Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail

Kaluunka

Gabaygan waxa uu ka mid ahaa buuggii qaayaha lahaa ee "Aqoondarro waa u nacab jacayl" oo uu qoray, Allah how naxariistee, Faarax M. J. Cawl;
qisadii jacaylkii dhexmaray Calimaax iyo Cawrala. Waxa uu gabaygani ka hadlayaa qiimaha iyo wanaaga kalluunka hodonka ku ah xeebaha Soomaalida, soomaalida
sidaynan munaafacaadkaas uga faa idaysan.

 

Kalluunkeenu waa sacoobaanka iyo, soddon kun oo jaade
Seerseer macaanow Tebediinku waa, ugu sarreeyaaye
Oo sallalaahu Nebigii ayaa, seef ku gowracaye

Saxal iyo abaar kuma kacdiyo, sama kaliileede
Ma saanyado col duulaa hadduu, sarida kuu deexan
Saxar cuduri saymaha adduun, abid ma saysaansho

Ninkiise saansaanyaha yaqaan iyo badaha saamkooda
Oo subaxdii horeetaba kacoo, seebka taranteersha
Waa sahay daleelaha u taal, saacad dabadeede

Nin saboola iyo maalqabeen baa, sadho dhextaallaaye
Waxse loo simay waa kalluun, sebi un baa mooge
Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tegaye

Badda Saylac Saaxiyo Berbera, tan iyo Seyhaaba
Waxa sare iyo hoos ku jira, waa sareedada'e
Soomaali baan garan intay, silic ku noolayde.

ILLAHAY naxariistii jano ha ka waarbiyo marxuumka. aamiin


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved