|
|
 |
 |   |
 |
| |
|  |
Jacaylka iyo saameyntiisa (Qeybtii
1-2).(by Zahra Abdi Hirsi)
Inta aanan u guda gelin qormadeena maanta aynu
waxyar ka orano waxa uu yahay jaceylku,
Jaceylku waa dareen iyo dareensiin,dareensiin ah waxaad tahay
ayaan kugu
rabaa,waxaad tahay ayaan kugu oggolahay,aniga iyo adiga waanu
is leenahay ama isku
mid baynu nahay, aniga ayaa ku raba ama ku doonaya,keligaa nolosha
kuma tihid,garab
ayaan kuu ahay,igu tasho ina tirso, ogow in aan diyaar kuu ahay
markasta iyo meel
kasta,iyo in aanu dareeno oo macnaheedu yahay sida:degganaansho
ku yimaada
ruuxeena,dareen farxad ah,xiiso isku qabid,daaweyn nafsadeed
ama caafimaad,jaceylku
waa wax aanu dareemayno,haseyeeshe adag tahay in aanu cabbirno
ama qeexno lana
falgalaya maskaxdeena ama taabanaya ruuxeena.
Jaceylku wuxuu isku sixraa dadka,wuxuu isku xiraa ama is dhaxal
siiyaa ama is
hantiya labo qof oo aan waxba isku ahayn,halka uu kala eryo
ama kala kaxeeyo waa
haddii uusan jaceyl ka dhex jirin labo qof oo wada dhalatay
ama ehel isku ah,
jacaylku wuxuu na siiya awood haddii aanu weyno ama nala siin
waayo waxaa ka taga
nuurka meelo ka mid ah nolosheena,la’aantiis waxaanu noqonaynaa
wax aan jirin ama
qiima beelay.
Jacaylka ka dhexeeya wiilka iyo waalidka ama waalidiinta iyo
carruurtooda ayaa kala
geddisan, abbaha jaceylka uu u hayo carruurtiisa ayaa ah dareen
ma guuraan ah kagana
jirta lafaha, haseyeeshee isaga uun sir u tahay ama aan ka bad-badin
oo si xoog ah u
muujisan, jaceylka aabbaha uu u hayo carruurtiisa waa mahadin
ama ku faraxsanaan in
uu aabbe yahay iyo in uu si xoog badan ugu damqado ubadkiisa
haddii dhib soo
gaaro,haddiise ay ku guulaystaan noloshooda uu dareemo guushaas
ilmahiisa gaareen
mid ka sii badan in uu ku guulaystay, halka hooyada ubadkeeda
jaceylka ay u hayso uu
ka soo go’ay ruuxeeda yahayna dareen wel-wel joogta ah
ama armay dhibtoo soo gaartaa
carruurtayda iyo in aysan weligeed sii daynin carruurteeda yacni
anigaa dhalay aniga
ayuuna iga mid yahay.
Carruurta marka ay waaweynaadaan iyo marka ay yar yihiinba ayaa
iyaguna jaceylka ay
waalidkooda u hayaan labo ugu weyn tahay:qiimayn badan oo ay
waalidka u hayaan iyo
in la isku duubnaado ama hal qoys aanu ku joogno,haseyeeshee
waxaa taas daba socda
labo kale oo ah:in ay had iyo jeer maqlaan ama waalidku dareensiiyo
aniga ayaa ku
dhalay,waana kugu faraxsanahay, ama baahi u qabaan hadallada
macaan ee waalidka sida
ducada iyo ammaanta waalidka iyo mida labaad oo ah in ay dareemaan
denbi ah
kaalintaydii kama soo bixin ama waalidkayga uma aanan abaal
gudin,waxaa kaloo
carruurta aad u dhiba ugana danqadaan jirrada ama xanuunka,
gabowga iyo tabar
darrada ku dhaca waalidiintooda.
Jaceylka waalidka iyo carruurta ka dhexeeya iyo dabcan midka
labada is qabta oo ay
bulshadu ka bilaabato waa bilowga jiritaankeena ama dadnimadeena.
Haddaba jaceylka ayaynu siyaabo kale duwan u dareenaa
waana sidan hoos ku qoran:
Jaceylka carruurta marka ay dhashaan ama yar yihiin wuxuu u
yahay nafaqo ama raashiin,
haweenkana wuxuu jaceylku u noqdaa markhaati ah in ay jiraan
ama siiya aqoonsi iyo
dareen ah waxaad tahay qof qiimo leh waana kuu baahanahay halka
uu raggana ka dhigo
jaceylku mas’uul siiyana degganaansho iyo in ay si fiican
u karaan ama maskaxdooda
ka shaqeeysiiyo.
Aanu ku horrayno carruurta
Carruurta jaceylku wuu u koriyaa sida raashiinkuba u koriyo
oo kale,barbaarinta
ilmaha waxaa aasaas u ah in lagu xafido ama daboolo korkooda
iyo ruuxooda yar
jaceyl badan, jaceylku wuxuu diiriyaa carruurta oo wuxuu ka
celiya dhaxanta iyo
dabaysha,wuxuu kaloo uu dhowra carruurta jaceylku waxyabihii
wanaagsanaa ee uu Alle
u siiyay hibada ama haddiyada, isagoo u abuuran kuwo kale oo
aad u wanaagsan.
Jaceylka ay labada waalid gaar ahaan hooyada ubadkeeda ku koriso
waa midka keliya ee
ka dhigi kara ilmahaas bani’aadanka dhab ah.
Sidee ayay haweenku u dareemaan
jaceylka?
Haweenka jaceylka waxay ka helaan qurux ama waxa uu si toos
ah u taabtaa
jirkooda,wuxuu jaceylku haweenka dareensiiya nolosha dhabta
ah, wuxuu kaloo jaceylka
haweenka siiyaa tamar badan ama Energy oo waxay awood u helaan
in ay shaqo aad u
fara badan qabtaan, tusaale ahaan haddii ay haweenaydu si dhab
ah ay u jeceshahay
ninkeeda isagana sidoo kale u jecel yahay waxaa la sheegay in
ay soo saarto ama
samayso hormoonka la yiraahdo adrenaline oo ay awood u leedahay
in ay qabato shaqo
ka badan oo aan marnaba u dhigmi karin midda ama gabadha aan
sidaas loo jacleyn,
haweenka wuxuu jaceylka u diidaa ama ka yareeyaa buuqa iyo dagaallada,
wuxuu kaloo
ka kaxeeya murugta, welwelka, iyo gabowga, wuxuu jaceylka ka
caawiya ama ka
kaalmeeya haweenka korinta carruurta oo waxay ilmahii ku korinaysa
deggnaan iyo
kalgacal badan.
Hormoonkaas ama dheecaanka aan kor ku soo sheegnay ee la yiraahdo
adrenaline waxaa
sameeya kelyaha dadka,wuxuuna aad u sameysma xilliyo gaar ah
sida marka aanu
nafteena u yaabno oo doonayno in aanu is badbaadino, tusaale
ahaan maahmaahdii
oranaysay naftu orod bay kuugu aamintaa,waxaa laga yaabaa in
aad meel dheer ka soo
boodid adiga oo doonaya in aad ka badbaadid wax qatar kugu ahaa,haseyeeshee
aadan
waxba noqonin xitaa uusan ku soo gaarin dhaawac yar taas waxaa
sababay hormoonkii
adrenaline markii aad soo boodaysay kugu saaqnaa oo maba aadan
ogeyn goor aad soo
booday, laakiin adrenalineka uu sameeyo jaceylka waa mid joogta
ah wuxuuna
dareemaya qofka in uu ku nool yahay nolol farxad leh halkaasna
uusan ku
qasaarinaynin tabartiisa in uu ka fekero waxyaalo kale oo
niyad jab ama murugo kale ah oo ka fuuqsanaya tabarta halkaasna
uusan awood u heli
karin waxyaalo kale oo faa’iido badan u lahaa ama waxaa
laga yaaba in uu tabar badan
ku bixiyo in uu dhibaato badan u geysanaya bulshadii ku dul
wareegsaneyd ciil
daraadiis ama ku ciil baxaya
Hormooonka adrenalineka waa nooc ka mid ah daroogo faai’iido
leh maadaama uu ka
sameysan yahay tamar aad u fara badan dadkana siiya awood fara
badan,cayaartoyda
qaarkood ayaa isku muda ama isku dura adrenaline macbil ah oo
la sameeyo si ay tabar
badan u helaan oo ay ku guulaystaan cayaarta ay cayaaraan, haseyeeshe
looma oggola
in ay arrintaas sameeyaan waana laga joojiya cayaarta ama xilli
kooban laga eryaa in
ay cayaaraan haddii korkooda ama jirkooda laga helo adrenaline.
Faa’iidada ay haweenku ku qabaan jaceylka ma’ahan
mid aanu halkan ku soo koobi
karno, waxaa qasab ku ah ragga Soomaaliyeed in ay haweenkooda
ku dhaqaan ama kula
dhaqmaan jaceyl iyo rabitaan badan si bulshada isku duntay ay
u dhisanto, bulsho
waxay ka bilaabata haween waxaana dhisi kara haween la jecel
yahay.
Haddiise aad aragtid ama ogaatid sida jaceylka ragga qudhiisa
uu raad weyn ugu
leeyahay noloshiisa iyo tayadiisa ama waxtarkiisa waxaadba is
leedahay qoyska iyo
bulshadaba kama soo haraan ama wuxuu ku kooban yahay oo ma soo
dhaafo ragga.
Lasoco Qormadeena dambe ayaynu kaga hadli doona
ragga iyo jaceylka haddii Alle idmo
Zahra Abdi Hersi
Holland
| | |
|
| Copyright
2004. dhahar.com. All rights reserved | | |