|
Puntland;
Isbedal Haa, Laakiin Mid Noocee ah?
(Maxamed Cali)
Arar
Sidii
hogol kalliileed, cirka ayaa u curan is-bedal nidaam iyo maamul
oo ka hirgala Puntland. Su'aasha mudan in la is weydiiyaa
waxaa ay tahay is-bedal noocee ah ayaa loo baahan yahay?
Aan
dawliska ceelka u rita e, waxaa muuqda harraad ba’an
oo is-bedal haykal siyaasadeed (political framework), hannaan
maamul oo ku salaysan axsaab siyaasadeed (multiparty political
system), dhiirigelin xiwaar siyaasadeed oo hufan (body politik),
ka tallow nidaamka qabaliga ah (clan structure), ku kalsoonaan
hay’adaha dawliga ah (state institutions), iyo xulasho
hawlwadeeno dawladeed oo intuba ku salaysan mabda’ siyaasadeed
ka qoto dheer kan laga yaabo in ay ku hammiyayaan madaxda
maamulka Puntland. Waa mid sahan dheer iyo tacab badan mudan,
dawna ay tahay in si haboon loo saafo, kana fac weyn isku
shaandhayn lagu qanciyo dhaayaha qubanaha iyada oo aan loo
degin ubucda xaajada.
Sidaa
darteed, aniga oo taa ka duulaya ayaan jeclaa in aan qoorteeyo
sida iyo waxa ay ila tahay in ay la gudboon tahay maamulka
Puntland ee ay caynaanka u hayaan Cadde, Afqudhac & Dalmar
(M/Weyne, M/Weyne ku Xigeen & Af-hayeen Baarlamaan sida
ay u kala horeeyaan). Si dadban ayaan u bidhaamin doonaa halka
ay Puntland joogto maanta, iyo halka ay tahay in ay hiigsato
saadambe aniga oo tusaalayn doonaa waxa la gudboon madaxda
Puntland.
Bidhaan
Horumarka
ummadeed ee dhan maamul, dhaqan-dhaqaale iyo xadaaradeed waxaa
uu ka soo arooraa garawsi guuldaro lagala kulmay hannaan loo
hanweynaa, lagu soo jid madhay, daltabyo iyo ceelalyow badan
lagala soo kulmay, ceebse la yimi markii la doogsaday. Ubud-dhigayaasha
bulsho ayaa laga sugaa in ay u jidbixiyaan, kalana doortaan
surimada badan ee isa soo wada asla, isuna wada muunadda eg,
kalase qaayaha ah. Tubta ugu sahlan, aalaabana aan u baahnayn
fikir qoto dheer oo loo xishaa, cawaaqib xumo ayaa ay dhaxalsiisaa
ummaddeed. Tubta ugu toosan, aalaabana u muuqata in aanay
suurtgal ahayn in lagu dhiiradaa, baraare ayaa ay solonsiisaa
ummaddeed. Taas waxaan uga golleeyahay in haddii aan si toolmoon
layliga loo arumin, caynkana loo qabadsiin saxansaxada bedal-doon
ee dul hoganaysa Puntland, in ay ku hungoobi doonaan maamulka
iyo ummaduba, gaboodfal xunna lagala kulmi doono mustaqbalka.
Haddii
aan dib u yara milicsado, nidaamka qabaliga ah oo saldhig
u ahaa aasaaskii Puntland ayaa dhab ahaan laga dheefay manfac
weyn, lagagana soo gudbay caqabado badan oo la’aantii
halligi kari lahaa ummadda. Waxaa uu u sahlay ummadda in la
unko nidaam ku yimi rabitaanka madax dhaqameedyada bulshada,
sidaa darteedna la odhan karaa rabitaanka bulshada, dhiirigaliyey
koboc garaad bulsho, dhisme hay’ado ugub oio dawli ah,
horumar nidaam dawli ah, sugitaan amni, iyo loollan siyaasadeed,
haba koobnaada e, oo bad qaba. Taas oo jirta ayaa waxaa hadda
soo ifbaxay iimo badan oo uu leeyahay oo uu kala mid yahay
nidaamyo kale oo isaga ka horeeyey oo hore loo tijaabiyey,
balse u cuntami waayey ummadihii hindisay, deetana sidaa lagu
rawixiyey. Waxaa muuqata in nidaamka qabaliga ah la soo gaadhay
xilligii looga gudbi lahaa nidaam dawli ah oo ka mug iyo qiro
weyn si loo dhayo ceebaha uu la yimi, looguna gudbo nidaam
asali ah oo u cuntama bulshada.
Aan
xoodaamiyo e, sida ay qabaan badi dadka darsa culuumta siyaasadda,
maamulka, hoggaanka, iyo horumarka bulsho inta la xuso nidaamka
keliya ee illaa hadda la isku raacay in uu ugu hufan yahay
waa nidaamka dimoqraadiga ah (tala-wadaag) ee ay ka manaafacaadsadeen
bulshooyinka hore u maray. Tajriib iyo kufaa-dhac badan kadib
ayaa uu nidaamkaasi ku yimid, kuna noqday kan ugu dhaw ee
unugyada bulsho ay raali ka wada noqon karaan, ku kalsoonaan
karaan, una arki karaan nidaam ay amnigooda, danahooda, mustaqbalkooda,
iyo jiritaankooda ku aaminaan. Waa nidaam isaga naf ahaantiisu
leh iimo u gaar ah, khaasatan marka lagu dalqiyo ummad aan
u qaangaadhin hanashada madhaxiisa, miiddiisa, iyo haykalkiisa
siyaasadeed iyo maamul, balse marka loo eego dhigiis cilladihiisu
aanay sidaa u xag jidhin.
Sifaha
toolmoon ee nidaamka dimoqraadiga ahi uu kaga duwan yahay
dhigiisa ee mudan in la xusaa ayaa waxaa ka mid ah isaga oo
u sahla ummadi in ay aaminto hay’adaha dawliga ah, ayna
ku kalsoonaato dadka hoggaanka u haya. Hay’adaha ayaa
ah kuwa xaqsoor bulsheed ku dhisan, waxqabadkoodu aanay ka
dahsoonayn bulshada, una siman bulshada, halka haddii dadka
la doortaa ay ka soo dhallaali waayaan xilalka lagu aaminay
si sahlan loo ruqseeyo. Waxaa uu leeyahay haykal sahla in
qaladaadka dhaca si sahlan lagu saxo – haddii shakhsi
ama xukuumadi ay qaladaad ka gasho dalka iyo dadka, waxaa
la arkaa in si sahlan loo arko qaladaadkaa, deetana la turxaan
bixiyo. Waxaa uu leeyahay xisaabtan, sidaa darteed waa dhif
iyo nadir in xisbi, koox ama ashkhaasi ay ku takri falaan
mustaqbalka bulsho, aanan lala xisaabtamid. Ma jiro nidaam
kale oo inta la xuso taa suurtageliya, waana sababaha wadamada
qaatay, kuna dhabakhay qaybo ka mid ah hab dhaqan-dhaqaaleedkooda
bulsho ay uga horumarsan yihiin ummadaha kale.
Ma
muuqato xilligan la joogo sabab aanay Puntland u hirgalin
karin hay’ado dawli ah oo ku salaysan nidaam iyo maamul
dimoqraadi ah, aan ka ahayn karti darri ay muujiyaan garwadeenada
maamulku. Sida ugu haboon ee taa lagu hanan karaa waa maamulka
talada haya ee M/weyne Cadde oo la yimaada straatiijiyad siyaasadeed
oo ay ku hawlgasho labada (2) sanno ee soo socda. Aan hoos
u daadago e, sida keliya ee is-bedel baahsan lagu gaadhi karaa
waa iyada oo xukuumadda M/Weyne Cadde ay hadda u hawlgasho
is-bedal nidaam oo rasmi ah, oo ka qoto dheer wasiir jago
laga qaaday, mid kalena loo magacaabay.
Marka
xays da’o, oo ramas baxo, oo geella, adhiga iyo lo’oduna
ay maqliyaan xareed muguc ahina ay balliyada wadhan tahay,
oo ciirta iyo caanuhu ay barriga wadhan yihiin, oo gaaraa-bidhoodku
wiligtaa hayo baalalaydu ay raynrayn wiiqdaa hayso, geeljirka
indheergaradka ahi waxaa uu u toog hayaa kaliil daba dheer
oo aan la maagi doonin. Sahan, odoros, iyo carro-rogasho ayaana
uu markaa tabaabushadeed galaa. Mitaalkaas waxaa ka dhigan
madaxda Puntland oo muddo ku jiray majiirasho ramas gu’,
oo ay tahay in ay la yimaadaan istiraatiijiyad dhaafsiisan
sannad iyo laba, ayna hadda la gudboon tahay in ay ka tabaabushaystaan
kalliil daba dheer oo aan la isa seegi doonin – gooray
ahaataba.
Waxaa
lama huraan ah in laga tashado sida ugu haboon ee lagu hirgalin
karo dhawr unug oo tiir dhexaad u ah nidaam-bulsheed dawli
ah, bad qaba, wadaagna ah.
Dhiirigelin
xiwaar bulsho
Waxaan
lama huraan ah boorinta xiwaar bulsho oo dhinacyo badan oo
lagu gorfeeyo arrimaha sida tooska ah ama dadban u saameeya
bulshada iyada oo la adeegsanayo saxaafadda qaybaheeda kala
duwan sida jaraa’idka, raadiyayaasha iyo telefishinka.
Matalan, gabadana ku kowsaday Widhwidh, ku barbaaray Garacad,
ku baaluqay Sunajiif, iyo kuwa ku cirraystay Dhahar waxaa
jira dareen ay ka siman yihiin oo ah u boholyow xiwaar-bulsheed
bad qaba oo si caqliyan ah u muquurta shu’uun ummadeedka
haadaanta qarka u saaran. In ay afkaarta is weydaarsadaan,
isuna war hayaan waa lama huraan. Saxaafadda oo ku dhalliilan
in aanay kaalinteeda ka soo dhalaalin, sababo ay ka mid yihiin
garaad yari, da’a yari, khibrad yari, iyo anshax iyo
shuruuc hagta oo aanay lahayn, ayaa looga fadhiyaa in ay ka
hadasho arrimaha bulshada sida dhabta ah u saameeyaa, ee aanay
hawsheeda ku ekayn tebinta dhacdo-maalmeedka oo qudha.
Wacyigelin
dadweyne
Madaxda
Puntland waa in ay si daacad ah ugu xog waramaan bulshada,
si bulshadu ay uga kaaftoonto been abuurka iyo xaalad abuurka
bah dila ummadda, iskana hor keena madaxda iyo bulshada. Mar
kasta oo xaaladi soo cusboonaato in bulshada la wargeliyaa
waxaa ay sahashaa is faham dhexmara bulshada iyo madaxdeeda,
waxaana ay meesha ka saartaa qareeno is-qorro ah oo u kala
dab qaada ummadda iyo madaxdooda. Mar kale, adeegsiga saxaafadda
ayaa ay taasi ku hirgeli kartaa.
Guddi
Doorasho
Waxaan
laga fursan doonin in la unko guddi doorasho (electorate commission)
oo madax bannaan, ayna hawshiisa tahay hirgelinta iyo u diyaarinta
ummadda ee nidaam dawli, dimoqraadi ah lehna axsaab ku loolama
hogaanka Puntland. Dhismaha guddi doorasho, qaacidada loo
raacayo, xubnaha uu ka koobnaan karo, qeexidda hawlihiisa,
iyo kaalintiisa in la cayimaa waa sahal, waxaana si fudud
ku hirgelin kara maamulka oo la kaashada hay’ado caalami
ah oo diyaar u ah in ay gacan farsamo iyo mid dhaqaaleba ka
siiyaan maamulka Puntland - waase in laga arkaa maamulka,
madaxda maamulkuna ay codsataa taageero noocaas ah.
