Sanad kaan lajoogo iyo Saxaafada
Somaaliya Waa Sidee ?????.. (Jamal Shuriye)
Waxaan salaamayaa dhamaan akhris tayasha maqaalkaygaan
xasasigaa
waxaan lee yahay walaalayaal gacmo furan ugu soo dhawaada waana
kumahad san
tihiin in aad aqrisataan maqaal kaan aan ka qoray saxafada
Hadii la yiraahdo halaga hadlo heerka ay marayso saxaafada
soomaaliya waa wax aan
lasoo koobi karin oo noocya badan, mana ahan wax lagu soo
koobi karo hal maqaal,
laakin waxaan isku dayayaa in aan wax uun uga if timiyo guud
ahaan dadka ku nool
caalamka dacaladiisa gar ahan soomaalida kala duwan dalka
ha joogeen amaba haka
maqnadeene, waxana ka codsanayaa inay ii dulqaataan dadka
waayo, waxaa laga yaabaa
in dadka qaar ay moodaan inaan u dan leeyahay qolo gaara sida
wargays gaar ah ama
ama idaacad ama website soomaliyeed, laakiin anigoo ah qoraaga
maqaalkan cidna
kaga eexan maayo cidna ugu eexan maayo ee waxan qorayaa oo
kaliya wixii aan arkay
iyo wixii aan maqlay.
Waxaad moodaa marka lasoo hadal qaado saxafada soomaliya
inay herar kala duwan soo
martay, waayo waxaa jirtay wakhti soomalaiya ay lahayd wax
war baahina RADIYOW
MUQDISHO IYO WARGAYSKII xidigta aktobar oo labaduba hoostagi
jiray maamulkii Madax
waynihii hore ee soomaaliya jaale maxamed siyaad bare alah
unaxariistee, maantana
soomaliya waxay leedahay wargeysyo iyo idaacado kala duwan
iyo waliba websiteyo
xeradii ka baxay. Waa alle mahadii in soomliya heerkaas ka
gaarto saxafada oo ay la
tiigsato wadamada horumaray. Anigoo ah qoraaga maqalkaan waxan
howlo shaqo ku tagay
gobololada somaliya qaar ka mida saas oo ay tahay ma arag
gobol aan lahayn idaacad
ama wargays, saas oo ay tahay oo hormarkaa laga gaaray saxafadii,
hadana maanta
waxaa jira rag mas uuliyiin isku sheegaya oo madax ka ah qalab
warbahaineed, ha
ahaato idaacad ama Website inay si aan caadi ahayn ugu xad
gud baan xeerarkii
sxaafada ayagoo og laakiin eeganaya dana gaara sida in dhaqaale
ay kuhelaan iyo
arimo kale.
Xataa waxaan arkay oo aan wareystay nin mas uula oo websayd
uu madax ka yahay ku
taageeraya hogaamiye kooxeed ku sugan magaalada Muqdiho, markaan
weydiiyana sabata
uu iigu jawaabay "wargayska asaguu ku socdaa", mar
labadkiina ii raaciyey "isku
cidna waanahaye ogow". Akhristow adoo mahadsan, maanta
waxaa la helayaa rag saasa
ee ka waran?
Saxaafadii somaaliya maanta waa ay udhamaatay maanta soaamilya
waxaa kajira
boqolaal website Qaar kamida waxey ufuran yihiin in lagu caayo
dad qabiil ama wax
yaalo kale oo lacayimikarin Mar aan joogay soomaaliya gaar
ahaan magalada
Muqdisho waxan la yaabay idaacad buun buuninaysa oo ku soo
cel celinayasa marar
badan dagaal ka dhacay magaalo ka mid ah maamulka puntland,
maalinta uu
dagaalkaas dhacay kadib dagaal kaleeto ayaa ka dhacay magaalada
Muqdisho oo ay ku
dhinteen dad aad iyo aad u farabadan, isla idaacadii waxba
kama soo qaadin
dagaalkaas Muqdisho ka dhacay ee way iska dhaaftay.
Macnaha hadal kayguna waa saxaafadii Soomaliya ha ahaato war
gays ama idaacad ama
website ee way kala baxeen, waxayna lasoo baxen dabeecado
aan horay loo aqoon oo
ay ka mid tahay in nin kasta amaano gobolka uu kasoo jeedo
dhibkii ka dhacana uu
qariyo oo yareeyo dhibka kadhaca, gobol kaleetana uu buun-buuniyo
oo ka dhigo wax
aan caadi ahayn asagoo muujinaya nabada Gobolka uu kasoojeedo
iyo nabadgalyo
la.aanta gobolada kaleeto.
Waxaa kaloo hada soo saa iday in saxaafadu u kala baxdo mucaarad
iyo muxaafid,
qaar taagersan dawlada iyo qaar kasoo horjeda oo mar kasta
caayaya madaxdii dalka
u sareysay waayaab!!! Saxaafada soomaaliya maanta afar bay
u kala baxday:
1. Saxaafada Puntland
2. Saxaafada Muqdisho
3. saxafada Somaliland
4. Saxaafad aan cidna aan kabaqayn oo xoro
banaan ka na lagalee yahay
Hadii mid kasta aan wax yar ka taabto, horta saxafada somaliland
ayadu waa saxaafad
hormar lataaban karo gaartay laakiin xabsi usaaxiiba gacan
tana ugu jirta maamulka
somaaliland warbaahinta Somaliland badana a waa laxir xira
a hadii ay adeeci weydo
maamulka somaliland Way dhacdaa mar mar inay maamulka ka hor
yimaadaan war gays ama
idaacad, lakiin jeelbaa yaqaan oo xabsiga a ladhex dhigaa
wargaysyada somaliland
inta aan akhriyey anigu waaxaa weeye uguna caansan:
1. Wargayska JAMHUURIYA
2. Wargayska HAATUF, iyo
3.Wargayska Maandeeq oo ah wargays alaaba
taageera
maamulka SOMALILAND.
D ar daaran yar oo Somaaliland kusocta
waxaan kula dar daarmi lahaa kana codsanayaa somaliland in
ay saxaafada xoriyad
taama siiso ay na u ogolaato in ay waxii xaqiiqa utabiso dad
ka kunool somaliland
ayadoon kabaqayn cidna
somaaliland ha ogaato in ay saxaafad wax kutahay oo ay saxaafadu
uhorseedi karto
ictiraaf caalamiya hadii ay caburiso waa ay ku qasaaraysaa
dadaalkeeda hor
marineed saas darteed somaliland somaliland xoriyad hasiiso
saxaafada hana ogaato
dalkas ta a wax uu wax ku yahay saxaafada.
Saxafada puntland meelo waxay kaga mid tahay
saxafada somaliland, waayo waa meelo
maamul kajiro oo is kusiba a loo cadaadiyaa saxafada labada
maamul puntland iyo
somaliland saxaafad xora maaha laakin saxaafadu waxay dhah
da a xor baanahay
laakiin waa been aan sal iyo raad toona lahayn waayo xor waxaa
ah wixii waxa ay
rabaan oo xaqiiqa qora ama sheega marka ay dhacaan hadii xoriyadi
jirto xabsi
laguma guren maalin iyo habayn haatan puntland waxay xirtey
oo albaabada iskugu
laabtay war gays lagu tilmaami karo inuuyahay mid dad ka u
adeegaya oo wargays kii
shacab oo xataa xabsiga ladhigay tifaftirahisii (cabdi farey)
hadana waxaa ugu
danbeeyay xarigii loo gaystay tafatirihii wargayska Kaaha
bari oo ahaa diktoor aad
uda wayn saxaafada puntland maanta waa ay badatahay tusaala
ahaan gobolka mudug
iyo gobolka bari magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug
oo aan dhawr bilood
ka hor tagay ayaa waxaa ku yaala kuyaala 3 idaacadood saxdexda
idaacadood oo kala
ah:
1. Radiyow galkacyo
2. Idacada daljir iyo
3. Idacaada codka nabada
sadex da idaacadoodaba maamulka puntland ayaa caburin ku
haya oo xor maaha mar aan joogay sanad kaan gudihiisa magalada
galkacyo waxaan ar kay
idaacad lagu haysto maxaa u siidaysaa warar ka koofur ta somaaliya
maa siidaysid
kuweena taas maaha wax lagula kaco saxaafada? sidoo kale waxaa
ku yaala magaalada
bosaaso 3 dex idaacadood oo kala ah radio midnimo Radio SBC
iyo Radio STN iyo waliba
TV la yiraahdo ETN iyadoo xabsiga dhawr mar la xiray shaqaalaha
iyo maamulyaasha
idaacadaas magaalada boosaso ku yala qaar ka mid ah sida SBC
iyo STN hadii aan usoo
gudbo saxafada koonfurta soomaaliya waa saxaafad xaalada badan
waa saxaafad xorna ah
gumaysina kujirta oo halka saxaafada mamulada xabsi ladhigo
mar kay khalad suubiyaan
ayaga xabad baa lagu la dhaqaa sidii loo gaystay wariye c/dalah
nuuradiin iyo duniyo
muxiyadiin nuur oo iyo keyt peyton oo ahayd gabar saxafiyad
ingiriisa dhamaan qaarna
lagu dilay qaarna lagu dhaaway magaalada muqdisho sanadkaan
ma waxadna mooda inay
kacabsi badan yihiin saxaafada maamulada aan soo sheegayn
ee puntland iyo somaliland.
saxafada koonfurta soomaliya waxay isugu soo aruurtay caasimadii
soomaaliya ee
magaalada muqdisho, muqdisho maanta waxaa kasoo baxa dhawr
iyo labaatan wargays
oo isugu jira maalinle iyo sadex maalinle iyo asbuuclayaal.
Dar daaran kusocda maamulka Puntland
maamulka puntland waxaan kula dar daarmi lahaa kana codsan
lahaa in ay saxaafada
xor kadhigto waayo saxaafadu wa a qaali oo waa wax yaabaha
hor mar ka lagu gaaro
saxaafada hadii xoriyad lasiiyo dad ku wey hor marayaan maamulkana
fikirkiisa ayuu
caalam ka gaarsiinayaa. saas darteed waxaan kula dar daar
mayaa puntland in ay
saxaafada xoriyad siiso oo ay kadayso caburinta iyo shaqaalaha
lagu kala xulaayo
qabiilka.
talo kusocota saxaafada nooc kas too ay tahay
saxaafadu ha ogaato gacmo wada jir bay wax ku goyaan hadii
ay midow dana in ay wax
walba ka awood badan tahay oo ay kasoo hor jeen san karto
maamul iyo dawlad ba
saas darteed waxaan kula tlin lahaa in ay midobaan oo ay is
kadayaan faquuqa ay is
faquu qayaan waayo guul kuma gaarayaan arinkaas.saxaafada
waxaa lagarabaa hadii
saxafi laxiro in ay udadaalaan oo ay udoodaan war kiisa sheegto
oo ay ukuur gasho
waxa lagu haysto lamarabo in ay is kadayso ayadoo fiirinaysa
waxa kala dhexeeya
idacada uu ushaqeeyo
waxaa jira war gaysyo aad ufarabadan oo kasoo kala baxa Gobolo
kalduwan intaas oo
war gays is ku mid maaha is ku fikirna maaha iskumeelna wax
umawadaan mid waa
mucaarad mid waa muxaafid mid ba si buu wax uwadaa suurabuu
wax uqoraa nin buu wax
kasheegaa mid kaluu ceebtiisa qoraa mid kalana waa oo qariyaa.
hadii an eego idaacaha muqdisho maanta waxa ka shaqeeya 10
iyo dhawr idaacadood oo
FM ubadan waxaa kaleeto oo jira saxaafad kamadax banaan maamulada
kajira
soomaaliya oo xora aana hos tagin oo si cadalada wax ugu gar
soora shacab weynha
soomalayeed saxaafadaas oo ah saxaafad amaan mudan oo ah saxaafad
u shaqaynaysa
soomaliya waxaa kamida idacaada b b c ,laan teeda af soomaaliga
oo ay kutaxan
yihiin dad aad ufarabadan iyo waliba dhex dhexaadana idaacadahaas
aan kor kusoo
sheegay tirada badan waa kal fakar duwan yihiin idaacad kastana
waxay kufakartaa
siday lacag ku heli lahayd iyo magac waayar tahay mid kafakaraysa
danta dad
waynaha Dalka.
sidee dardeed akhristayaal saxafada soomaaliya maan ta waa
sas'' maan ta waxaa
jira websityo aad iyo aad ubadan oo micno kaladuwan loo furtay
waxaa jira qar loo
furtay in lagu caayo qolo ama shaqsi ama koox gaar ah lagayabaa
in lay la arkay
anoo aan doonayn inaan carabaado websiteyadyadaas saas oo
ay tahay.
arkhirstow waxaa lagu leeyahay xor baanahay war baahin xora
idaacad xora wargays
xora website xora.
ALAAH WAYNE akhristayaal maqaalkan laguma soo koobi karo
xaaladaha kaladuwan ee ay
kushaqaystaan war baahinta soomaliya oo baro bagoondada u
saaxiiba waxad arkay saa
shaqalaha in lagu kal xulo qabiil iyo yaa reer hebala waxa
lagayabaa hadii
wariyaha idaacada jooga uu soo diyaariyo bar naamij dhex dhexaad
inalaga cayriyo
shaqada waa dhibaato aan la qarinkarin akhris tow maanta saxafada
soomaliya heer
kays bay maraysaaye waa xor maa la dhihi karaa idin kaan idin
waydiinayaaye?
Maraka qaar waxa dhacda ina dad ka laga qariyo war jira cabsi
awgeed ama dan
kaleeto oo lagaleeyahay akhris tayaal runta waan taaban lahaa
oo waan cara baadi
laha laakin waxanudiiday in looqaato inaan wax kala soo cayo
aan xumaan gaara
uhayo kuwa aan maga caabo saas dar teet waxaan door biday
oo ila qur xoonaatay
inaan saan yeelo waayo waxaan si guud utaa banayaa cadawda
saxafada qaar uhayso
dad ka iyo qaar kamida shacabka soomaliyeed maqaalkayga waxanku
soo gaba
gabaynayaa in raga madaxda ka ah idaacadaha iyo wargaysyada
iyo waliba websaydyada
xad ka kabaxay inay is ku xishoodaan ooay ilaaliyaan xeerar
ka saxafada iyo waliba
arimaha muhiimka ee dad waynaha.
waxaan kaloo lee yahay maamulada kajira soomaaliya inay ilaliyaan
saxafada oo ay
xor kadhigaan kolay xoriyad buuxda siin mayaane inay xoogaa
bal utar tiibiyaan
cadadiska faraha badan saxaafadana waxaan lee yahay wac now
oo wanaag sanow oo dad
kaaga wax tar iyo dalkaaga.
Jamaal maxamuud axmed shuuriye
shuurye55@yahoo.com
shuurye55@hotmail.com
kenya Nairobi
|