Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail
Dad wax Qabad doon ah iyo Dawlad Shaxaad Doon ah !!!!!  (Siciid Waberi)

Marka hore waxaa guud ahaan mahad is ka leh allaha ina wada abuuray marka xigta waxaan umahad celinayaa Dhamaan akhristayaasha maqaalkaan xiisaha xambaarsan

Wadamada afrika waxaa ka jira arin noqotay (habitual) ama wax is ka caadi ah taas oo ah marka ay dhacayso doorashada madaxtinimada Wadan kastoo aduunka ka mid ah gaar ahaan afrika in dadka isku soo sharaxa madaxtinimada ay cadeeyaan u jeed kooda wax qabad badanaa waxay dhahaan dalka barwaaqaan ka dhiganaa dadkana nolol baan siinaynaa taasina waxay ku doonayaan in ay ku guulaystaan hadaf kooda ah in la doorto tusaala.ahaan markii ay dhacaysay doorashadii Madaxtinimada ee dalka soomaliya tartamayaashii doorashada oo uu ka mid ahaa madaxweynaha haatan talada haya mudane c/laahi yuusuf axmed in uu balan qaaday in uu soo celinayo kala danbayntii oo uu abuurayo dib u heshiisiin iyo wada Noolaansho balse maxaa hadalkaas ka danbeeyay?? Dawladii waa dhalatay waana la doortay mudane Madaxweyne c/laahi yuusuf axmed dawladii way caga dhigatay waxayna tagtay magaalada jawhar


Jawharna waxaa loo magacaabay xarun ku meel gaarka ah Ee dawlada federaalkaa Ee soomaaliyeed isla markaas dawladii waxay ukala qaybsantay laba garab ama laba gole waxayna bilaabeen labadii garab ama gole in ay adeegsadaan weerero afka ah oo midba midka kale ku dhaleecaynayo siyaasad xumo iyo jaahwareerin shacab waxaase loo lankaas aad moodaa in ay ku adkaadeen ayna ku guulaysteen kooxda jawhar waayo aduunkii baa laga aqoonsaday jawharna waxay noqotay guri lagu marti galiyo booqdayaasha ka kala imaanaya daafaha dunida taasna waxay suurta galisay in dawladu ka furato j jawhar xarumo ay ugu adeegto danaheeda halka muqdishana ay noqotay xarun uu mala kumawdkii xafiisyo ka furtay oo maalin walb lagu xsuuqo shacabka iyo aqoonyahaniinta

Balse qoladii jawharna waxay halmaameen Shacabkii doortay oo kaliya waxay ku Ekaadeen in ay aduunka u tamashleeyaan oo maalinba qaarad Cusub ka tagaan waxaan wada ogsoonahay in Dhamaan xubnaha la dooraty oo dawlada ka mid ah ay hayaan jagooyin sare sare qaar baa wuxuu Hayaa jagooyin uusan u qalmin waayo dawladaan qancin hogaamiyaal baa lagu doortay ee rabida shacabka lamaba fiirin lagumana dooran


Waxaa wax lala yaabaa ah mar rayasl wasare geeddi wax laga weydiiyay arinta dadka dagan qabridahare uu yiri waa xor kuwaas oo aan ognahay in aysan habayn xoriyad indhaha saarin lamana qiyaasi karo say ugu farxeen habaynkay maqleen soomaaliya dawlad baa u dhalatay marka ma ku farxi lahaayeen hadaysan dawladaas dhalatay waxba ugu ool ayaga jawaabtu waa maya ilaahay wuxuu qadaray in faraxoodii murugo uga danbaysay kadib markii proff geediuu ku tilmaamay dad xor ah oo dawlad leh dawlada ay leeyihiin ma midii laka maalin 45 qof xasuuqdaybaa guryihiina ka gubtay (Laba kala bariday kala war la)


Raysal wasaare geeddi wuxuu daganyahay Guriga ugu qaalisan Magaalada Nairobi Laba xaasna waa qabaa maalina wuxuu tagaa baraasalis maalina Nairobi halka madaxweyne c/laahi yuusufna uu hadba ukala socdaalo america. sucuudi carabiya iyo kenya taas waxaa la wadaaga dhamaan xubnaha kale ee dawlada sida shariif xasan shiikh aadan oo asagu waqtigiisii ku dhamaystay dalxiis iyo tamashle iyo kala barashada aduunka waa yaabe yaa u maqan dadka dawlada ma waxaa loo doortay in ay dalxiisto iyo in ay shaxaad doonato mise waxaa loo doortay in ay dadka iyo dalka wax u qabato aniga waxaan aaminsanahay in hadii dadku daacad yahay wax walba ayagu isku qabaan karaan dadku in ay daacad isku noqdaana waxa abuuri kara waa dawlada lakiin waxaan maqli jiray (nin cidiisii gabay cid kale ciidan tari maayo) marka dawladaan ayadaaba heshiis u baahan ee maxay heshiis abuurtaa
Waxaan kaloo aaminsanahay in uusan dalka iyo Dadka wax u qaban karin shaxaad laga keenay baraasalis iyo yurub ilaah baa deeq baxsha ee cid kale deeq ma bixiso


Dadka ha loo hagar baxo dantana ha loo wada soo jeesto dadaalna hala muujiyo dayntana ha la iska Daayo ilaahna ha loo toobad keeno haeshiisna ha loo heelanaado hagar bax iyo hawl karnimana ha la Muujiyo saas baan ku gaari karnaa guul iyo wada Shaqayn buuxda

Qaybtaan qaybta ku xigta waxaan ku eegi doonaa Waxa u qabsoomay dawlada intii ay dhisnayd Maadaama halsano iyo xoogaa ay sii hee heebayso hadii alle idmo


Yuganda -Campala
Saacid maxamed daahir (waaberi)
saacidmd@hotmail.com
saacidmd@yahoo.com



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved