|
Hadii
dumar maxaajabad ahaa milicsi loodiido.? (Cumar
Xaashi)
Akhristayaal
maanta waxaan rabaa inaan kahadlo dhibaatada heysata dhaqanka
soomaalida iyo diinteenaba weli dhanka dumarka, ayaamahaan
danbe waxaad arkeysa iyo uu dhaqankii soomaaliyeed uu bedelmey
oo ay dumarkii soomaliyeed ay isku ekeysiinayaan dumarka reer
galbeedka ama africa qaarkeed kuwaas oo heysta diinta cheristiga.
Marka
walaalayaal marka hore anaga hadaan nahay soomaali waxaan
leenahay dhaqan iyo diin qaali ah dhaqankeena iyo diinteenaba
intaba midna masheegeyso in la isku ekeysiiyo gaalada dhanka
dhaqanka hadaan ku hormarno abwaan ayaa waxa uu yiri.
Hadii dumar maxaajabad ahaa milicsi
loodiido.
Imikey dharkoodoo milmila suuqa marayaane
Miidaanka noogama baqaan mana mastuurtaane
Adiga
hada hadaad fiirisid haweenka in aad adiga kaleexatid maahane
in ay ayaga kaaleexdaan lagama yaabo intuu ilaah unaxariistey
maahane. marka meesha waxa aad ku ogaan kartaa in uu xishoodkii
dhamaadey , haweenkii hore oo soomaalida ahaa hadey ragga
wadada ay isaga horyimaadaan waxa ay mari jireen meel aad
aga fog ama weyba istaagi jireen ilaa iyo raga ay wadada kaga
dhamaadaan oo ay kabaxaan.
Laakiin
xiliga aan hada kujirno waxaad arkeysaa ragii oo sugaya dumarka
in ay wada soodhaafaan oo dumarkii raga derdereya ama dhexjiiraya,
marka waad ogaankartaa isbedelka kudhacay dhaqanka soomaliyeed
iyo diinta intaba hadaan usoo laabto dhanka diinta waxa ay
kaqabto xirashada dharka gaagaaban ama isqaawinta. Ilaah wuxuu
leeyahay isaga oo lahadlaya suubaneheena (C S W ) (Nabiyoow
ku dheh xaasaskaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu,miniinta
ah ha u dhoweeyeen jirkooda xijaabkooda (jalaabiibta) kaas
ayaa udhow in la aqoonsado oo aan ladhibin ilaahna waa dhaafe
naxariista)
marka
walaale diinteena suubani waxa ay qabtaa in dumarka ay qaataan
xijaabka xijaabkana ilaah wuxuu sheegey inuu faaiido badan
uu u leeyahay hadii dumarka ay xijaabka qataan markaas ayaana
la aqoosankaraa oo markaa lama dhibi karo oo waa gabdho dhowrsoon
(muxsanaat) laakiinse hadii ay gudbaan xuduudka uu ilaah ayaga
uu u dhigey waxa ay noqonayaan sidii xayawaanka oo kale oo
wax qeymo ah yeelan maayaan ayaga iyo gaaladana dhanka dhaqanka
wax ay isdhaamaan malahan islaanimadoodana waxa ay noqoneysaa
sheegasho oo keliya, ilaahna wuxuu yiri (ilaah agtiisa diinta
waxa looga yaqaanaa islaam) islaamna waa hogaansan iyo dhaqan
ee ma ahan islaamnimada sheegasho iyo iska dhig dhig, anaga
sidaan u naqaano islaamnimada waa sheegasho oo qofka waxa
uu leeyahay aniga islaam ayan ahay diinta islaamkana kuma
dhaqmo, xitaa waxaaba macquul ah inuusan aqoonin salaada waxa
ay ku ansaxeyso ama rukniga koowaad ee islaamnimada waa towxiidkee
inuu ka ansaxay iyo inkale isla markaana markaad wax u sheegtey
uu kuleeyahay aniga waxaan ahay muslim gaalo miyaad imoodeyna
.
marka
walaalayaal dhamaan rag iyo dumar waxaan kacodsanayaa in diinta
labarto oo markaa lagu dhaqmo qof walba nafsadiisa marka hore
ha fiiriyo oo haxisaabiyo dadka waxaa ugu caqli badan qofka
nafsadiisa xisaabiya.
Qof
walba waxaa ladhashey gabar gabar walbana waxaa ladhashey
wiil marka walalayaal dumarka qaaqaawan oo marwalbaba aan
wadooyinka aan ku aragno dad ayey ladhasheen ama dad ayaa
dhalay hadii qof walba walaashiisa ama dadka uu kamasuulka
yahay diinta uu baro ama uu fasax u siiyo in ay diinta bartaan
wax halaabi lahaa malahan ayaan aniga aaminsanahay, dadkeena
soomaaliyeedna ama mujtamacal islaamka badankooda iney gaalada
raacaan waxa kukalifayana waa jaahilnimo oo micnaha diinta
islaamka ayey jaahil kayihiin oo sifiican uma aysan baranin
hadii ay sifican ubaran lahaayeen diintooda suubani, ayaga
ayaa kacarari lahaa gaalada iyo waxa ay aaminsanyihiin.
(ilaahna
(qowm) dad mabedelo waxa ay kujiraan ilaa iyo ayaga ay iska
bedelaan waxa
ay kujiraan) Marka walaalayaal ilaah aan kacabsano oo dumarkeena
xijaabka aan farno ilaahna markaas ayuu inoo naxariisanayaa
marka aan diintiisa usoo laabano.
Wabilaahi alfowfiiq
Cumar Cabdi Xaashi
Kenya Nairobi
Email suxufi200@yahoo.co.uk
xaash111@hotmail.com
|