|
Dimuquraadiyada Qabiilka Huwan.
(Geel-reeb)
Waxaa aad wax loola yabo ah beelaha( dirta woqooyi )oo beryahan
ba caalamaka
iyo soomaaliyaba u sheegayey inay dimuqraadiayad ku taagan
yihin
doorashadooda golaha wakiilada .
Waxaan aan wax yar bidhaaminayaa beelaha aan kor kusoo xusay
ma waxay
gaadheen dimuqraadiayad mise abuurid caadifad jilib jilib
hoose.
hadaan qeexo gebi ahaanba doorashada ka dhacday gobaladaas
waa mid jab iyo
halaag usoo wada taas oon ku micneyn karo in ay u keentay
waxay xisbiyo ku
sheegeen laakiin aan xisbi ahayn ee shaadh qabiil gashan,
taas oo aad ka
garan karaysid sida wax u dheceen.
1- marka hore waxaa wax aad loogu qoslo
ah nin xisbi ka sharaxan xisbiguu
doonaba ha noqdee oo aan qof qabiilkiisa ah mooyee qof kale
u codeyneyn,
cajiib, sowtii uu xisbi ahaa maxaa dib jifida uu ka dhashay
ugu ceshay
2- sidaa inoo wada muuqata ayaa kuwa ISku
sheegay madaxda asxaabtu ay raali
ku yihhiin ninkaa qabiilka ilinka u fadhiistay oo weliba wixii
uu kaambeyn
ku geli lahaa loo dhiibay kaas oon si leex leexad lahayn ugu
faraqaya
jilibkiisa isagoo sii daba dhigaya yaan reer hebel, hebel
idhaafine ha
lakoco.
3- Waxaa marag ma doonto ah in aanu nin u
dhashay hargeysa iska sharaxin
,burco ama sanaag ama meelkale markaa waxaa kuu cad in aanay
wax xoriyad
loo dooranayaa jirine ay beeshii iska tahay
4- Mase kuu cadahay in nin xisbi ka tirsanaa
oo qabiilkiisu miyi iyo
magaalaba gawaadhi isaga gureen inuu xisbigii iyo gobaladooda
toona wax u
qabanayo jawaabtu waa maya oo reerka ayaa ka baawar weyn xisbiga
iyo
dimuqraadiyada
5- Waxaa wax aad loola yaabo ah matalan codayntii
ka dhacday ceergaabo
waxaa dhacday labao nin oo isku xisbi ah oo midna habarjeclo
yahay midna
muuse ismaaciil yahay inaan qolana kan kale ugu rideyn kooda
mooyee,hada
waana isku xisbi
Waxaan kusoo geba gebaynayaa bal aan dhowro waxaad ka dheeftaan
dimuqraadiayada iyo qabiilka is dhex jiiray iyadoon lahayn
cidii kala moosi
lahayd.
Waxaan xusuustaa abawaankii weynaa ee (maxamed cabdi aar
) oo maansadiisii
ay ka mid ahayd maanso la oran jirey KAARACO.
Oo aan beyjajkeedii ka xusuusto
KAARACOOY DHAMAANTAA,
MAYSKU WADA KAS BAAD TAHAY
MISE SIDA KADAFKA YAACAAD
SIDIISII KUDAACADA
KOBTA AAD KULE.ATAAN
MEELKELE UGA BAYDHOO
KALEEXDABA MA GARATAAN…………..
GEELREEB@HOTMAIL.COM
|