Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

BISMILLAAHI-RRAXMAANI-RRAXIIM
ANAGAA SOO DEJINAY QURAANKA HABEENKA LEYLATULQADARKA AH (SHARAFTA LEH). MA TAQAANAA LEYLATUL QADARKA. WAA HABEEN KA KHEYR BADAN KUN BILOOD (OO KALE). WAXAANA SOO DAGAA MALAA'IGTA (KALE) IYO MALAKU JIBRIIL HABEENKAAS IDANKA EEBE DARTIIS IYO AMARKIISA. WAANA HABEEN NABADGELYO INTA WAAGA KA BARYO. SuuratAlQadr 97:1-5

Abuu Hureyra (rc) waxaa laga weriyey in Rasuulka (salallahu caleyhi wasallam) uu yiri: " Ruuxii istaagaa (salaad) rumeyn iyo ajar doonid darteed waa loo dhaafaa wixii hormaray oo dembigiisa ah" Bukhaari iyo Muslim.

Maalin ayaa Nebiga (salallahu calayhi wasallam) wuxuu xusay afar nin oo reer banii israa'iil ahaa oo Rabbi caabudayey sideetan sanno iyagoon marna caasinin. Wuxuu xusay Ayuub, Zakariya, Xizqiil iyo Yuushac bin Nuun. Asxaabtii ayaa ka yaabay nimankaa camalkooda. Jibriil ayaa u yimi rasuulka (salallahu calayhi wasallam) oo ku yiri: Muxamadow (salallahu calayhi wasallam) ummadaadu waxay ka yaabtay cibaadada nimankaa sideetanka sanno oo aan marna caasin rabigooda ee Rabbigaa wuxuu soo dejiyey wax ka kheyr badan: INNAA ANZALNAAHU FII LEYLATIL QADR. WAMAA ADRAAKA MAA LEYLATUL QADR. LEYLATUL QADRI KHEYRUN MIN ALFI SHAHR. TANAZZALUL MALAA'KATU WARRUUXU FIIHAA BI'ITHNI RABBIHIM MIN KULLI AMRIN SALAAMUN HIYA XATAA MADHLACIL FAJR. Ayaa ka kheyr badan waxaad adiga iyo ummadaaduba ka yaabtay. Abuu Hureyra (rc) wuxuu yiri: Rasuulka (salallahu calayhi wasallam) iyo asxaabtuba aad bay ugu farxeen.
Camalka la sameeyo habeenkaa wuxuu ka kheyr badan yahay in la camal falo kun bilood oo aan leylatul qadr ku jirin. Haddii la xisaabo kun bilood waa siddeetan iyo saddex sanno iyo saddex biloood. Maxaa ka kheyr badan in lagu waafajiyo habeen u dhigma qiyaasta cumriga bani'aadam oo dhan. Sow cumrigeenu qiyaas ahaan uma dhexeeyo todobaatan iyo siddeetan sanno, waa qofka Allaah gaarsiyee?.

Abuu Hureyra (rc) ayaa wuxuu yiri: Markuu Ramadaanku yimi ayaa Rasuulka (salallahu calayhi wasallam) wuxuu nagu yiri: Waxaa idin yimi bisha Ramadaan, bil barakeysan, Allah ayaa idinku waajibiyey inaad soontaan, waxaa bishan gudaheeda la furaa albaabada jannada, waxaa bishan gudaheeda la xiraa albaabada naarta, waxaa bishan gudaheeda la xirxiraa shayaadhiinta, waxaa bishan gudaheeda ku jira habeenka leylatul qadr, qofka laga xarimo kheerkeeda, wax aad u weyn oo kheyr badan ayaa laga xarimay. Habeenka leylatul qadr waxa la sheegay in malaa'igtu ay si badan u soo degeyso, ay la soo degeyso kheer iyo barakooyin badan. Habeenkaa waa mid nabad badan oo sheydhaanka uusan awoodin inuu xumaan sameeyo ama wax dhibo. Waxaa la sheegaa in malaa'igtu ay salaameyso kuwa ku dukanaaya masaajidada ilaa uu fajarka ka dilaaco. Abuu Hureyra (rc) waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Rasuulka Allah (salallahu calayhi wasallaam) ayaa ka sheegay leylatul qadr inay tahay habeenka labaatan iyo todobaad ama labaatan iyo sagaalaad; in tirada malaa'igta ay habeenkaasi ka badan tahay tirada dhagxaanta yaryar ee dhulka.

