HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Daba-Dhilifka Heeryeysan (by Ibaahin Hawd)

Ha-ley weeye weli heestu
habeen weeye weli goortu
caawana tus baa hoorran
hillaac baan ahoo way kan
heeryadii ku shiday nuurka
hagardaamadii waa tan
qarin waa hoggay taalley
hanfariir ninkii haystay
marba dhan ula haad'haadyey
ku hagoog mar qaydkiisa
haylaha ku duudduubay
marna harag xun saar ceebta
la haleelse muuqeeda
hooliftiyo la garay haybta
inan yahow i maqal heedhe
colka human madfaca hooray
dabka huray naflaha hoobtay
maydka haaddu faganayso
hadimada dadkii gaadhay
waxaad dhiigga haro mooddo
beeraha hanfigu leefay
dhirta halow madoobaatay
haddaad tidhi hagaag weeye
meeshaad ka soo heestay
allay lehe hungaa taalla
kiristaanka hadafkooda
hindisaha shirqoolkooda
hawsarkooda liishaaman
huwantooda soo duushay
wayaanaha dalkii haysta
dabadhilifka heeryeysan
habacsanida halamaashka
haddaad tidhi hagaag weeye
meeshaad ka soo heestay
allay lehe hungaa taalla
hayin baa la dhaanshaaye
raggaa haanta lagu tiirshay
dabagelisku haareeyey
Xabashida hoggaan raacay
u hanuunsan sheydaanka
Meles sida horweyn yeeshay
hadba meel u horay beena
gunnimay horseedeene
haddaad tidhi halyey weeye
meeshaad ka soo heestay
allay lehe hungaa taalla
Hadraawaa mar laga sheegay
cadaawuhu higtiyo hawda
gantaalaha hawada jeexa
heegada birtuu saaray
hankeennuu ku dilayaaye
waa habkaad haddaba taale
hamrashada markaad liicday
nin u heellan mawdkaaga
inaad daba hunnuushayso
hal ka roon haddaad wayday
meeshaad ka soo heestay
allay lehe hungaa taalla
intaas oo huq iyo ciila
adigoo huwaday saaka
maryahaaga dhiig hooray
foolxumo ku hoos taallo
haddaad hawlo kale fuushay
Hargeysaa hal lagu maalay
niman baa hambayn waayey
hadhuudh baa la kala boobay
Haatuf baa la xidhay maalin
hadduu hadalba kaa joogo
meeshaad ka soo heestay
allay lehe hungaa taalla
hadal heedhe iyo heeda
ayuu hore u guuraaye
haddii kale ma hanaqaado
waana hoo haddana keene
hawraar tixraac wayday
waa hangool farraar jabane
sida waydda hilibkeeda
waa lagu harraadaaye
xaajadaan hor dhigay uunka
kuna helay gartiyo haada
miyaad hagagtay oo maagtay
miyaad muran ku haasawday
adigoo higgaad barada
murtidaan hal-doorkeeda
kugu habay sidii dhayda
hifashiyo xin mooyaane
haddaan horumar kaa waayey
aakhiraan malaa heliye
hor Alliyo hoggaan geystay
adiguna ka dhigo haybad
Hawd baan la maansooday
hadal waa la koobaaye
tixda waxaan ku soo hoorshay
ragga heeryadii qaaday
iyo labadi haamoodba
gunnimay hadhsanayaane
godob bay horseedeene
waxba yey hafrine dawlad
halgan baa la gelayaaye
nafta waa la hurayaaye
qaran baa la helayaaye
horusocod ha noolaado.

Ibraahinhawd@hotmail.com

 

Back To Home