Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Wanka Macasha Ii Qabo, Adigu Qoowrac Ii Mari, Dhiigana Aan Muudsado. (X.Carab)

Marka Munaasabadda Sanadka Cusub ee Fooda inagu soo hayo 2006-ka waxaan Ummadda Somaaliyeed Alle uga rajeeyeey kheeyr, barwaaqo iyo Raxmad fiican, Nabadgelyo iyo Badbaado aduunka ah iyo hanasahada Dowlada Cadaalad, sinaan iyo Xaq soorid ku Dhisan, Aamiin.


Sanadkan Dhammaadka ah 2005 waxaan shebekadaha Somaaliyeed ku soo Bandhigay boqolaal maqaalo ah iyo qormooyin ka hadlaayeey arrimo kala duwan oo khuseeya xaaladaha qalafsan, duruufaha adag iyo jaha wareerka ka jira dalka Hooyo, si qeexan asluub qoraal iyo anshaxa leh, hufnanta qoolka iyo xurmadda Ummadeed ayaan u tilmaamay dhibaatooyinka, xadgudubyada, xasuuqyadda iyo falalka tacadiyada ah ee ummada loo geeystay, welina lagu hayo, qabqablayaasha iyo taageerayashooda dulmiga wada, xufuleeysiga xaaranta ku dhisan, golayaasha Ben-beenta ah iyo dowladda maraar saarka ah, dayaca iyo qafaadka heysta Dadaka Qaxootiga ah iyo danta, qurba jooga durbaanada colaada iyo xumaanta wada iyo Maalqabeenada dhaca iyo xaaranta ka taajiray, daneeysiga laga doonta dantii guud iyo qaranimadii, qabyaalad adeegsiga Qiimaha la siiyeey,Qalinkeeyga ayaa dhigay Xuruufo waaweyn ku qeexay Talooyin, Tusaaleen iyo Ereyo Hanuunin ah,Waxaan Halkan Mahad uga Soo Jeedinaayaa Akhristaayaasha Sharaf weyn iga Mudan iyo Maamulka Shebekadaha Somaaliyeed ee sida Wacan u soo daabacay Guud ahaanba Maqaaladeydii.


Qormada Maanta ayaa ku saleeysan xaalada dhibteeda leh ee ka jirta P/Land iyo Sida Hantida guud loo dhacaayo, loogu raraayo jowhar iyo C/laahi ini Yuusuf iyo Xulafadiisa Fadhiya Jowhar, halka eey ka ooman yihin dadka reer P/Land, Cashuurta eey Soo Saaran waxaa haboon in eey Gasho Degaankooda looguna adeego dadka lagu Habeeyo-Arrimaha Bulshada,Isbitaaladda- Iskuuladda, Wadooyinka iyo Biyaha Cabitaanka oo Baahida weyn loo qabo, logu sugo nabadgelyada gacanta ka baxeysa iyo mushaaharka Shaqaalaha Maamulka Dhoowrka Bilood waxba qaadan iyo guud ahaanba Howlaha horumarinta Maamul goboleedka P/Land, kaalmeeynta iyo Caawinta Dadka Abaaruhu Bara-kiciyeen iyo bad-jariirkii Xeebaha Barri.

Dowladda Federaalka Somaaliyeed xaq uma laha waqtigan in eey cashuur iyo kaalmo dhaqaale u soo doonto P/Land iyo meel kale toona, balse waa in eey ku Tashataa oo abuurahaa ilo dhaqaale iyo kaalmo caalmi, waa in eey la timaamaa hab maamul oo wanaagsan yo hanaan halinta khilaafaadka, laakiin caqliga ma geli karto in eey dhacdo, boobto Hanti iyo Mushaarka Sahqaalaha P/Land, kuwa Gacanta ku siiyeey Arrintaasna waa shakhsiyaad khaayiniin ah, burcad xulufo la ah C/Laahi iyo Geedi, Shacabka Reer P/Land waxaa la gudboon in eey hurdada ka Kacaan, xuquuqdooda illaashadaan, hantidooda xafidaan, maamulkana sida ku Haboon ula Xisaabtamaan, Weli Nin Hurdoow Haloowday Dantaa.

Meesha Isbitaaladii Dayacan Yihiin, Iskuuladii Khariban Yihiin, Wadooyin Jirin, Biyo La,aan Weyni ka jirto, Shaqaalihii Mushaahar la,yahay, Wayaabihii Aasaasiga ahaa Dhammaan Dyacan yihiin Dib u dhac iyo Maamul Xumo weyni ka Jirto iyo Raxan Tuug ah oo Kuraasta Iska Fadhida Wasiiro iyo Xildhibaano ku Magacaaban iyo Hogaan Aqoon Xumo iyo Caafimaad Daro heyso, miyaa laga Sugaayaa wax wanaagsan iyo Talaabooyin dhinka Horumarka iyo Jihada Wanaagsan ku aadan oo ku Saleeya ama Ku Shaqeeya ka duulida Danaha Dadka iyo Maslaxa Guud, u adeega Bulshada iyo Dib u dhiska Dalka si loogu sahamiyo mustaqbal wanaagsan Ubadka iyo dhalinyarada oo ah hogaanka Mustaqbalka, Shacab hurdo dheer ku jiro oo gaajeeysan, dhiban oo Weliba taageeraayo kuwa aan wax faa,iido ah u wadan, beelnimo iyo qabyaalad xumi qalbiga iyo damiirka ka wadda gashay, cudur aan dawo laheyn hayo in uu meel gaaro haka sugin, hanaan wacan iyo habsami maamul haka sugin raxanta meesha joogta, Xassan Carana haka Sugin Been iyo Dulmi Taageerid, Xaqiiqo Daboolid iyo Xumaan u Hiilin.


-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England-
-sharifhassan50@yahoo.com.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved