|
SIDEEN U SOOMAA
BISHA RAMADAANKA?! Qeybta Labaad2 (Idriis A Cusmaan)
idahos@hotmail.com
Soonka bisha Ramadaanka wuxuu waajib ku noqonayaa
in la arko bisha, haddii aan la arkin habeenka soddonka bisha
shacbaan lama soomayo maalinteeda.
Laba shuruud ayaa waajib ah in la oofiyo:
1- Aragtida bisha inay dhalatay (Ma ahan
in lagu soomo xisaabaadka goobaha bisha keliya, haddii culumada
xisaaba goobaha bisha ay ka soo baxdo (ka dhalato) ay go’aaamiyaan
iyagoo isticmaalaya xisaabadka in ramadaan yahay, laakinse
aysan arag bisha la soomi maayo, maxaa yeelay shareecadu waxay
shuruud kaga dhigtay soonka in bisha la arko).
2- In la dhammeystiro soddon maalmood tirada
bisha shacbaan (Haddii habeenkaa bisha la arki waayo, maxaa
yeelay bisha (muslimka ee hijrada) kama badato soddon kamana
yaraato labaatan iyo sagaal).
Badanaa markuu ramadaanku bilowdo sannad walba ayaa waxaa
dhaca khilaaf ku saabsan aragtida bisha, taasoo sababa in
qaar muslimiintu soomaan qaarna aysan soomin. Iyadoo
aysan jirin wax diidaya in la arko bisha ramadaan oo cirku
ka maran yahay daruur (saxaab) ama aysan jirin dabeelo wata
boor iyo ciid, isla markaana bisha aan la arkin, ayaan la
soomeyn maalinta soddonka shacbaan.
Bisha ramadaanka in larki waayo waxaa u sabab noqon kara:
Daruur qarisa bisha ama dabeelo wata boor iyo ciid. Haddii
ay tani dhacdo ayaa culumadu waxay u kala baxeen qaar jecleystay
in la soomo iyo qaar yiri la soomi maayo ee waa xaraam:
Qaarka yiri waa la soomayaa ayaa waxay daliil u soo qaateen
in Cabdullaahi ibnu Cumar (rc) soomi jiray haddii ay dhacdo
in habeenka soddonka shacbaan ay daruur ama dabeel wata boor
iyo ciid qariso arkida bisha. Malada oo u badan in bishu dhalatay
laakin arkideedu ay qarineyso sababaha aan kor ku sheegnay.
Waxaa loogu jawabay in C. Ibnu Cumar(rc) ficilkiisu ahaa mid
uu iska jecleystay siduu u dhowrsado oo uu kaga nabad galo
shakiga, uusan waajib aheyn, haduuu waajib ahaan lahaa wuxuu
fari lahaa ehelkiisa ama dadka kale inay soomaan. Midda kale
C. Ibnu Cumar (rc) ficilkiisa gaarka ah daliil ma noqon karo.
Qaarka kale oo yiri maalinta shakiga ku jira in la soomo waa
xaraam waxay soo daliishadeen axaadiista nebiga (salallahu
calayhi wasallaam) ee aan hoos ku sheegi doono. Waxaase
saxsan inaaan la soomeyn maalintaa shakiga ku jira.
Haddii hal meel laga arko bisha, ma waxaa ku
waajib ah dadka oo dhan inay soomaan? Arrintan
iyaduna waxaa loogu kala baxay labo qeybood: Qaar yiri haa
waa in dadka dunida oo dhammi soomaan haddii meel ka mid ah
dunida laga arko bisha ramadaanka. Waxay u soo
daliishadeen xadiiska hoos ku xusan iyo inay taasi ku jirto
MIDNIMADA UMMADA MUSLIMKA iyo KA FOGAASHAHA KHILAAFAADKA.
Laakin qaar kale ayaa yiri: kuma waajibo soonka
kuwa bisha arka mooyee. Saddex daliil ayay heystaan oo kala
ah labada xadiis aan hoos ku sheegi doono iyo in waqtiga caalamku
kala duwan yahay qaar baa qorrax dhac u tahay meesha ay qaarka
kale qorrax soo bax u tahay. Maadaama waqtiyada bilaabid iyo
affurid maalmeedku kala duwan yihiin sidoo kale ayaa waqtiyada
bilaabid iyo dhammaadka bisha soonka kala duwanaan karaan.
Waxay daliishu muujineysaa in qolo walba ay bilaabeyso soonka
goorta ay goobteeda bisha ka aragto.
YUU KU WAAJIBAA SOONKA?
Soonka wuxuu ku waajibaa qof walba oo muslim ah, waajib saaran
(mukallaf ah), oo awooda inuu soomo. Waajib saaran ama mukallaf
waxaa loola jeedaa qof walba oo qaan gaar ah, oo miyirna leh
(madaxa looga jirin). Awoodna u leh waxaa loola jeedaa: Aan
musaafur aheyn, aan xanuunsaneyn (caafimaad qaba), Haddii
dumarka caadada iyo dhiiga dhalmada ka joogsado oo ay daahir
noqadaan maalin soon yahay gudahiisa, way soo qaleeynayaan
maalintaa, laakin kuma waajibo inay somaan maalintaa.
YUUSAN KU WAAJIBIN SOONKA?
Ibnu Cabbaas (rc) ayaa wuxuu raaciyay in kuwa aad u gaboobay
oo da’du ku dheeraatay haddii ay awood u laheyn inay
soomaan ay maalin walba oo ramadaanka ay affursan yihiin quudinayaan
miskiin. Sidoo kale qofka qaba cudur aan laga bogsoon oo u
diidaya inuu soomo wuxuu quudinaya miskiin maalin walba uu
affuro.
Qofta uurka leh ama midda canug nuujineyso ayaa u banaan inay
affuraan maalin soon ah, iyagoon xanuunsaneyn oo caafimaad
qaba, maxaa yeelay waxaa qofta uurka leh ku dhib ah inay soonto
gaar ahaan bilaha dambe ee uurka. Sidoo kale ayaa qofta naaska
nuujineyso loogu fasaxay inay affurto. Iyadoo loo fiirinaayo
in waxyeelo ka soo gaaraan koritaanka dhalaanka caloosha ku
jira, hooyada oo caanaha ka guro, iyo iyadoo loogu naxriisanaayo
hooyada iyo dhalaanka. Waxaa
ku waajib ah inay soo qaleeyaan maalin walba ay affureen,
wax miskiin quudin ah kuma waajibo.
DALIILADA AMA CADDEYNTA QURAANKA IYO SUNNADA:
1- Inay waajib tahay in la arko bisha:
Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Haddii
aad aragtaan (bisha) sooma. Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi
wasallim) uu ku yiri: Ha ka hormarinina bisha ramadaanka soonka
maalin ama labo maalmood, in qof uu soomaayey soon taxane
u ahaa ha iska soomo.
2- Maalinta shakiga ku jira inaan la soomeyn:
Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Ha
ka hormarinina bisha ramadaanka soonka maalin ama labo maalmood,
in qof uu soomaayey soon taxane u ahaa ha iska soomo. Xadiiska
Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Xisaabta bishu
waa labaatan iyo sagaal habeen, ha soomina ilaa aad ka aragtaan
bisha inay dhalatay, haddii ay idinka qarsoonto waxaad dhammeystirtaan
tirsiimada bisha shacbaan soddon, waxay yiraahdeen: “waxaad
dhammeystirtaan tirsiimada bisha shacbaan soddon”
waa amarka nebiga (salallahu calayhi wasallam). Xadiiska Nebiga
(salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: “Waxaa
halaagsamay kuwa xadgudba” in la soomo
maalinta shakiga ku jirana waa ku xadgudub cibaadada.
3- Haddii meel ka mid ah dunida laga arko
bisha dadka oo dhan ma soon baa ku waajib ah?: Xadiiska Nebiga
(salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Ku sooma aragtida
bisha, ku affura aragtida bisha.
4- Qolo waliba waxay soomeysaa markay bisha
ka aragto goobteeda:
ee ruuxii jooga (nagi) ha soomo (AlBaqara 185).
Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: Ku
sooma aragtida bisha, ku affura aragtida bisha.
cuna oo caba intuu ka muuqda liilanka cadi (waagu)
kan madow aroortii dhammeeyana soonka tan iyo habeenkii"
(AlBaqara 187). Aayaddu waxay tusineysaa kala
duwanaashaha goobaha dunida iyo waqtiyada.
5- In kuwa aan awoodin aysan soomeyn:
Kuwa uu dhibina waxay bixin "quudin"
miskiin. (AlBaqara 185). Ruuxiise buka ama safar ah waxaa
saaran maalmo kale (AlBaqara 185)
6) In haweenka uurka leh ama naaska nuujinaya
aysan soomeyn:
Xadiiska Nebiga (salallahu calayhi wasallim) uu ku yiri: “
Allah waa ka ruqseeyey soon midda uurka leh iyo midda naaska
nuujineyso. Ibnu Cabbaas (rc) oo ku fasiray xadiiska: “
Midda naaska nuujineyso iyo midda uurka leh haddii ay u cabsadaan
dhalaankooda way affurayaan waxayna quudinayaan miskiin.
Wabillaahi-towfiiq wasalallaahuma calaa nabiyinaa Muxammad
waaalihi wasallam.
Waxaa Qorey walaalkeen Idriis
Axmed Cusmaan
|