Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Fadlan Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Ka Dhabeey Hadalkaaga Si Daacad Ahna Nabada u Raadi. (X.Carab)

Munaasabaddii Maalinta Nabadda Aduunka oo si weyn looga Xusay Dalka Somaaliya, gaar
ahaan Fadhiga ku Meel gaar ah ee Dowladda Somaliyeed Garabkeedda Culeeyska weyn ee
Madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaraha iyo Aqlabiyadda Xukuumadooda Magaaladda Jowhar
Xarunta G/Sh/Dhexe Xaflad Balaaran oo Halkaas lagu Qabtay ayaa Madaxweyne-C/Laahi kaga
Dhawaaqay in uu Diyaar u yahay ka Shaqeynta iyo Raadinta Nabadda Somaaliyeed uuna u
Koraayo Geed Dheer iyo mid Gaabanba, kuwo eey Dhanka Ra,yigga isku Khilaafsan yihiina
uu ugu tegaayo Meel kastoo eey Joogaan.



Hadaba, Marka Hadalka la qiimeeyo waa qurxoon yahay waana wanaagsan yahay oo weliba
Soo dhoweeyn mudan yahay iyo in lagau farxo oo loo riyaaqo waayo nabadda iyo xalainta
Khilaafaadka ayaa lagama maarmaan ah si loo helo Dowlad Somaaliyeed oo Shaqeysa una
Adeegta Ummadeed, Nabadda ayaa ahamiyad weyn u leh Ummadda Somaaliyeed inteedda
Wanaaga iyo Wadaniyadda leh, inteedda Dalkeedda Jecel oo Kheeyrka la dooneeysa, inteeda
Mustaqbal wanaagsan iyo soo noolaanshaha Dalkooda rabta, intoodda
Midnimaddii,Wada-jirkii iyo Somaalinimadii Raadineeysa, inta Sharafta iyo Xuirmadda garaneeysa, Sumcaddii
Dalkana Doneeysa ayaa Jaceyl in la helo Nabad gelyo buuxdda iyo in la Xaliyo khilaafka dhex
yaala Labadda garab ee Dowladda ee Jowhar iyo Muqdisho Xiisadaha Colaadeed ka abaabulaaya oo
Hadaladda qalafsan s-dhaafsanaaya, Runtii Madaxweyne C/Laahi Yuusuf wuxuu heeystaa oo
Maanta hor taala fursad qaali ah oo nabad-gelyadda iyo kalsooni abuuridda lagu gaari
karro oo ah ka dhabeenta Hadalkiisaa iyo la imaanshaha ficil dhab ah oo nabadda ku Saleeysan,
Niyad Sami iyo Somaalinimo dhab ah.



Aniga Shakhsiyaan waan ku farxay waana soo dhoweeynaayaa hadalkaas, waxaan Alle ka
Rajeeynaayaa in uu noqdo mid xaqiiqo ah oo run ahaan loo rogo ama laga dhabeeyo, waana
awoodaa Madaxweyne C/Laahi Yuusuf iyo Ra,iisal Wasaarre Proff, Geedi qaadidda Talaabada
Wanaagsan iyo la imaanshaha talaabo ku dhici leh, geesinimo leh oo guul weyn soo hooysa
oo eey Ummadda Somaaliyeed kaga helaan Sharaf, xurmo iyo Qadarin weyn oo Taariikhdi ah
kana tirtirta Dhaliilaha iyo Khaladada hadda ka jirr dhankooda, waa hadii eey ka
fekerayaan
danta iyo maslaxadda guud ee Ummadda Somaaliyeed oo eey yihiin Madaxdooda ugu Sarre
inkastoo Shakigu meeshiisa yahay hadana waxaan rajeeynayaa Guul iyo ka Dhabeeynta
Hadalka Madaxeynaha, waxaan Xusid Mudan in Garabka Magaaladda Muqdisho Fadhiyaa
Soo Dhoweeyeen Hadalka Madaxweynaha eeyna ku Tilmaameen Mid Wanaagsan laakiin u
Baahan Ficil u rogid iyo ka dhabeeyn, Iyadoo Dhinaca Kallena Looga Baahan yahay Kala
Shaqeynta Madaxweynaha Howlaha Nabadda iyo Xalinta Khilaafaadka Jirra.


Madaxweyne-C/Laahi Wadadda Nabadda iyo xalinta khilaafla labadda garab ee Dowladda
dhex yaal waxaa furre u noqon karra niyad sami, kalsooni abuurid iyo wadda shaqeyn iyo
iskaashi danaha Dalka iyo dadka Somaaliyeed ku jirto oo Dowladu la timaado, inta uu
jiro Khilaafka iyo Muranku guuli ma jireeyso, Fashilaad iyo Burbur ayaa Natiijadu noqon
doontaa oo eey Masuuliyadeed yeelanaayaan Madaxdda Sarre ee Qaranka oo Adigu Shakhisiyan
Kow ka tahay, Markaas kala Dooro Mudane Madaxweyne, Guul iyo Sharaf iyo Badbaadinta
Dalkaaga iyo Dadkaaga iyo Fashilaada iyo Burburka Dowladda Liidata ee aad
Madaxweynaha u tahay, Kala Dooro Kheeyrka, Wanaaga, Horumarka iyo Qaranimadda
Ummadda Somaaliyed iyo Burburka, Halaaga, Colaadaha, Dagaaladda Sokeeye iyo Silica iyo Rafaadka Iyo Dhibka
weyn ee Ummadda Somaaliyeed Dul Saaran, Madaxweyen Guushu Waxeey ku Jirtaa Mida
Horre ee Alle ha-ku Garan siiyo Amiin, Amiin.



Sidoo Kalle Waxaan Maqaalkan kaga Faa,iideeysanayaa in aan Alleheena weyn ee Waaxidka
ah ka Tuugaayaa in uu Cafimaad Buuxa Siiyo Proff- Maxamed Cumar Dalxa Gudoomiye ku
Xigeenka Koowaad ee Golaha Barlamaanka Somaaliyeed oo Hadda Jiifa Isbitaal ku Yaala
Magaladda Neyroobi ee Dalka Kenya, Xaaladiisa Cafimaadna laga Soo Deeyrinaayo, Dalxa oo
ah Aqoon-yahan Somaaliyeed kama nid ahaan jiray Barayaashii Jaamacadda Ummadda oo ku
Takhususay Luqadda Carabiga, Ahna Muwaadiin Somaaliyeed oo Wanaagsan, kana mid ah
Tirarka ugu Waaweyn uguna Ahamiyadda Badan Xubnaha Labadda Golle, Waxaan Alle ka
Rajeeyeey Caafimaad Buuxa iyo in Gudoomiye Ku Xigeenka Isagoo Nabdoon Dib ugu Soo
Laabto Dalkiisa Hooyo, Amiin, Aamiin.


-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England-
-sharifhassan50@yahoo.com-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk-


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved