Arar
iyo Ablableyn:
Qoroolkan
oo tixraac afcelin u ah Maqaal kusoo baxey Warsidaha Biriqda
Internetka lagu soo daabaco ee Idamaale loo yaqaano , ayaan
doonayaa inaan idiinku bayaansho hadalka kasoo Yeerey Qoraaga
Maqaalkasi qorey ee Magaciisu ahaa Mr Durmade oo uu cinwaan
uga dhigey Warsangeli Hillaac Laasqorey iyo Howdka Galbeed
la iskuma Helo .Waxan leeyahey : WIILYOHOW
HADAL GAR AH AYEY GOBI LA YEERTAAYE , MAXAAD IGU GELEYSAA
HADAAD MICNAHA DOWLADNIMO MAALIN GARAN WEYDEY ...,
Waxaan doonayaa inaan Xasuusiyo Taariikhda Baalka Madow ee
Mugdiga ah ku qoran ee ay Leeyihiin Walaalaheyga Xukun Jacaylka
iyo Hillaaca Dowladnimo hor marey ee har iyo habeen Ceel hungo
ah hor tuban ,iyagoo Harti u sheegeya iney Ceelalyo iyo Sahan
u Yihiin , Hoosna ka maleegaya Munaafaqadda soo ifbaxdey ee
aanan waqtigan dooneyn inaan ku balballaariyo Maqaalkeygan
.
Intaa Hadaan
Uga gudbo Ararta Huwan Milgaha Hadalka aan la Higleynayo ee
aan rabo inaan ku yara Eego Taariikhaha , Xaqiiqoyinka iyo
Dhacdooyinka dhabta ah ee aan ka Hayo Beesha Majeerteen ee
daneystayaasheeda Majaraha u hayaa gacmohooda ku kasbadeen
,una soo hooyeen Umadooda ay Caynaanka u qabteen Taariikh
huwan Ceeb, Calaacal , Hoog iyo Halaag.
Waxa Hore
loo Yiri :NIMAAN AQOON WIXII TEGEY WAXA
SOO SOCDANA MA GARTO ( Man laa Yacrif Maadiihi Laa
yacrif Mustaqbalah) , marka aan ku weydiiyee Wiilyohow ma
taqaanaa taariikhdadii hore , tan mustaqbalka kugu soo fool
lehna ma Odorosi kartaa , hadaba aan milicsano taariikhda
Mugdiga ah iyo Marooqsiga maan gaabnimada ku dhisan ee aad
hor iyo gadaalba u leedihiin ee bal hoos u fiiri Dulucda hadalkan
Soo socda :
Taariikhda
ma guurtada ahi maxey kaa qortey :
Majeerteen
Waxan ku Niqiiney Niman uu buuxiyey Naceybka Umadda Somaliyeed
iyo iney aysan marnaba ku hamin jirin in Dadka Somaliyeed
Aayohooda ka tashadaan iyagoo xeerinaya Walaaltinimo iyo Wax
wada qabsi , mar walbana waxey u Horseedi jireen Umada qax
iyo qalaalase , laga soo bilaabo xiliyadii ay Majeerteen wadeen
isballaarinta iyo meelmarinta fikirka majeerteenismka ku dhisnaa
ee aan lahayn micnaha siyaasadeed iyo Maamultoona , kaasoo
ay asal iyo Mabda' a u aheyd , Marooqsi , Boqornimo Doon,
Gumeysi u Adeeg, Madaxnimo Jaceyl, Cadow kalkaa, Arimahasi
aan xusey ee marag madoontada ah waxa kow ka ahaa ka hor imaanshihii
Halgankii Gobonimo U dirirka ee Daraawiishta ee ay kala hortageen
Dabadhilifleynta ,
Majeerteen
Miyeey Ilaaween Sooyalkii Taariikheed ee dhigayey in ay Ahaayeen
kuwii Umada Somaliyeed Dhibka maanta haysta ku keeney Gacmohooda
kuna soo falkiyey farahooda , fikir xumada kasoo maaxatey
Maskaxdooda miyaanu sabab u aheyn markii Gobanimada loo soo
hooyey Umadda Somaliyeed ee ay Halyeeyadu u dhinteen iney
Dhabqiyaan oo sheegtaan taariikhda maguurtada ah iyo guulaha
rag kale soo Hooyeeen , Mr Duryame wuxuu iska indho tirey
raga ay ahaayeen 13 nin ee SYL ee u badnaa dad aan ab iyo
isirtoona la laheyn Reerka Majeerteen ee Jecel iney sheegtaan
taariikhaha dadka kale , Ma ilaawey Qoraagu in Somaliya oo
si demoqraadiyad ah u midowdey Waqooyi iyo Koonfurba ay markii
ay talada qabteen Majeerteen ee sida khiyaamada ku dhisan
iyo is daba marinta ku qabsadeen ee Cabdirashid ay u caleemo
saareen inuu Hogaamiyo Umadda Somaliyeed , miyaaney Noqon
kuwii ishoodu ay qaban weydey iyaga maahane cid kale , kuwii
dhunsadey hantidii Qaranka iyo Umadda , kuwii Horumarka Moodey
iney majara habaabiyaan shacabka Dulqaadka badan ee Somaliyeed
, Durmadoow Hadii aadan iska boodsiineyn Waxyaabihii xiligasi
jirey amase aadan aheyn dhawaan dhalad ama Nin ay ku cusub
tahey Hadal qoristu , Maxaad isaga indho saabeysaa , Miyaaney
Majeerteen Maleegin In Talada uu la wareego Halyeygii Hogaamiyaha
Xalaasha ah aahaa ee Gen. Maxamed Siyaad Barre , markii uu
dalka kusoo celiyey kala danbeyn iyo Xasilooni taam ah iyo
in loo sinaado sharciga hortiisa , si cadaalad ahna wax lagu
qaybsado , isagoo meesha ka gooyey Cad xaaraameedkii ay Soo
dhex geliyeen Majeerteen Ummadda Somaliyeed , ee ahaa sed
bursiga , qabyaalada , kala sareynta , iyo kala qoqobka. Waxan
ku weydiinayaa Wiilyohow Duryame , Miyaadan Ogeyn In Xinkiina
iyo Xasaradiina iyo wax is u ogolaansho Daradiinu ay keentey
inaad Duhur Cad Majeertoonow Qalataan Cabdirashid ? Naceybka
aad necebtihiin cid kale iney wax hogaamiso iyo Talo qaybin
la'aantiinu miyeysan Horseedin in Burbur iyo Bara kac baahsani
ka dhaco dalkeena hooyo ee maanta Burburkiisii uu 16sano Jirsadey
? Miyaaney aheyn majeerteen mise waa rag kale oo soo Hullaabtey
kuwii Shaleyto Hoos Ordayey Kuwii gowracayey Dorraad ee lahaa
Xukunka wax naga siiya aan hilbaha qaybsano,kuwa liita iyo
cadka liita na siiya, anagaa Tolkeen Daarood matalnee Tolow
hawiyow hana qadinina anaga daarood Nagu dhane .......!!!!!!!!!!!,
Ma kaa Hoostey mise waad is hilmaamsiisey Wiilyohow Durmadey
in Majeerteen Hormuudkiisii uu maanta yahey waxbayahey oo
la wada ogaadey , Ma ogtahey In ay meel ay jiraanba Hoostubanyihiin
labada Duq ee aqoonta guumowdey ee Dad leynta iyo dhiig daadinta
ee shuuciyada iyo hantiwadaaga jaahilnimada ku dhisan wata
ee Col. Abdulahi Yeey iyo , Gen Cadde Muuse , Ma ogtahey in
Daarood kale iska daaye Harti idin nacey oo ay kasii jeensadeen
Maamul xumadiina iyo maangaabnimadiina , Ma ogtahey in maaamulka
Majeerteeniya ee Puntland ku dhisanyahey Beelaysi iyo sedbursiga
Majeerteen iyo afar caada qaate oo sacabada u tuma ee aan
Nina metelin nina soo dirsan ee iskooda u shaqeysta ,
Gunaanad
iyo Gebagebo
Duryamoow
waxaad la yeertey hadal wax ma garade , bal car keen Nin aqoonleh
oo maanta wax maamuli kara oo aad haysaan , ma ogtahey in
dartiin uu u nacey Hogaaminta Somaliyeed , Halyeeyga aqoonyahanka
ah ee Somaliyeed ee maanta Daaroodoo dhani Madaxa ku sitaan
, waa Prof , Cali khaliif Galaydhe ..
Ma Illowdey
Baroortii iyo Oohintii aan ka tireyney , Xasan abshir Maalmihii
shirkii Garowe la isugu yimid ee maamulka Laablakaca ah aad
dhiseyseen uu lahaa Tolo'ayeey , walaalayaalow Warsangeli
hanaga tagina , Noo hiiliya oo maamul nala dhisa , Miyaadan
ogeyn inaan ogaa sirtiina oo aan ahay Maakhiri aan la dhagri
karin oo il ka seexda midna kasoo jeeda amaba leh afar indhood
oo labo ay yihin basiirada iyo aqoonta maankeyga ku jirta
oo uu alaah ku manaystey waxgaradkeyga ,, ma kaa Hoostey mise
waad is hilmaansiisey Markii aan dagaalka Sokeeye ee maanta
lagaba heshiiyey kula jirey Walaalaha Reer waqooyiga ee aan
hubka aad u rareyso ka qabanayey Jidka amaba aan badaha kasoo
qab qabaney Laashashka Buuxbuuxa ee Hubka ahaa , ma waxey
idinka aheyd hala gumaado Warsangeli , waa maxey ciirsiga
aad i bidey iyo Hiilka aad iga raadineysey inaan kuu galo
adigoo doonayey inaad afganbido Dowlad Xalaal ku dhisan oo
kala danbeyna umadda Hanatey oo Odayaal Somaliyeed gacanta
ku hayeen ,,, walaal aan kuu bayaanshee taariikhda haka boodin
,waxan u maleynayaa Aqoona kuuma lihiye inaad tahey alifle
aan waxba ogeyn oo aanba tariikhdu u bilowneyn oo meesha qoraalka
usoo qortey aflagaado iyo ku hadal barasho Horaa loo yiri
:"CADUURBA DHOWDHOWDU UMA DHICIN".
Aan kusoo
gunaadadee , warsangeli waxad ku sheegtey kuwo dalka ka maqan
oo aan joogin , wiilyohow miyaadan igu arag Bosaso, jidka
aad garowe iyo galkacyo u sii marto , dhaqaalaha iyo ganacsiga
faraha badan , wershadaha waaweyn ee dowlada majeerteeniya
aysan maalgashan karin hadiiba ay maareysato cashurta ay Dadka
masaakiinta ah ee bara kacey awood sheegashada uga qaadato
, magaalada Bosaso baaxadeeda iyo camirnaanteena ma fiirisey
iyo qaybta aan ka dego inta ay baaxad le egtahey, mise waxad
tahey JIIR HAAN KUWEYNAADEY OO TUULOOYINKA MAJEERTEEN EE WAABABKA
AH EE KU YAALA MEELAHA DURUGSAN BAAD KASOO ORODEY,
Waxaan ku xasuusinayaa in ay kaa qaldantahey habka qoristu
oo aad gefweyn dhex dabaalatey, adigoo aan qoraalka ku saleyn
ina wax aragti fiyow ah oo kasoo baxdey caqli iyo maan caafimaad
qaba oo kala garan kara waxyaabaha jira iyo taariikhda Umaddiisa
, hadii aad wax garad tahey oo aad tahey nin la jecelyahey
oo wax maamuli kara , Halkee u socotaa Dowladii aad garwadeenka
ka aheydeen ee gacan ku rimiska aheyd ee aad iska xejiseen
Somali inteeda kale , maalinba nin Jeebka ma ugu jirtaan ,
shaleyna Maxamed dheere ayuu ahaa maantana ma Xaabsadaha Baydhabaa,
Dadweynaha Somaliyeed Neceeb ayey iidiin qabaan , wax kalena
la idinkuma nicine waa xukun jeceyl ku dhisan jaahilnimo ,
waa qabweyni ku dhisan Maangaabnibo , miyaaney dadku daw u
laheyn iney idin nacaan oo taladooda go aansadaan aayohoodana
ka tashtaan , Muxuu run sheegey Abwaan Hadraawi markuu ku
lahaa maansadiisii Durdur :
Nin
tunkiisa Daawadey Haduu kuu Dardaarweriyo
Libta Looma daayee Ul baa lagu Dillaacshaaye
Nin murtiyeed
hore u yiri , NIN TUKE SAHAN KA DHIGTEY ,BAQTI AY INUU DUL
GEEYUUKA SUGAA, waxad ogaataa hadaba in aan maanta la idin
aamineyn hogaana cidi idiinku dhiibaneyn intaad Somali horkacdeen
Majeerteen miyaad baqti iyo itoobiyaan usoo horkacdeen iyo
amxaaro , waa kuwama dadka idinka yeelaya ee indho la aanta
idin daba ordayaa , hadise odayada wax loo dhiibey ee col
Yeey lagu turaantureeyey meesha qabashadeda inuu kuleylkeeda
faraha uga gubtaa lala doonayayey aniga maankey ilama aheyn
in lalahaa odagu wax ha dhiso oo kala danbeyn hasoo celiyo..
waxan hadalkeygii kusoo gunaanadayaa tuducyo ayaan kasoo qaatey
Maanso Horey loo tiriyey , taasi oo ku tusineysaa waxa hogaan
xumidiinu ku sifowdey iyo halka ay ku danbeyn doonto ,
NIN
SAGAARO HEENSANAYOO HAABAN KARI WAAYEY
IDO GUDAYA WAA U HALIS INUU DHIDAR HALEELAAYE
Allahayow
Noo iftiimi
Maxamed
Qarannimo
qarannimo@dhahar.com