowhar ku ah Maxaabiis ama la heeystayaal wax qabad la sheegi karro laheyn Waqtiguna daba ordaayo, caalamkuna ka aamusay, aragti iyo qaab Dhismeedka Somaalinimo ku saleeysan laheyn, dareen wadaniyaded iyo hanaan qaramed laheyn, karti iyo xeelad hogaamineed laheyn.


Hogaamiyaha Guud ee Dalka El-Murshidka ayaa awoodiisii iyo ahamiyadiisu qarsooni weyday oo si cad debedda u timi oo sirihii Qarsoonaa iyo axdiyadii suuqa madoow ahaa oo raxantu ku soo Heshiisay si lama filaan ah u qarxeen, Fashilaadan ayaa u muuqta mid keeneeysa in isbaheeysiga jowhar burburo maadaama Awoodii M.Dheere siyaado noqotay, Madaxweynihii iyo Ra,iisal Wasaarihisina Sawir u muuqdaan iyo Maxaabiis jowhar ku xidhan, bahida dhaqaale ee Murshidka iyo Raxanta ku Xeeran oo Faraha badan iyo Habkiisa Qalafsan iyo fara-gelintiisa wax walba ah oo si weyn uga Yaabisay Labada meesha ugu tug tugta badan oo hadan u muuqda Mukulaalo Libaaxa weyn hoos jooga(Madaxweynaha waa Magan ku Jooge).


Marka aad eegto Hadalada iyo talaabooyinka uu qaaday usbuucii ugu dameeyeey hogaamiyaha dalku iyo sida ugu jawaabi celinaayo Wasiirada iyo Xildhibaanada dowlada ayaa ku cadeeyneeysa Heerka uu isla joogo iyo kalsoonida weyn oo uu naftiisa ku qabo maadaama u meel ku soo xidhay Madaxweynihii Igad soo Sameeysay iyo Kuwo Lagu wax ma tarayaasha ah ee jowhar dhex fadhiya oo qadada iyo Cashada midkood hela, guryahana habeen barkii laga saaro qaarkod Xurmo daro iyo sharaf la,aanta wyn heeyso, meel eey u baxaana garan le, Waxaana ku cadeeyneeysa Waftigii P/Land soo aaday 35 Xubnood ayuu ka koobnaa, Qaar Badan oo Debeda u Baxaeyna ma Soo Laaban ilaa Hadda, Kuna Waxey ilaa Hada sugaayan Ogolansho in ka helaan Murshidka si eey Jowhar isaga soo xaadiriyaan, ma og tihiin in qaabiladda Madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaraha la donto M.Dheere, Hambalyo Hogaamiyaha Guud ee Dalka, Murshidka 1-aad ee Qaranka, Madaxweynaha Dhabta ah Mudane-M.CUMAR XABEED M.DHEERE, Murshidka Guud ama Hogaamiyaha Dalka Somaaliyeed oo ah Shakhsi aan laheyn Aqoon Fiican, Xeelad Diplomaasiyadeed iyo Karti,Xilkasnimo Hogaamineed iyo Qiiro Wadaniyadeed-toona ah Adeeg weyn oo u Shaqeeya Dowlado Ajnabi ah Gaar ahaan Kuwa Geeska Afrika ilma Igad iyo Wakiilka Mareykanka ee Geeska Afrika Dowlada Itoobiya iyo Ra,iisal Wasaare-Zinawiga Xasuuqa iyo Dhibka ku aya Qoomiyadaha Faraha badan ee Reer Itoobiya.


Murshidka guud ayaa bilaabay soo shaac bixinta awoodiisa kuna Qaaday Werar culus Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Bay iyo Bakool oo ka tirsan Dowladda Igad/Soma oo ka dhiidhiyey Habka Qarsoon ama Heshiiska M.DHeer/Indha Cadde oo isku Xulafeeystay Bara-Kicinta Dadka Digil iyo Miriflaha ee Degan Sh/hoose iyo in Lala Wareego iyadoo Awood Ciidan la adeegsanaayo Dhul Beereedka iyo Degaamada Hodonka ah oo Qarniyo iyo Qarniyo ahaa Degaanka Qoomiyadda Digil iyo Mirifle, Waana cadaan in Murshidku ogolaansho ka heysto labada nin ee ka Hooseeya-C/Laahi Yuusuf iyo Cali Geedi.


-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/laahi Sheekh(Xassan Carab)
-Huddersfield-England-
-sharifhassan50@yahoo.com.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved