Fikrado

Taariikh
caafimaad
Congrats
Nalasooxiriir

BBC Audio
11:00-11:15
14:00-15:00
18:00-18:30
London time


links
Ainashe.net
Allpuntland
Allwadani
Al-Tawxiid
Bakaaraha
BBC
Biyokulule
Burtinle
Columbusstars
Dayax

Dayniile

GantaalNews

Gedonet

Goldogobsit
Halgan.net
Halgannews
Hiiraan
Hornafrik
Hornrelief
Idaadsoft
JigJiga

Kulmis

Laas-qoray
maakhir.com

Midgaan.com

Mudulood

Ogaden
Puntland-Post
QaranNews
Qorahay
Qurbojaceyl RadioLascano
RadioSanaag
Sanaag.net
SBC Online
Somaali.com
Somaliaonline
Somali-land
Somfreemedia
Somalilyrics
Somalivoices

SomaliWeyn

Togane.org

Waagacusub

Wardheernews
WidhWidhNews

HomeGabayoMurtimusicSawiroQur'anSportsForumChatEmail
Ismaaciil Mire waxa uu gabaygan kaga hadlayaa isbeddelka bulshada ku dhacay, isagoo dareenkiisa kaga warramaya dhaqangeddoonka dadka, kadib markii uu arkay naxariis-darrada, xishood-la'aanta, burburka qoyska iwm oo ummadda ku dhex faafaya.
Ismaaciil waxa uu yiri:

Dadka wada dhashay een lahayn, diirnax iyo xeebad
Labada uurka soo dabataye, daacad kala wayday
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane!

 

Daaraha kiraysane gabdhaha lagu dembaysiiyo
Oo biilka laga doonayaa waa darxumo wayne
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane!

Darmaanaha waraabaha digliyo daalacay haadka
Dameeraha la bari siinayiyo diiftan Xamar qaayib
Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane!

 

Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda
Oo wada dareerayee nin kale doontay lacagtiisa
Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane

 

Qarshigaan dirsaday saaka ee dooc i tari waayey
Ee duubka neef ariya iyo daasad bixi waayey
Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane

 

Hadday dunidu khayr leedahay oo la isu daynaayo
Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan
Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene
Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Copyright 2004. dhahar.com. All rights reserved