Cubaada Ibnu Saamit (rc) ayaa ka soo weriyey Rasuulka Allah (salallahu calayhi wasallaam) inuu yiri: Leylatul qadr waxay ku jirtaa tobanka dambe, qofka u istaaga habeenkaas asigoo ajar doon ah, Rabbi waa u cafiyaa dembigiisa waxa u hormaray iyo waxa dambe, waa habeen ka mid ah habeenada (witriga) keliga (aan lamaane aheyn) sida (labataan iyo) sagaalka, (labaatan iyo) todobada, (labaatan iyo)shanta, (labaatan iyo) saddexda, iyo habeenka ugu dambeeya. Rasuulka Allah (salallahu caleyhi wasallam) ayaa yiri: astaanta lagu kaso waa in habeenkeedu yahay mid saafi ah oo ifaya, la moodo bisha inay taagan tahay, habeen aad u deggan oo xasiloonidu badan tahay, aan qabow iyo kuleyl midna laheyn, habeenkaa ma jiraan xiddig lagu tuuro sheydhaan ilaa uu fajarka ka dhasho, waxaa astaanteeda ka mid ah in qorraxdu ay subaxdeedu soo baxeyso iyadoo siman, aan wax ileys (shucaac) ah laheyn, oo u eg bisha sida habeenka bishu buuxdo, sheydhanka suurto gal uma ahan in subaxdaa la soo baxo qorraxda. Ibnu Cabaas ayaa ka soo weriyey Rasuulka Allah (salallahu caleyhi wasallam) inuu yiri: Habeenka leylatul qadr waa mid deggan, xasiloon, sahlan, kuleyl iyo qabow midna jirin, subaxdeeduna ay qorraxdu soo baxeyso iyadoo daciif ah oo gaduudan (casaan ah).
Culimada ayaa qaar waxay yiraahdeen leylatul qadr way jirtay ka hor ummada Nebi Muxammad (salallahu caleyhi wasallam); qaarna waxay yiraahdeen sidaa mahee waa mid loo gaar yeelay ummadan Nebi Muxammad (salallahu calayhi wasallam) keliya.
Imaam Maalik ayaa sheegay inuu soo gaaray xadiiska in Rasuulka (salallahu calyhi wasallam) la tusay cumriga (ay gaari jireen) ummadahii hore, ka dib ayaa la yaraatay cumriga ummadiisa, inaysan gaarin acmaasha ummadaha kale (maadaama uu cumrigoodu yar yahay marka loo eego ummadaha kale sidaa darteed ay ku gaarreyn camal fal iyo ajar), waxaa kolkaa la siiyey leylatul qadr oo ka kheyr badan kun bilood.
Mucaawiya, Ibnu Cumar, Ibnu Cabaas, iyo qaar kale, (rc) ayaa ka soo weriyey Rasuulka Allah (salallahu calayhi wasallam) in leylatul qadr tahay habeenka labaatan iyo todobaad ee Ramadaanka. Waxaa la sheegay in qof ka mid ah salafta suuban uu ku dadaalay inuu leylatul qadarka ka dhexc raadiyo Qur'aanka, wuxuu helay in kalimada HIYA ee eku jirta suurada AlQadr (Inaa Anzalnaa) ay ku aadan tahay labaatan iyo todoba. Kalimada HIYA waxay timaameysaa habeenka leylatul qadr. (Haddii aad tiriso kalimaadka suurada, waa tan kor ku qoran oo aan kaliaamdkeeda ilaa HIYA aan hoos ka xariijiyey, kalimada HIYA oo ah habeenkaas, waxay ku abaaran tahay tirsiimada labaatan iyo todobaad. Allah ayaa ogaansho badan.

Ibnu Cabaas (rc) wuxuu sheegay in Cumar Ibnul Khattaab (rc) uu maalin asxaabta weydiiyey habeenka leylatul qadr?. Waxay isku raaceen inay ku jirto tobanka dambe.
Ibnu Cabaas (rc) wuxuu yiri: waxaan ku iri Cumar (rc): Anigaa aqaan, ama anigaa maleynaya, habeenka ay tahay?. Cumar (rc) ayaa yiri: Waa habeenkee? Waxaan ku iri: Waa Ramadaanka tobankiisa dambe oo todoba ka hartay ama todoba tagtay (micnaheedu waa labaatan iyo todobada ama labaatan iyo saddexda), Cumar (rc) ayaa igu yiri: sidee ku ogaatay? Ibnu Cabaas (rc) wuxuu yiri: Allah wuxuu abuuray todoba samaawaad iyo todoba dhul, todoba maalmood oo bisha oo dhan ku noqnoqoto, Allah wuxuu ka abuuray bani'aadamka todoba, Bani’aadamka wuxuu wax ka cunaa todoba, wuxuuna ka sujuudaa todoba, dhawaafka beytka waa todoba, dhagax tuurka xajka waa todoba, iyo waxyaabo kale oo Ibnu Cabaas (rc) sheegay. Cumar (rc) ayaa yiri: waxaad fahamtay wax aanan famin. Waxaa kaloo la sheegay inay tahay habeenka labaatan iyo sagaalaad.


Cubada Ibnu Saamit (rc) ayaa yiri: Rasuulka Allah (salallahu calayhi wasallaam) ayaa soo baxay inuu noo sheego habeenka leylatulqadarka, laba nin oo muslimiinta ayaa murmay, wuxuu yiri Rasuulka (salallahu calayhi wasallam) waxaan u soo baxay inaan idin sheego habeenka leylatul qadarka, waxaa murmay hebel iyo hebel, ka dibna cilmigeeda waa la kor yeelay, waxaana suurto gal ah inay idin kheer badan tahay (in ogaanshaheeda la kor yeelay), ee ka raadsada habeenada (labataan iyo) sagaalaad, todobaad, iyo shanaad. Nebiga (salallahu caleyhi wasallam) waa la iloowsiiyey habeenka, asigoo xusuusnaa oo u soo baxay inuu u sheego asxaabta, waxaa kaloo halkan ku cad in muranka, khilaafaadka, waxa loo yaqaan fadhi ka dirirka ay khasaare mooyee kheer keeneyn. Caai'sha (rc) waxay tiri: Rasuulka Allah (salallahu caleyhi wasallam) markuu Ramadaanku ka haro tobanka dambe, wuxuu ahaa mid uu duuban jiray (ciibaadada) kana fogaan jiray xaasaskiisa.

MAXAA WANAAGSAN IN LA SAMEEYO TOBANKA DAMBE IYO HABEENKA LEYLATUL QADARKA?.
Imaam Maalik wuxuu yiri: waxaa wanaagsan in tobanka dambe oo dhan ducada la badiyo si isla siman. Ducada way wanaagsan tahay waqti walba, bisha Ramadaanka aad ayay muhiim u tahay, tobanka dambe ayaa ka sii muhiimsan, habeenada keliga (aan lamaanaha aheyn) ayaa aad iyo aad u muhiimsan. Waxaa wanaagsan in labadiyo ducadan:
ALLAHUMMA INNAKA CAFAUWUN TIXUBUL CAFWA FACFU CANNII.

Maxaa yeelay Caa'isha (rc) ayaa waxay ku tiri Rasuulka Allah (salallahu calayhi wasallam) Rasuulka Allow, haddii aan haleelo, (aan arko) leylatul qadarka maxaan ku duceystaa?. Wuxuu ku yiri waxaad dhahdaa:

ALLAHUMMA INNAKA CAFAUWUN TIXUBUL CAFWA FACFU CANNII.
WAXAAN ALLAH KA BARYEYNAA INUU INA WAAFAJIYO HABEENKAA KHEERKA BADAN, INAGA YEELO KUWII LOO DEMBI DHAAFA, INAGA AQBALO ACMAASHEENA OO DHAN, WADDANKEENA IYO DHAMMAAN BILAADUL MUSLIMIIN NABAD IYO NAXRIIS KU SOO DEJIYO. AAMIIN.
Wasalallahuma Calaa Nabiyinaa Muxammadin Wacaalaa Aalihi Wasaxbihi Wasallam

IDRIS AXMED CUSMAAN
idahos@hotmail.com

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved