Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Habaar Qabbe, Dhagar Qabbe, Xaraan Ku Naaxe, Belo Abuure, Xumaan Ka Taliye, Xaq Soorka Diide. (X.Carab)

Wanaaga iyo Xumaanta ayaa ah Labo Sheey oo Si weyn isu Diidan oo Marna aan Hal Dhinac
Isu raaci kareen, Waana labo Waji oo Kala Fiican kala Wanaagsan kala Qiimo Badan, Waana
Cadahay Sidda loo kala Jacel-yahay Xumaanta iyo Wanaaga.

Hadaba, Waxaa Arrin la Yaabkeeda leh Magacyadda iyo Habka eey Astaamaha gaarka ah u
kala Qaateen Shakhsiyaadka ku Magacaaban Madaxdda ama Masuuliinta Iyo Qabqalayaasha
Somaaliyeed ee Qaska iyo Rafaadka Joogtadda ah ka Wadada Dalka Hooyo ee Curyaansan
kana Hadhay Caalamka ama Aduunyadda Socota oo Horumarka iyo Mustaqbalka Wacan ku
Taameeysa, Bal kuwa Wanaaga iyo Habka Dhisidda iyo Hogaaminta Fiican laga Sugaayo Eeg
Magacyadda iyo Sifooyinka eey leeyihiin ama eey ku Caan baxeen, kana Turjumaaya
Ficilada iyo Talaabooyinka Khaldan oo eey Geeysteen, Waana Wax laga Xumaado Marka aad Maqsho
Tilmaamo ama Naaneeysaha eey Jacaeyl Yihiin Waxa eey Yihiin:-

-Habaarane ama Habaar Qabbe.
-Dhagar Qabbe ama Gacan Ku Dhiiglle.
-Xaraan Ku Naaxe ama Xaraan Quutte.
-Belooyo Abuure ama Belaayo Aabaheed.
-Xumaan Ka Taliye ama Xasarad Doone.
-Xaq Soor Diide ama Xaq ku Xajiimoode.
-Umala Dooxe ama Deris Xasuuqe.
-Darooge Beere ama Darooga ka Taajirre.
-Dulmi u Heeshe ama Samaanta Diide.
-Qorri ku Faane Qalainka ka Boode.
-Qaranka Dumiye Qalo u Hiishe.
-Dadkiisa Diide Cadow u Roore.
-Nidaamka Ka Carre
-Aqoonta Diide Jahliga Raace.
-Muslinka Diide Munaafaq Doone.
-Masaakinta Laaye Xanaanka Diide.
-Xusuuq ku Faane.
-Xishood ka Roore.
-Xasarad Socota.
-Af-lagaado Socota.
-Sheeydaan Hagoogan.
-Balan ma Oofshe.
-Amaano Lumiye.
-Run Ma Sheege.
-Dhibaato Dhaliye.
-Dhalaanka Laaye.
-Dhaqan Xumeeye.
-Wadadda Gooye, Ceelasha Gufeeye.
-Iskuula Dumiye.
-Daryeelka Diide.
-Caqliga Diide, Caadifada Qaate.
-Somaali-diidka.
-Talo Ma Keene, Talo Ma Qaate.
-Awood ku Faane, Amaanka Diide.
-Qas Iyo Dhibaato Mudaanta Siiye.
-Wanaaga, Nabada, Samaanta intaba ka Roore, Waa in Yar oo Tusale ah Magacyada ama
Sifooyinka iyo Tilmaamaha eey Leeyihiin Qabqablayaasha Somaaliyeed oo hadda ah kuwo
Ka Tirsan Golaha Barlamaanka Iyo Xukuumadda Geedi ama kuwo Xubno ka ah Dowladda loo
Dhisan Madaxweyne- C/Laahi Yuusuf ee Labadda Garab u kala Fadhidda Jowhar ama Xarunta
Maxamed Dheere iyo Muqdisho ama Xarunta Hogaamiyaasha Hubeeysan.



Maadaama Sawirka Xaqiiqada ahi Sidaas Yahay Dareenkooduna Iyo Qaabka Dadnimadoodu
ku Saleeysan yahay Qaabka Magacyadda iyo Sifooyinka eey Wataan oo Dhammantood ah
Kuwo ka Turjumaaya Dhanka Xumaanta iyo Belaayo Ka Talinta, Qas Wadidda iyo Dhibka
Joogtada ah ee Dadka iyo Dalka Hooyo Ka taagan, Madaama eey yihiin Kuwo Wanaaga,
Samaanta, Qaranimadda, Dowladnimadda, Cadaaladda, Sinaanta, Xaq Soorka, Nidaamka
iyo Wadda Jirka iyo Midnimadda Ummadda Diidan, ku Xajiimooda Habka Toosan,Hanaanka
Kala Dameeynta iyo Hogaaminta Fiican, Sharcigga iyo Illaalinta Xuquuqdda Dadka, Isla
Markaana eey Yihiin kuwo Cabsi Weyn ka Qaba Xisaabtanka iyo Abuuridda Maxkamadda
Gaar ah ee Dambiilayaasha Somaaliyeed, Tacadiyadda iyo Falalka Xadgudub oo eey ku
Kaceen ma Geeysteen eey Ogyihiin Culeeyskooda iyo xanuunka Weyn oo Ummadda inteda
Badan u Geeysteen, Wanaaga iyo Waji Fiicani u Oolin Bulshadda Dhexdeeda, ayaa Keentay
in eey ku Adkeeystaan Adeegsigga Qorigga iyo Awooda Meleeshiyaadka Calooshooda u
Shaqeysta Markii Horena lagu Abaabulay Habka iyo Qiiradda iyo Caadifada Qabyaaladeed.


Bal Ila eega kuwa eeynu ka Sugeeno Qaran Dhisidda iyo Soo Nooleeynta Dawladnimadda
Somaaliyeed oo Gacanta Weyn ku Leeyihiin Dumisteeda iyaga iyo Kuwii ahaan Jiray ama
Xukunka Dalka ku Soo Gaaray Magcii iyo Sharftii Weynd ee uu Lahaan Jiray Ciidanka Xooga
Dalka Somaaliyeed(Kacaankii 21 Ok) oo Dalka iyo Dadkaba u Horseeday Burburka, Colaada,
Xasuuqyadda, Ka Fogeeynta Bulshadda, Qabyaalad Nooleeynta, Cadaalad La,anta, Sinaan
Diidka, Habkii Keligii Taliye-nimadda, Waxaa Haboon ama Xaq ah in La Helo Cadaalad iyo
Hanaan Xaq Soor dhab leh oo lagu Abaal mariyo Dambiilayaasha, Gacan ku Dhiiglayaasha
iyo Dhaan kuwii Falka Tacadi Ummadda u Geeystay, Bal eega Sawirka Dowladda Cusub ee
Dalka Kenya Laga Soo Dhisay oo Gacan ku Dhiigle Noqday Xildhibaan Sharaf leh, Dambiille
Yahay Wasiir Maqaam leh, Xasuuqayaashii, Xaraan ku Naaxayaashii, Gumaadayaashii lagu
Abaal Mariyeey oo Bilado Dahab Xabadka loo Wadda Suray, Muwaadintii Xalaasha ahaa oo
Qiiradda iyo Aragtidda Wadaniyadeed, Qoomiyadeed, Qarameed lahaana Banaanka la
Dhigay oo laga Dhaariyeey Qabashadda Xil Qaran iyo ka Qeyb Qaadashadda Hanaanka
Taladda Dalka iyo Dadka Somaaliyeed, Waa Ayaan Darro iyo Waa Madoow oo sii Xojinaaya
Dhibkii iyo Dayacii 15-ka Sano lagu Soo Jiray.


Waxba Faa,iido ma Keeneeyso Qab-qabsashadda iyo is Eedeeynta Jaaliyadda Debedda
ku Nooli ku Sameeyno Shakhsiyaad Gaar ah oo eey Dhici Karto eey Gacan ku Leeyihiin
Xasuuqyo ama Tacadiyo Dhacy ama laga Been Abuuro, Waxeey Arrintu ku Haboon tahay
Helidda Hanaan iyo Hab Sifadiisa Sharciyeed leh oo lagula Xisaabtamaayo Dhammaan
Gacan ku Dhiiglayaasha Somaaliyeed, inta laga Helaayo Golaha Cadaalad ama Golaha
Gaarka ah ee u Xil Saaran Baaritaanka iyo Xaqiiqo Raadinta, Anigu Shakhsiyan Waxaan
Si weyn u Taageersanay in Cadaaladda la Hor-keeno Dhammaanta Kuwii Falalka iyo Ficilada
Xadgudub Ummadda u Geeystay Kuwii Rajiimkii iyo Kuwa Xiliga Dagaaladda Sokeeyeba,
Eeyna Arrintu Noqoto Mid Hanaan Cadaaladeed ku Dhisan oo Isla Markaana Xuquuqdda
Qofka la Illaalinaayo.


Gunaanadka Maqaalkan Ayaa ah Waa Maxeey Faa,iidadda laga Sugaayaa kuwa Sifooyinkaas
Leh oo ku Faanaaya Magacyadda Noocaas ah iyo Xumaanta iyo Afcaashadda Sheydaaniga
ah, kana Fogaaday Wanaagii, Samaantii, Camalkii Suubanaa iyo Illaalinta Xuquuqdda iyo
Cadaalad ku Maamulidda Dadkooda, Kuwa Doortay Duminta iyo Dayaca Dalkooda, Kuwa
Daneeya ama Abaabulo Colaada iyo Dagaaladda Dhiiga Dadka Somaaliyeed ku Daadanaayo,
Kuwa Xaraanta, Dhaca, Isbaaradda iyo Falalka Xun Xun ku Hayo Ummadda Somaaliyeed Gaar
ahaan Haweenka Xurmadda, Sharafta iyo Qadarinta Mudan, Kuwa Taladoodu Noqotay in eey
Sheegaan si Joogto ahna ugu Dhawaaqaan Hadaladda Af-lagaadadda iyo Dhaqanka Xumadda
ku Dhisan Iyo Kuwa Cadowgga Raacay, Garabka Saaray, Garasho Diiday, Taladda Qaadan,
Tigreey La Duuban, ama Kuwa Dantooda Eegta, Dilaal ku Noosha, Dadkii Af-duubay,Qoriga
Qiil Ka Yeeshay, Qaranka Diidan, Khasaaro Doonka, Dulmiga Raacsan, Dadyoow Bal Eega,
Dadyoow Bal Eega, Dayoow Bal Eega Duliga Yaal Dalkeeni Hooyo.


-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England-
-sharifhassan50@yahoo.com-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk-




 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved