Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Nabadda Debedda Laga Sugaayaa Ma Riyaa Ma Run-baa. (Xasan Carab)

Ummadda Somaaliyeed waxeey ku caan aheyd Hab Dhaqameed Wanaagsan iyo
Hanaan leh Xeerar Qeexan oo ku Saleeysan Danaha bulshadda, Guurit Talisa, Wadaado
Dhanka Diinta Loogu Noqdo Iyo Bulsho Hanuunsan oo Tixgelisa, Qadarisa Odayaasha
ama Guurtidda iyo Waxgaradka, Hab Gobeedka, Kala Dameeynta, Hab Xeerinta, Xurmo
Illaalinta, Xaq Doowrka Iyo Mudnaanta Wada Jirka iyo Degaan Wadaagu Leeyahay.


Dadka Somaaliyeed ayaa Halgan Dheer ku Soo Galay Xoriyadda iyo Hanashadda Xaq
ee u leeyihiin Madax Banaanidooda iyo Aayo ka Talintooda oo eey u Soo Hureen Naf iyo
Maalba, Halgankii ama Jihaadkii Taariikhdiga ahaa ee Geesiyaasshii Waaweynaa:-
1-Imaam Axmed Guray.
2-Sayid Max,d C/Dulle Xassan.
3-Sheekh Bashiir.
4-Sheekh Xassan Barsame.
5-Ururkii Dhalinyaradda S.Y.L, waxeey Salka ku heeysay Qiiro Wadaniyadeed, Dal
Jaceyl, Gumeeysi Diid , Diin Jaceyl iyo Dhoowridda Xurmadda iyo Sharfta Dadeed ee
Ummada Somaaliyeed, Halgan yo Jihaad Xaq ah oo Inta Damiirka Nool lihi Qadarineeyso, kana
Tusaale Qaadaneeyso Aragtiddii iyo Wacyigii Wanaagsanaa ee Halgamayaasha Somaaliyeed.


Xaaladda hadda ka taagan Dalkii Hooyo Iyo Silica iyo Rafaadka Ummadu ku Jirto ayaa ah
Kuwo Naxdin weyn iyo Wel-wel joogto ah leh, Kala Gabka iyo Saameeynta Khilaafka Labadda
Qeybood ee Dowladda ayaa Niyad Jab iyo Dhaawac Culeeyskiisa leh ku Noqday Dadweynaha
Guud ahaanba, waxaa luntay oo la waayeey Dantii Guud iyo ka talinta Maslaxada iyo
Aayaha Dalka iyo Dadka, Waxaa beenoobay Heshiisyadii iyo Balamihii iyo Axdi Qarameedkii Lagu
Soo Sameeyeey Dalka Kenya ooSalan ku Turjumaayeey Aragti Shisheeye iyo Talo Gacan ku
Dhiiglayaal, kana Fogaa Aragtidda Wanaagssan iyo Maslaxadda Ummadda Somaaliyeed ee
Xalaasha ah, Ribitaanka Aqlabiyadda ama Tixgelinta Codka Ummadda, Khilaafka Ayaa
Salka ku Hayo Arrimo ka Turjumaaya Dano Gaar ah iyo Colaad iyo Naceeyb Qab-qablayaasha u
Dhexeeysa kuna Qotonta Xukun Raadinta iyo Awood Muruursi iyo Illaasashadda Danahooda
Gaarka oo eey ugu Horeeyso-Hantidda Xaaraanta ah iyo Naftooda oo eey ka
Difaacanaayaan Cadaalad Hor-Geeynta.


Marka la eego Hadaladda Madaxdda Sarre ee Dowladda Somaaliyeed Waxeey ka
Turjumaayaan Habka Fekerkooda iyo Aragtooda Khaladan oo Masuuliyadda,Garshada
Iyo Xikmada toona laheyn, Habka Niyadda Xumadda, Talo Xumadda iyo Macangagnimada
ah oo eey ugu Adkeeysanaayaan Rabitaankood Gaarka ah Raacidda Habka Daneeysiga ku
Dhisan, Tanuusul La,aanta ayaa Sawirka Cad u ah Qalafsanaanta iyo Damiir Xumidda ku
Lagu Sheego Madaxdda Srre ee Qaranka iyo Raxanta Wasiiradda iyo Xildhibaanadda ah ee
Kala Raacsan, Danta iyo Maslaxadda Dalka iyo Dadka ayaa Caqligooda laga Tir-tiran,
ka Talinta Wanaaga iyo Helidda Hanaan Dowladeed oo Cadaalad iyo Sinaan leh ayaa Alle ka
Fogeeyeey, Damiirkooda Liitaana Laga Masaxay, Soo Nooleeynta Nidaamka,Kala Dmeynta
iyo Hanaanka Garsoorka ayaa Dhibkooda ah, Isbooro Qaadidda, Maleesho Nidaaminta iyo
Nabadeynta Guud ayeey Cadoowgooda u Arkaan, Iaydoo Mar Walba Dib u Jaleecaaya Falkii
iyo Dambiyadii Waaweyn oo eey Ummadda ka Galeen.


Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay, Ergeeyga Ururka
Carbeed, Wakiilka Midooga Afrika iyo Ururka Igad Dadaalada eey Wadaan oo
ah kuwo lagu Raadinaayo Xalinta Khilaafka Labadda Garab ee Dowladda Somaaliyeed waxaan
Oran karaa Weey ku Mahadsan-yihiin, Balse Arrinta Meesha Taala ayaa ah Xal iyo Nabadeyn
laga waayo Dhanka Somaaliyeed Wax Qiimo ah ma yeelanaayo ama Hirgelintiisu Weey Adag
Tahay, Sabaata Madaxdda Sarre ee Somaaliyeed Qaarkood ugu Adkeeysanaayaan Nabadda
iyo Dhexdehxaadinta Debedda laga Keenaayo ayaa ah Xujo eey uga Dan leeyihiin Ka
Cararida ama Diido Cadaan ah ama ka Soo Hor-jeedidda Helitaanka Xalinta Khilaafka Jirra,
Ergadda ka Timaada Hey,adaha Caalamigga ah ma Noqoneeyso Mid Shardi Adag ku Noqoneeysa Labada
Garab Fulinta ma Hirgelinta Qodobadda Heshiiska eey Wadda Gaaran, Ummada Somaaliyeed
Xalka Mushkiladaheedu wuxuu ku Jiraa Gacantooda, Taladooda, Caqligooda iyo Rabitaankoda
oo eey Alle la Kaashadaan, Niyad Samid, Daacadnimo iyo Qanaacad Buuxdda ayaa Looga
Baahan yahay Kuwa ku Magacaaban Madaxdda Sarre, Xildhibaanadda iyo Wasiiradda Asal
ahaan ah Qab-qablayaasha, Dagaal oogayaasha, Gacan ku Dhiiglayaasha, Xaraan ku Cunka
iyo Belaayo Abuurayaasha Waaweyn.


Dadaalka Qaramadda Midoobay iyo Ururadda Kalle ayaa Guushoodu ku Xiran tahay Sida
loo Heli Rabitaanka iyo Dareen Masuuliyadeedka Hogaamiyaasha Somaaliyeed iyo Sidda
eey Diyaarka ugu Yihiin Xalinta Khilaafka iyo ka Shaqeynta Danaha Dalkooda iyo Dadkooda
Daalan, Rafaadsan, Silicsan, Dhibaatu Wadda Saameeysay, Iyo Sidda eey uga Fekerayaan
Dib u Dhiska Dalkooda Hooyo(Waa Hadii uu Yahay Dalkoodii), ama eey Garanayaan
Qiimaha Iyo Ahamiyadda Dalkoodu Leeyahay, Anigu Dood baan ka Qadaa Arrinta ama Habka
Caqligooda iyo Dareenka Garashadoodaba, Ummada Somaaliyeed ayaa Looga Baahan Yahay
Kacdoon Ummadeed iyo ka Soo Bixidda Kuwa Af-duubka ku Heeysta, Waxaan Filaayaa in
Hadda laga Ogaaday Aaragtidda iyo Caqliyadda Liidata ee Kuwo Xildhibaanadda,
Wasiiradda iyo Madaxdda Sarre ee Dowladda Liidata ee uu Hogaamiyo-Madaxweyne C/Laahi Yuusuf,
Aqlabiyadda dadka Somaaliyeed Maanta weey ogyihiin Wax eey Tahay iyo Sida eey u
Socoto Dowladaasu, Mana Laha Aragti ka Turjumeeysa Danaha Dalka iyo Dadka
Somaaliyeed oo eeyDowlada u tahay, Gacan ka Helidda, La Dubnaanta iyo Iskaashiga eey
La-leedahay Codowga Kowaad ee Ummdda, Qaranka,Sharafra, Xurmadda iyo Jiritaanka Dalka
iyo Dadka Somaaliyeed(Itoobiya) Sawirka Xaqiiqadda ah ka Qaadan Karnaa,
Itoobiya Marna kama Talin karto, Daacadna kama Noqon Karto Arrimaha
Iyo Aayo ka Talinta Dalka Somaaliyeed, Uana Yeeli Karro oo Maqaadan Karro, Mana
Ogolaan Karo Anigu Xulufeeysi iyo Taageero Itoobiya.


-Alla mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xasan Carab)-
-Huddersfield-England-
-sharifhassan50@yahoo.com
-sharifhassan50@hotmail.co.uk



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved