|

BISMILLAAHI-RRAXMAANI-RRAXIIM
ANAGAA SOO DEJINAY QURAANKA HABEENKA LEYLATULQADARKA AH (SHARAFTA
LEH). MA TAQAANAA LEYLATUL QADARKA. WAA HABEEN KA KHEYR BADAN
KUN BILOOD (OO KALE). WAXAANA SOO DAGAA MALAA'IGTA (KALE)
IYO MALAKU JIBRIIL HABEENKAAS IDANKA EEBE DARTIIS IYO AMARKIISA.
WAANA HABEEN NABADGELYO INTA WAAGA KA BARYO. SuuratAlQadr
97:1-5
Abuu Hureyra (rc) waxaa laga weriyey in
Rasuulka (salallahu caleyhi wasallam) uu yiri: " Ruuxii
istaagaa (salaad) rumeyn iyo ajar doonid darteed waa loo dhaafaa
wixii hormaray oo dembigiisa ah" Bukhaari iyo Muslim.
Maalin ayaa Nebiga (salallahu calayhi wasallam) wuxuu xusay
afar nin oo reer banii israa'iil ahaa oo Rabbi caabudayey
sideetan sanno iyagoon marna caasinin. Wuxuu xusay Ayuub,
Zakariya, Xizqiil iyo Yuushac bin Nuun. Asxaabtii ayaa ka
yaabay nimankaa camalkooda. Jibriil ayaa u yimi rasuulka (salallahu
calayhi wasallam) oo ku yiri: Muxamadow (salallahu calayhi
wasallam) ummadaadu waxay ka yaabtay cibaadada nimankaa sideetanka
sanno oo aan marna caasin rabigooda ee Rabbigaa wuxuu soo
dejiyey wax ka kheyr badan: INNAA ANZALNAAHU FII LEYLATIL
QADR. WAMAA ADRAAKA MAA LEYLATUL QADR. LEYLATUL QADRI KHEYRUN
MIN ALFI SHAHR. TANAZZALUL MALAA'KATU WARRUUXU FIIHAA BI'ITHNI
RABBIHIM MIN KULLI AMRIN SALAAMUN HIYA XATAA MADHLACIL FAJR.
Ayaa ka kheyr badan waxaad adiga iyo ummadaaduba ka yaabtay.
Abuu Hureyra (rc) wuxuu yiri: Rasuulka (salallahu calayhi
wasallam) iyo asxaabtuba aad bay ugu farxeen.
Camalka la sameeyo habeenkaa wuxuu ka kheyr badan yahay in
la camal falo kun bilood oo aan leylatul qadr ku jirin. Haddii
la xisaabo kun bilood waa siddeetan iyo saddex sanno iyo saddex
biloood. Maxaa ka kheyr badan in lagu waafajiyo habeen u dhigma
qiyaasta cumriga bani'aadam oo dhan. Sow cumrigeenu qiyaas
ahaan uma dhexeeyo todobaatan iyo siddeetan sanno, waa qofka
Allaah gaarsiyee?.
Abuu Hureyra (rc) ayaa wuxuu yiri: Markuu Ramadaanku yimi
ayaa Rasuulka (salallahu calayhi wasallam) wuxuu nagu yiri:
Waxaa idin yimi bisha Ramadaan, bil barakeysan, Allah ayaa
idinku waajibiyey inaad soontaan, waxaa bishan gudaheeda la
furaa albaabada jannada, waxaa bishan gudaheeda la xiraa albaabada
naarta, waxaa bishan gudaheeda la xirxiraa shayaadhiinta,
waxaa bishan gudaheeda ku jira habeenka leylatul qadr, qofka
laga xarimo kheerkeeda, wax aad u weyn oo kheyr badan ayaa
laga xarimay. Habeenka leylatul qadr waxa la sheegay in malaa'igtu
ay si badan u soo degeyso, ay la soo degeyso kheer iyo barakooyin
badan. Habeenkaa waa mid nabad badan oo sheydhaanka uusan
awoodin inuu xumaan sameeyo ama wax dhibo. Waxaa la sheegaa
in malaa'igtu ay salaameyso kuwa ku dukanaaya masaajidada
ilaa uu fajarka ka dilaaco. Abuu Hureyra (rc) waxaa laga soo
weriyey inuu yiri: Rasuulka Allah (salallahu calayhi wasallaam)
ayaa ka sheegay leylatul qadr inay tahay habeenka labaatan
iyo todobaad ama labaatan iyo sagaalaad; in tirada malaa'igta
ay habeenkaasi ka badan tahay tirada dhagxaanta yaryar ee
dhulka.
Cubaada Ibnu Saamit (rc) ayaa ka soo weriyey Rasuulka Allah
(salallahu calayhi wasallaam) inuu yiri: Leylatul qadr waxay
ku jirtaa tobanka dambe, qofka u istaaga habeenkaas asigoo
ajar doon ah, Rabbi waa u cafiyaa dembigiisa waxa u hormaray
iyo waxa dambe, waa habeen ka mid ah habeenada (witriga) keliga
(aan lamaane aheyn) sida (labataan iyo) sagaalka, (labaatan
iyo) todobada, (labaatan iyo)shanta, (labaatan iyo) saddexda,
iyo habeenka ugu dambeeya. Rasuulka Allah (salallahu caleyhi
wasallam) ayaa yiri: astaanta lagu kaso waa in habeenkeedu
yahay mid saafi ah oo ifaya, la moodo bisha inay taagan tahay,
habeen aad u deggan oo xasiloonidu badan tahay, aan qabow
iyo kuleyl midna laheyn, habeenkaa ma jiraan xiddig lagu tuuro
sheydhaan ilaa uu fajarka ka dhasho, waxaa astaanteeda ka
mid ah in qorraxdu ay subaxdeedu soo baxeyso iyadoo siman,
aan wax ileys (shucaac) ah laheyn, oo u eg bisha sida habeenka
bishu buuxdo, sheydhanka suurto gal uma ahan in subaxdaa la
soo baxo qorraxda. Ibnu Cabaas ayaa ka soo weriyey Rasuulka
Allah (salallahu caleyhi wasallam) inuu yiri: Habeenka leylatul
qadr waa mid deggan, xasiloon, sahlan, kuleyl iyo qabow midna
jirin, subaxdeeduna ay qorraxdu soo baxeyso iyadoo daciif
ah oo gaduudan (casaan ah).
Culimada ayaa qaar waxay yiraahdeen leylatul qadr way jirtay
ka hor ummada Nebi Muxammad (salallahu caleyhi wasallam);
qaarna waxay yiraahdeen sidaa mahee waa mid loo gaar yeelay
ummadan Nebi Muxammad (salallahu calayhi wasallam) keliya.
Imaam Maalik ayaa sheegay inuu soo gaaray xadiiska in Rasuulka
(salallahu calyhi wasallam) la tusay cumriga (ay gaari jireen)
ummadahii hore, ka dib ayaa la yaraatay cumriga ummadiisa,
inaysan gaarin acmaasha ummadaha kale (maadaama uu cumrigoodu
yar yahay marka loo eego ummadaha kale sidaa darteed ay ku
gaarreyn camal fal iyo ajar), waxaa kolkaa la siiyey leylatul
qadr oo ka kheyr badan kun bilood.
Mucaawiya, Ibnu Cumar, Ibnu Cabaas, iyo qaar kale, (rc) ayaa
ka soo weriyey Rasuulka Allah (salallahu calayhi wasallam)
in leylatul qadr tahay habeenka labaatan iyo todobaad ee Ramadaanka.
Waxaa la sheegay in qof ka mid ah salafta suuban uu ku dadaalay
inuu leylatul qadarka ka dhexc raadiyo Qur'aanka, wuxuu helay
in kalimada HIYA ee eku jirta suurada AlQadr (Inaa Anzalnaa)
ay ku aadan tahay labaatan iyo todoba. Kalimada HIYA waxay
timaameysaa habeenka leylatul qadr. (Haddii aad tiriso kalimaadka
suurada, waa tan kor ku qoran oo aan kaliaamdkeeda ilaa HIYA
aan hoos ka xariijiyey, kalimada HIYA oo ah habeenkaas, waxay
ku abaaran tahay tirsiimada labaatan iyo todobaad. Allah ayaa
ogaansho badan.
Ibnu Cabaas (rc) wuxuu sheegay in Cumar Ibnul Khattaab (rc)
uu maalin asxaabta weydiiyey habeenka leylatul qadr?. Waxay
isku raaceen inay ku jirto tobanka dambe.
Ibnu Cabaas (rc) wuxuu yiri: waxaan ku iri Cumar (rc): Anigaa
aqaan, ama anigaa maleynaya, habeenka ay tahay?. Cumar (rc)
ayaa yiri: Waa habeenkee? Waxaan ku iri: Waa Ramadaanka tobankiisa
dambe oo todoba ka hartay ama todoba tagtay (micnaheedu waa
labaatan iyo todobada ama labaatan iyo saddexda), Cumar (rc)
ayaa igu yiri: sidee ku ogaatay? Ibnu Cabaas (rc) wuxuu yiri:
Allah wuxuu abuuray todoba samaawaad iyo todoba dhul, todoba
maalmood oo bisha oo dhan ku noqnoqoto, Allah wuxuu ka abuuray
bani'aadamka todoba, Bani’aadamka wuxuu wax ka cunaa
todoba, wuxuuna ka sujuudaa todoba, dhawaafka beytka waa todoba,
dhagax tuurka xajka waa todoba, iyo waxyaabo kale oo Ibnu
Cabaas (rc) sheegay. Cumar (rc) ayaa yiri: waxaad fahamtay
wax aanan famin. Waxaa kaloo la sheegay inay tahay habeenka
labaatan iyo sagaalaad.
Cubada Ibnu Saamit (rc) ayaa yiri: Rasuulka Allah (salallahu
calayhi wasallaam) ayaa soo baxay inuu noo sheego habeenka
leylatulqadarka, laba nin oo muslimiinta ayaa murmay, wuxuu
yiri Rasuulka (salallahu calayhi wasallam) waxaan u soo baxay
inaan idin sheego habeenka leylatul qadarka, waxaa murmay
hebel iyo hebel, ka dibna cilmigeeda waa la kor yeelay, waxaana
suurto gal ah inay idin kheer badan tahay (in ogaanshaheeda
la kor yeelay), ee ka raadsada habeenada (labataan iyo) sagaalaad,
todobaad, iyo shanaad. Nebiga (salallahu caleyhi wasallam)
waa la iloowsiiyey habeenka, asigoo xusuusnaa oo u soo baxay
inuu u sheego asxaabta, waxaa kaloo halkan ku cad in muranka,
khilaafaadka, waxa loo yaqaan fadhi ka dirirka ay khasaare
mooyee kheer keeneyn. Caai'sha (rc) waxay tiri: Rasuulka Allah
(salallahu caleyhi wasallam) markuu Ramadaanku ka haro tobanka
dambe, wuxuu ahaa mid uu duuban jiray (ciibaadada) kana fogaan
jiray xaasaskiisa.
MAXAA WANAAGSAN IN LA SAMEEYO TOBANKA DAMBE IYO HABEENKA
LEYLATUL QADARKA?.
Imaam Maalik wuxuu yiri: waxaa wanaagsan in tobanka dambe
oo dhan ducada la badiyo si isla siman. Ducada way wanaagsan
tahay waqti walba, bisha Ramadaanka aad ayay muhiim u tahay,
tobanka dambe ayaa ka sii muhiimsan, habeenada keliga (aan
lamaanaha aheyn) ayaa aad iyo aad u muhiimsan. Waxaa wanaagsan
in labadiyo ducadan:
ALLAHUMMA INNAKA CAFAUWUN TIXUBUL CAFWA FACFU CANNII.
Maxaa yeelay Caa'isha (rc) ayaa waxay ku tiri Rasuulka Allah
(salallahu calayhi wasallam) Rasuulka Allow, haddii aan haleelo,
(aan arko) leylatul qadarka maxaan ku duceystaa?. Wuxuu ku
yiri waxaad dhahdaa:
ALLAHUMMA INNAKA CAFAUWUN TIXUBUL CAFWA FACFU CANNII.
WAXAAN ALLAH KA BARYEYNAA INUU INA WAAFAJIYO HABEENKAA KHEERKA
BADAN, INAGA YEELO KUWII LOO DEMBI DHAAFA, INAGA AQBALO ACMAASHEENA
OO DHAN, WADDANKEENA IYO DHAMMAAN BILAADUL MUSLIMIIN NABAD
IYO NAXRIIS KU SOO DEJIYO. AAMIIN.
Wasalallahuma Calaa Nabiyinaa Muxammadin Wacaalaa Aalihi Wasaxbihi
Wasallam
IDRIS AXMED CUSMAAN
idahos@hotmail.com
| |