Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail
SIDEEN U SOOMAA BISHA RAMADAANKA?! Qeybta Labaad2 (Idriis A Cusmaan)
idahos@hotmail.com

Soonka bisha Ramadaanka wuxuu waajib ku noqonayaa in la arko bisha, haddii aan la arkin habeenka soddonka bisha shacbaan lama soomayo maalinteeda.

Laba shuruud ayaa waajib ah in la oofiyo:
1- Aragtida bisha inay dhalatay (Ma ahan in lagu soomo xisaabaadka goobaha bisha keliya, haddii culumada xisaaba goobaha bisha ay ka soo baxdo (ka dhalato) ay go’aaamiyaan iyagoo isticmaalaya xisaabadka in ramadaan yahay, laakinse aysan arag bisha la soomi maayo, maxaa yeelay shareecadu waxay shuruud kaga dhigtay soonka in bisha la arko).
2- In la dhammeystiro soddon maalmood tirada bisha shacbaan (Haddii habeenkaa bisha la arki waayo, maxaa yeelay bisha (muslimka ee hijrada) kama badato soddon kamana yaraato labaatan iyo sagaal).

Badanaa markuu ramadaanku bilowdo sannad walba ayaa waxaa dhaca khilaaf ku saabsan aragtida bisha, taasoo sababa in qaar muslimiintu soomaan qaarna aysan soomin. Iyadoo aysan jirin wax diidaya in la arko bisha ramadaan oo cirku ka maran yahay daruur (saxaab) ama aysan jirin dabeelo wata boor iyo ciid, isla markaana bisha aan la arkin, ayaan la soomeyn maalinta soddonka shacbaan.

Bisha ramadaanka in larki waayo waxaa u sabab noqon kara: Daruur qarisa bisha ama dabeelo wata boor iyo ciid. Haddii ay tani dhacdo ayaa culumadu waxay u kala baxeen qaar jecleystay in la soomo iyo qaar yiri la soomi maayo ee waa xaraam:
Qaarka yiri waa la soomayaa ayaa waxay daliil u soo qaateen in Cabdullaahi ibnu Cumar (rc) soomi jiray haddii ay dhacdo in habeenka soddonka shacbaan ay daruur ama dabeel wata boor iyo ciid qariso arkida bisha. Malada oo u badan in bishu dhalatay laakin arkideedu ay qarineyso sababaha aan kor ku sheegnay. Waxaa loogu jawabay in C. Ibnu Cumar(rc) ficilkiisu ahaa mid uu iska jecleystay siduu u dhowrsado oo uu kaga nabad galo shakiga, uusan waajib aheyn, haduuu waajib ahaan lahaa wuxuu fari lahaa ehelkiisa ama dadka kale inay soomaan. Midda kale C. Ibnu Cumar (rc) ficilkiisa gaarka ah daliil ma noqon karo. Qaarka kale oo yiri maalinta shakiga ku jira in la soomo waa xaraam waxay soo daliishadeen axaadiista nebiga (salallahu calayhi wasallaam) ee aan hoos ku sheegi doono. Waxaase saxsan inaaan la soomeyn maalintaa shakiga ku jira.

Haddii hal meel laga arko bisha, ma waxaa ku waajib ah dadka oo dhan inay soomaan? Arrintan iyaduna waxaa loogu kala baxay labo qeybood: Qaar yiri haa waa in dadka dunida oo dhammi soomaan haddii meel ka mid ah dunida laga arko bisha ramadaanka. Waxay u soo daliishadeen xadiiska hoos ku xusan iyo inay taasi ku jirto MIDNIMADA UMMADA MUSLIMKA iyo KA FOGAASHAHA KHILAAFAADKA. Laakin qaar kale ayaa yiri: kuma waajibo soonka kuwa bisha arka mooyee. Saddex daliil ayay heystaan oo kala ah labada xadiis aan hoos ku sheegi doono iyo in waqtiga caalamku kala duwan yahay qaar baa qorrax dhac u tahay meesha ay qaarka kale qorrax soo bax u tahay. Maadaama waqtiyada bilaabid iyo affurid maalmeedku kala duwan yihiin sidoo kale ayaa waqtiyada bilaabid iyo dhammaadka bisha soonka kala duwanaan karaan. Waxay daliishu muujineysaa in qolo walba ay bilaabeyso soonka goorta ay goobteeda bisha ka aragto.

YUU KU WAAJIBAA SOONKA?

Soonka wuxuu ku waajibaa qof walba oo muslim ah, waajib saaran (mukallaf ah), oo awooda inuu soomo. Waajib saaran ama mukallaf waxaa loola jeedaa qof walba oo qaan gaar ah, oo miyirna leh (madaxa looga jirin). Awoodna u leh waxaa loola jeedaa: Aan musaafur aheyn, aan xanuunsaneyn (caafimaad qaba), Haddii dumarka caadada iyo dhiiga dhalmada ka joogsado oo ay daahir noqadaan maalin soon yahay gudahiisa, way soo qaleeynayaan maalintaa, laakin kuma waajibo inay somaan maalintaa.

YUUSAN KU WAAJIBIN SOONKA?
Ibnu Cabbaas (rc) ayaa wuxuu raaciyay in kuwa aad u gaboobay oo da’du ku dheeraatay haddii ay awood u laheyn inay soomaan ay maalin walba oo ramadaanka ay affursan yihiin quudinayaan miskiin. Sidoo kale qofka qaba cudur aan laga bogsoon oo u diidaya inuu soomo wuxuu quudinaya miskiin maalin walba uu affuro.
Qofta uurka leh ama midda canug nuujineyso ayaa u banaan inay affuraan maalin soon ah, iyagoon xanuunsaneyn oo caafimaad qaba, maxaa yeelay waxaa qofta uurka leh ku dhib ah inay soonto gaar ahaan bilaha dambe ee uurka. Sidoo kale ayaa qofta naaska nuujineyso loogu fasaxay inay affurto. Iyadoo loo fiirinaayo in waxyeelo ka soo gaaraan koritaanka dhalaanka caloosha ku jira, hooyada oo caanaha ka guro, iyo iyadoo loogu naxriisanaayo hooyada iyo dhalaanka. Waxaa ku waajib ah inay soo qaleeyaan maalin walba ay affureen, wax miskiin quudin ah kuma waajibo.

 

DALIILADA AMA CADDEYNTA QURAANKA IYO SUNNADA:

1- Inay waajib tahay in la arko bisha:
Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Haddii aad aragtaan (bisha) sooma. Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Ha ka hormarinina bisha ramadaanka soonka maalin ama labo maalmood, in qof uu soomaayey soon taxane u ahaa ha iska soomo.
2- Maalinta shakiga ku jira inaan la soomeyn:
Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Ha ka hormarinina bisha ramadaanka soonka maalin ama labo maalmood, in qof uu soomaayey soon taxane u ahaa ha iska soomo. Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Xisaabta bishu waa labaatan iyo sagaal habeen, ha soomina ilaa aad ka aragtaan bisha inay dhalatay, haddii ay idinka qarsoonto waxaad dhammeystirtaan tirsiimada bisha shacbaan soddon, waxay yiraahdeen: “waxaad dhammeystirtaan tirsiimada bisha shacbaan soddon” waa amarka nebiga (salallahu calayhi wasallam). Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: “Waxaa halaagsamay kuwa xadgudba” in la soomo maalinta shakiga ku jirana waa ku xadgudub cibaadada.
3- Haddii meel ka mid ah dunida laga arko bisha dadka oo dhan ma soon baa ku waajib ah?: Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Ku sooma aragtida bisha, ku affura aragtida bisha.
4- Qolo waliba waxay soomeysaa markay bisha ka aragto goobteeda:
ee ruuxii jooga (nagi) ha soomo (AlBaqara 185). Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Ku sooma aragtida bisha, ku affura aragtida bisha.
cuna oo caba intuu ka muuqda liilanka cadi (waagu) kan madow aroortii dhammeeyana soonka tan iyo habeenkii" (AlBaqara 187). Aayaddu waxay tusineysaa kala duwanaashaha goobaha dunida iyo waqtiyada.
5- In kuwa aan awoodin aysan soomeyn:
Kuwa uu dhibina waxay bixin "quudin" miskiin. (AlBaqara 185). Ruuxiise buka ama safar ah waxaa saaran maalmo kale (AlBaqara 185)

6) In haweenka uurka leh ama naaska nuujinaya aysan soomeyn:
Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: “ Allah waa ka ruqseeyey soon midda uurka leh iyo midda naaska nuujineyso. Ibnu Cabbaas (rc) oo ku fasiray xadiiska: “ Midda naaska nuujineyso iyo midda uurka leh haddii ay u cabsadaan dhalaankooda way affurayaan waxayna quudinayaan miskiin.


Wabillaahi-towfiiq wasalallaahuma calaa nabiyinaa Muxammad waaalihi wasallam.

Waxaa Qorey walaalkeen Idriis Axmed Cusmaan



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved