|
Waa
wax ilmo badan loo daadiyo,laga xanuunsado, aadna looga murugoodo
wiilkii 13jirka ahaa ee sidii ul loogu garaacayay naftiisa
ku waayay. (Zahra A. Xirsi)
Dad badan ayay ku adag tahay in ay qiyaas ka bixiyaan sida
ilmahaas yar loo dilay,waa arrin fajaciso iyo murugo wadata,
ilmo sidii ul loogu garaacayay ama loola dhacaayay ku naf
waayay dhimashadiisa,waa xaqiiqo in uu xanuun aan la qiyaasi
karin ku qaadatay.
Waxaan
ka akhriyay shabakada midnimo shalay in wiil yar sidii uu
macallinkiisii dugsiga u garaacayay naftii kaga baxday.
http://www.midnimo.com
Waa macallinkii siin lahaa
dareen nabad ah,waa macallinkii lagu aaminay ilmahaas in uu
sidaas sameeyo waa arrin aad looga xumaado islamarkaana laga
murugoodo,si gaar ah waxaan halkan uga soo dirayaa tacsi iyo
danqasho ka soo ga'day wadnahayga waalidkii dhalay ilamhaas,Ilaahayna
uga baryayaa in uu samir ka siiyo wiilkoodii qaaliga ku ahaa.
Falka
uu macallinkaas sameeyay waxay ku tusinaysaa in macallimiinta
Soomaaliyeed ay carruurta wax barayaan jir dil badan ku sameeyaan,
lagana yaabo in ay carruur badan sidaas ku dhinteen oo aan
laga warqabin.
Dhaqankeena
aad ayuu ugu daran yahay carruurta oo u baahan naxariis dheeraad
ah in lagula dhaqmo,carruurtu waa ubaxi berrito iyo kaydkii
berrito oo uu waddanka iyo dadkuba u aayi lahaayeen, nasiib
xumase waxaan u haysanaa in ay carruurtu yihiin noole aan
waxba kala ogeyn sidii la doonana laga yeeli karo, waxaanu
aaminsanahay in ilmuhu wax ku bartaan dil iyo in la xanuujiyo,taas
oo ah wax ka fog sida carruurta loola dhaqmo waxna lgu baro,
kumanaan carruur Soomaaliyeed ayaa ku nool ciqaab joogta ah
iyo in korkooda aad loo garaaco isla markaana nafsaddooda
wax aysan ka soo kaban arrin soo gaaraan.
Waxaan
ka codsanaynaa oo waliba si naxariis badan uga codsanaynaa
in ay qof kasta oo Soomaali ah isla markaana qaan gaar ah
uu u gargaaro carruurteena meel kasta oo ay j oogaan gaar
ahaan kuwa jooga dhulkeena hooyo,carruurta waxaa ku filan
in ay helaan waxyar oo naxariis iyo soo dhoweyn ah iyo in
si deggan wax loogu sheego, waalidku iyo dhammaan bulshada
oo dhan la isgu tago xanaanadoodana qof kasta dusha saarto
in uu mas’uul ka yahay barbaarinta carruurta Soomaaliyeed,
tusaale ahaan haddii ilmo yar oo aadan garanaynin oo waddo
kaaga soo hor baxay haddii aad u ilko caddayso oo waliba aad
madaxa u salaaxdo waxaad u samaysay wanaag uusan weligiis
ilaaweynin noloshiisana saamayn ku lahaan doonto, waxaad siisay
dareen ah qiimo ayaad ii leedahay,macallimiinta dhigta dugsiyada
qur’aanka waxaan kula talinayaa in ay carruurta siiyaan
xanaano dheeraad ah waayo waxay u taagan yihiin barashada
qawlka Allaah.
Waa
in wax laga qabto kuwa isku sheegaya in ay macallimiin yihiin
haddana sidii waraabaha oo kale ubadka yar yar ee masaakiinta
ah ula dhaqmayaan,sidee ayay waaliddiinta Soomaaliyeed u oggolaadeen
in ilmahooda dil xanuujinaya korkooda iyo maskaxdooda loo
gaysto,ilmo sidaas loo galay miyuu yeelanayaa rajo mustaqbal
ah in uu isku filnaado.
Waa
wax aanu marnaba qiyaasi karin sida xanuunka badan ee wiilkii
13 jirka ahaa ku waayay noloshiisii sidii ul loola dhacaayay,naxariisdarradaas
waa mid ka fog islaamnimada iyo dareenka noolaha, sidee ayay
ku dhici kartaa macallin mas’uul ah in uu ilmihii lagu
aaminay sidaas u dilo,waxaase fiicnaan lahayn in macallimiinta
markaa hore loo furo tababar ku saabsan xagga barbaarinta
iyo habka wax loo baro carruurta.
Zahra Abdi Hersi
Holland
|