HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Hanka xumi ha beenoobo (by Ibraahin Hawd)

Markay haradu dhooqoowdo
Goror yari ku hadho laaska
Hormadiina kuu joogto
Beeshuna harraad taallo
Huubaa la dhaanshaaye
Hiinraagga laabtayda
Iyo hugunka dhuuntayda
Ha’ley aan ka soo miiro

Hillaacyada isdaba jooga
Waa holac rasaaseede
Heegada ku guud joogta
Hoosiisku waa qiiqe
Hogol roob miyaad moodday
Hoogayeeyda kuu yeedhay
Waa haween baroortoode
Nin hurdoow ka toos jiifka

Ummad horor ku soo duulay
Toban cadow hareeraysay
Aadmigu ka wada hiishay
Erayguba hub weeyaane
Baga loogu wada heesay
Hambalyadu iswada dhaaftay
Haddii aanay helin waa san
Haddaan gacanta lays haysan
Wixii hore la soo dhaafin
Hayb qudha la wada yeelan
Haddaan guluf la heensaynin
Halgan adag la qoondaysan
Faalkaygu waa heere
God habaaran buu sheegay
Habeen baan arkaa oodan

Waxaa taaba ka horreeya
Ninka haanta qubay buuxda
Hambadiina qaban waayey
Misna inuu hunguri qaado
Hadhow weelka heemaarsho
Hareeraha ka leefleefo
Hungo madhan irsaaq moodo
Nafta hiifo ciilkaambi
Inuu yahay hanfade waalan
Sow shay la hubo maaha

Waxaa taaba ka horreeya
Hargacuna dadkoo jooga
Ninka yidhi xilkiyo hawsha
Anigaa hormuudkiinna
Ku habboone ii dhiiba
Misna inuu hadhada laayo
Cadowgiisa hiil moodo
Hadal gaalo soo qaato
Ku hadaaqo weedhooda
Argaggixiso haaraamo
Inuu yahay hanfade waalan
Sow shay la hubo maaha

Waxaa taaba ka horreeya
In la dumiyo hooygiisa
Maatada la halakeeyo
La halaago soomaali
Ninka hoosta ka xarriiqay
Misna inuu halgame sheegto
Faras caaga heenseeyo
Hawo beena raacraaco
Madaxnimo ku haasaawo
Inuu yahay hanfade waalan
Sow shay la hubo maaha

Waxaa taaba ka horreeya
Dal halyeyga laga laayey
Laga tiray haldoor oo dhan
Xabashidan hamuumaysa
Hiyigeedu waa xeebe
Haddii hooy la odhan waayo
Dhulka inay hantiyi doonto
Tabtii Harar ka dhigi doonto
Ninkaan garanin taa haatan
Inuu yahay hanfade waalan
Sow shay la hubo maaha

Waxaa taaba ka horreeya
Marka aar ka hiro ayda
Hubka lagu asqaysiiyo
Hayaankiisu dheeraado
Daaxuurraduu haystay
Hanadday ismoodaane
Maxaa shalay nin hooseeyey
Maanta faan la hayn waayey

Waxaa taaba ka horreeya
Nimankaa hammiga gaaban
Hirashadu u tahay soorta
Xabashida u heeryeysan
Hoogooyin yeelkoode
Ma-hadhay ka tegayaane
Shisheeyaad is-haysaane
Hadafkaagu yuu leexan
Hootadaadu yey liicin
Yuu hoos u dhicin shiishku
Adigoo hubsaday yoolka
Gumaysiga ku goo haanka
Hanfariir ha kala yaaco
Ha ka dido halkuu qaytay
Habeen yuu ku ledin ciidda
Hanka xumi ha beenoobo
Damacana ha loo iisho.

Ibraahin Yuuf Axmed "Hawd"
Ibraahinhawd@hotmail.com


 

Back To Home