|
Sawir
Gacmeedka Amiin Caamir Xaqiiqo Sheege. (X.Carab)

Farshaxanka
iyo qababka Sawir gacmeedka ayaa ah fan taariikhdi dheer leh,
sida ku haboona loog cabiro aragtida iyo fikrada oo qaab sawireed
ah oo si Qeexaan u tilmaameeysa xaalada ama kastiga ujeedo,
waana mid ka awood badan hababka qaraalka mararka qaarkood,
kana tilmaami og nuxurka.
Farshaxanada ayaa ah dad xeel dheerayaal ah oo aragti fog
leh iyo dareen Soo jeeda, Raasahdana ku cabiri karo fikradda
ka soo maaxeeysa maskaxdood iyo qaabka eey wax u dareemaan,
waana la wadda ogyahay doorka farshaxnku ka qaatay ama ku
leeyahay taxanaha noloosha aduunka iyo sawiradii iyo dhigeen
Raga Qaarkood qiimo weyn iyo xurmo gaar ah leeyihiin xataa
iyagoo laga joogo Qarniyo, waxaana lagu tilmaamaa qansi qaali
oo dhaxal gal ah.
Hadba Farshaxanka Somaaliyeed ee Wadaniga ah Sawir Gacmeedkana
ku Caan ah ee El-Fanaan-Amiin Caamir Cabdalla ayaa door wanaagsan
oo Xaqiiqo Sheegid ah, tilmaam bixin sax ah iyo hab casriyeed
ku soo bandhiga Xaaladaha Qalfsan iyo dhibaatooyinka fara
badan ee dalka hooyo ka taagan iyo dulmiga iyo Rafaadka Ummadda
Somaaliyeed heysta oo 15-ka Sano soo jiitamaayeey iyo Sida
Dalkii iyo Dadkiiba u burbureen una galeen mugdi iyo jaha-wareer,
Habka Sawir ee Fanaanku ku soo bandhigo qadiyadaha iyo arrimaha
markaas taagan ayaa heer sarre ah, run sheegida iyo taabasahda
meesha bukta iyo Dhibka Markaas Jira, waana qaab cilmiyeed
sawirku tilmaamaayo Xaalad culeeyskeeda leh oo Qoraaga uga
baahan laheyd Bogag iyo Bogag.
Sawiradda El-Fanaan Amiir Camiir ayaa ka mid ah Xababka wanaagsan
ee lagu Wacyi gelin karo Ummadda Somaaliyeed, hanuunin iyo
Toosina u ah iyo ka digidda Dhammaan waxyaabaha iyo foosha
xun ee lagu mashquuliyeey Dadka,laguna kala Fogeeyeey Qoomiyadii
Somaaliyeed ee Walaalaha Aheyd, Hadii aad eegto Sawirada Joogta
ah ee uu Soo Bandhigu Fanaanku waxaad dareemeeysaa Heerka
Qiiradiisa Wadaniyadeed iyo Dareenkiisa Qarameed iyo Somaali-nimadiisa
dhabta ah iyo Sida uu uga wel welaayo dhibaatooyinka saameyeey
Dalkii hooyo iyo tacadiyada lagu Hayo dadka rayidka ah iyo
burburka weyn oo gaareen magaalooyinkii, sawirada ayaa farta
ku fiiqaaya meesha bukta iyo habkii loo daaweeyn lahaa, qaska
iyo Dhibaatada kuwa wada iyo ayaan darada weyn ee haleeshan
Ummaddii Somaaliyeed, midnimada iyo qiimaheeda iyo in habka
wada jirka lagu soo nooleyn karo qarankii iyo helitaanka Dowlad
Somaaliyeed oo dhab ah kana turjumeeysa Rabitaanka iyo maslaxada
dadka.
Anigoo a mid ah Dadka Qoraalada Kooban ku soo bandhiga Shebekadaha
Somaaliyeed qaarkood, aqoon ahaan iyo waayo aragnimona hadidan
waxaan halkan ku qeexaayaa oo aragtideyda shakhsiga ah in
Farshaxan El-Fanaan Amiin Caamir Cabdalla yahay Muwaadin Somaaliyeed
oo xalaal ah, wadani ah oo aqoontiisa u Hibeeyeey ka gilgilashadda
dhibaatadda iyo tacadiyada dadka somaaliyeed heysta Riishadiisana
ku Soo Bandhigay Sawir Gacmeedyo Xaqiiqada ka Turjumaaya oo
Sid Wanaagsan u Qeexaaya Duruufaha Dalkeena hooyo ka Jira,
Waana yar yihiin inta Takhasuuska leh oo garatay Doorkooda
iyo masuuliyada Waajibka ah ee ka Saaran Dalkooda iyo dadkooda,
Farshan El-Fanaan, Amiin Caamir Hambalyo iyo Amaan iyo Bogaadin
Weyn Iga Gudoon, Taariikhduna weey Sheegi oo Qori Qofkii Dalkiisa
u Adeega Wanaaga ka Shaqeeya iyo midka Burburiya,Dadkana Gumaada.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 24/12/2005-
-sharifhassan50@yahoo.com-
| |