Axsaab
siyaasadeed
Rukunta
ugu muhiimsan ee haykal nidaam dimoqraadi ahi uu ka soo askumaa
waa axsaab siyaasadeed oo si siman ugu baratama hogaanka ummadda.
Qormadan kuma soo koobi karo faa’iidooyinka axsaabta
siyaasadeed u leeyihiin maamulka dawliga ah, waxaase xusid
mudan in maamul aan lahayn axsaab kamisha heenka gaawaha,
ningax u noqota waysada garwadeenada xaajo, gufaysa goldaloolooyinka
soo ifbaxa, farta ku fiiqda iimaha maamul, feertana ka laaca
dawliska dharaar ceel u joog, aanu noqon karin mid taabagal
ah, ummadina ay ku diirsato. Sidaa darteed ansixinta axsaab
siyaasadeed, dajinta qawaaniin lagu hago, iyo ogolaansho loollan
siyaasadeed waa talo mudan in sida ugu dhakhsaha badan loo
xeeriyo. Dariiqada loo maro, hirgelinta iyo la tacaamulka
hirarka axsaabta siyaasadeed la yimaadaan waxaa maamulka gacan
ka siin kara hay’ado caalami ah oo u bisil, diyaarna
u ah in ay gacan farsamo iyo dhaqaale ka siiyaan maamulka
Puntland – waase in laga arkaa maamulka, madaxda maamulkuna
ay codsataa taageero noocaas ah.
Bulshada
rayadka ah
Rukun
kale oo muhiim ah, inta badanna aan la fahmin qaayiha uu u
leeyahay ummad, xitaa haddii lagu daro ashkhaasta ku hadasha
magaca hay’adaha bulshada rayadka ah, ayaa ah kaalinta
ay ku leeyihiin wacyigleinta, tababarka iyo u diyaarinta bulsho
ee xiwaar iyo xadaarad madani ah. Dhiirgileinta hay’adaha
aan dawliga ahayn, iyo ururada rayadka ahi dheef ay la yimaadaan
ma ahe, dhibkood ma badna.
Gunaanad
Sidii
aan hore u xusay, waa ay ii sahlan tahay, ilayn bukaan ninba
mar u taliyaye, in aan taxo sida ay ila tahay in xal lagu
gaaro, hase ahaatee kaalintayda waxaan ku koobayaa tusaalayn
iyo iclaamin baahida muuqata, aniga oo ku kalsoon in madaxda
maamulku ay ka wabaxsan tahay sida ugu haboon ee hayaanka
nidaam lagu hanan karo.
Waxaan
ku boorin lahaa M/Weyne Cadde in uu si hufan uga baaraan dego
arrinka, uu la yeesho wadatashi unugyada bulshada, madax dhaqameedyada,
golayaasha dawladda, indheergaradka, iyo qubanaha, lafagur
dheer kadibna uu faraska heensaysto, ubada biyaysto, seefta
afaysto, deetana bogga iyo baalka isla haleelo.
Waxaa
la arkaa in wadiiqada loo maro hirgelinta nidaam dawli ah
oo wadaag ahi ay gocondho miidhan tahay, ayna u muuqato in
aan loo hollan karin, balse sida inta badan dhacda ay iyadu
ka toosan tahay wadiiqooyinka kale ee marar badan u muuqda
in ay ka sahlan yihiin. Nin aan is hubin iyo fule ayuun bay
la dheer tahay, macaluul iyo oonna cidla la habsada inta aan
laysba gaadhin – kase dhaw.
Waxaan
ku dhiirigelin lahaa M/Weyne Cadde, ku Xigeenkiisa Afqudhac,
& Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dalmar in ay si wada jir
ah isaga kaashadaan hirgelinta maamul u cuntama ummadda, bilaabaan
wacyigelin bulsho, dhiirigeliyaan xiwaar bulsho iyo mid siyaasadeed,
muujiyaan dulqaad siyaasadeed, la yimaadaan kalsooni iyo bisayl
siyaasadeed, una hawlgalaan hirgelinta nidaam wadaag ah oo
bad qaba.
Maxamed
A Cali
E-Mail:gorayocawl@yahoo.com
| |