Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail
Ramadaan Kariim, Bisha Raxmadda, Kheyrka Iyo Barakadda.(X.Carab)

Bisha Ramadaanka ayaa ah Bil leh Sifooyin iyo Mudnaan Gaar ah oo Al-Raxmaanku Siiyeey
Waa Bisha Raxmadda, Dembi Dhaafidda Iyo Naar ka Xoreeynta, waa Bisha ahamiyadda leh
ee Ummadaha Islaamku isu gargaaraan, is caawiyaan, Naxariis dhexdooda gasho, waa Bisha
Howlaha Wanaagsan ee Samafaleed lagu Dhaqaaqo, lala yimaado Acmaal ku Saleeysan
Dhanka Kheyrka iyo Camalka Suuban, Waa Bisha Ehelku iyo Derisku iyo Mujtamaca oo
Dhan ku Dadaalaan ku Dhaqmidda Habka Saxan ee Fariidadda Soonku Dhegeeyso.



Ramadaanka ayaa loo baahan in la yimaado dhammaan howlaha wacan oo Alle raalidda ka
yahay oo faa,iidada u leh bulshadda iyo guud ahaanba Ummadaha Muslimiinta, Hadda Dadka
Somaaliyeed oo ah Muslin Buuxa si weyn u Xeeriya una Xaq-dhoowra Bisha Ramadaanka
ayaa waxaa la gudboon in eey badiyaan Acmaasha Kheyrka leh iyo Niyada Xamidda oo laga
Saaro Caloosho Dhammaan waxyaabaha Xaqdigga iyo Xumaanta leh, laga fogaado dhammaan
Camal Al-Sheydaanka, Sadaqadda ayaa ah mid ahamiyadeeda leh Bisha Ramadaanka iyadoo
la Maraayo Habaka Wanaagsan iyo Sifooyinka Shuruudaha Sadaqadu Dhigaayaan, Kordhinta
iyo Kaacidda Barashadda Diinta Islaamka ayaa Muhiim ah Bisha Ramadaanka iyo in laga
Dheeraado Dhammaan Waxyaabaha aan Isha iyo Nafta-toona u Wanaagsanan.



Ummadda Somaaliyeed ee Dhibaatadda iyo Radaafka ugu jirta Colaadaha iyo Dagaaladu
Aafeeyeen oo kala qoqoban ayaa u baahan in eey Raxmada iyo Kheyrka Bisha Ramadaan
ku Saleeyaan Howladooda lana yimaadaan Acmaal Fiican iyo Kalsooni Dhexdooda ah oo
eey kaga Badbaadaan Dhacdooyinka Ficil Sheeydaanka oo hadda Dalkii Hooyo ka Jirra,
Bisha Ramadaanka waxaa lagu Bilaabaa Isa Xaamixid iyo isu-Niyad Samaan Dhab ah oo
Dadku La Yimaado, Is Caawiin iyo Is-Walaaleeysi Dhan ah iyo Caawinta Midka ama Qoyska
Tabaaleeysan, Madaxdda Sarre ee Dowladda Somaliyeed, Xildhibaanadda, Xubnaha Wasiirada
iyo Culimaa,udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Gudiyada Dhalinyaradda, Haweenka iyo Gudiyada
Ganacsatadda iyo Waxgaradka Somaaliyeed ayaa looga baahan qaadida Talaabootyin Wacan
iyo Howlo lagu Xalinayo Khilaafyadda iyo Muranka Dhex Yaala Labadda Garab ee
Dowladda Somaaliyeed oo Fadhiidka ah, ka hor-tegidda Dagaaladda la Hurinaayo lagana
Abaabulaayo Muqdisho iyo Jowhar, Qurba Jooga Somaaliyeed ayaa looga Baahan abaabulida Howlo Wacan
oo Dhanka Kheyrk ku Saleeysan oo si Wada jirka loogu habooyeeyo Dadka Qurbaha ku
Soomaaya Qurbaha, Duruus iyo Muxaadaraad Diineed iyo kuwo Danaha Ummadda looga
Daadaayo ayaa loo Baahan yahay iyo in Howlo Gargaar Ururin iyo Kaalmeenta Dadka Gudaha
Dalka u Tabaaleeysan la Caawiyo.



Culimaa,udiinka Somaaliyeed ee Gudaha iyo Debedda joogba Masuuliyadood in eey Gartaan
oo Qaadaan Talaabooyin Wadadda Kheyrka ku Qutuma oo Ummadda laga Hanuuninaayo
laguna Boorinaayo ka Shaqeynta Wanaagga iyo Howlaha Alle Raalidda ka Yahay, Ummada
in la Tuso Ahamiyadda Wadda Jirka iyo Midnimadda iyo Qiimaha Qaranimaddu Leedahay iyo
Dhibaatadda iyo Dhaawaca Tafaraaruqu leeyahay, Gudiyadda Jaliyadaha Somaaliyeed Waxaa
Bisha Ramadaanka Looga Fadhiyaa Howlo Wax Tar leh oo Dadku si Wadda Jir ah uga Qeyb
Qaadan karaan iyo Abaabulidda Nadwooyin Cilmiyeed ka Hadlaaya Ahamiyadda iyo Qiimaha
Bisha Ramadaanka iyo in eey ku Dadaalaan kulminta Dadka kala Daahsan oo Xaafadaha kula
Xir-xiran oo aan Warka iska Heyn, Kheeyr iyo Barakadda Bisha Ramaan Alle ha ina
Siiyo oo Deeqdiisa Balaaran ha ingu Maneeyso, Aamiin, Aamiin.


Guud ahaan Ummadda Somaaliyeed ee Muslinka ah Meel Joogaanba Waxaan Halkan uga
Soo Gudbinaayaa Hambalyo Munaasabada Soo Gelida Bisha Barakeeysan ee Ramadaanka
Waxaa Alle Ka Rajeeyeey in uu ina Siiyo Kheeyrkaadka, Raxmadda, Saamaxaadda iyo Guud
ahaanba Barakadda iyo Guulaha Waaweyn ee Bisha Ramadaanka(Ramadaan Kariim).


-Ramadaan Kariim-Ramadaan Kariim- Ramadaan Kariim-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddresfield- England-
-shairihassan@yahoo.com-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk-




 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved