Intaa markii la is dhaafsaday, ayaa waxaa soo
galay Deeq Aadam Diiriye. Waxa Abwaan Deeq uu soo tirshay
maansada la magacbaxday: “Fidmeertu Haad Maaha”,
oo soo baxday taariikhdu markay ahayd May 22, 2007 . Waxa
maansadu lahayd:
Hoobaale Hoobaale
Hoobaalayeey Hoobe
Halabuurka mudantooda
Heeraarka Dhahar Dhoot Kom
Barta ay ku soo hiranin
Haasaawe ugu imide
Hanbalyiyo salaan sharaf leh
Xushmo iyo hibana wadata
Iga hooya gacalkaygaw!
Hoobaale Hoobaale
Hoobaalayeey Hoobe
Haantiyo Silsiladdeeda
Qof hamuuman jiibtiisa
Inkastoon harraad qabo xun
Ciir kuma hanbaasaayo
Misna heenka subaggeeda
Hurimaayo calafkayga!
Hoobaale Hoobaale
Hoobaalayeey Hoobe
Hoobaanta suugaanta
Maansadu u hayb weeye!
Hormuudkeeda wacan weeye!
Hiddaheenna sare weeye!
Hoodiyo ayaankaaga
Waxad kala haleeshaanba
Hibo Eebbe bixin weeye!
Dadka looga dhigay hodanka
Haw horreeyo Shaaficiye
Ninka soo higsanayoow bal
Uga dayo habdhaca luuqda
Habdhismeedka badaheeda
In la kala hufaa weeye!
Qamaan iyo Hurraa garane
Hufnaanteedu edeb weeye!
Sarbeebtuna hugeed weeye!
Lagu kala hagaag goobta!
Hoobaale Hoobaale
Hoobaalayeey Hoobe
Ceelaljoogtu haad weeye
Cantalyaa la hayb weeye
Hud-hudkiyo bal eeg Fiinta
Haldhaaguba la qolo weeye!
Misna kala hannaan wacane
Habwanaag gallayr baa leh
Door haadka’adag baa leh
Qurun hiigna xuunshaa leh
Si kastooy u haad-haaddo
Fiidmeertu haad maaha
Qarandiid halyeey maaha!
Hoobaale Hoobaale
Hoobaalayeey Hoobe
Habar’ari markay dhalatay
Dayax Dirir hoggiis gaaray
Hogol Dayr hadday curatay
Bisha Ximirna heegeeysay
Ilaa Axalna hooreeysay
Hadduu Xaysna hanqar keenay
Hillaacana ka wagac siiyay
Sow xareed hirqada maaha!
Dawlad iyo hannaankeeda
Sow Midnimo higsada maaha!
Hoobaale Hoobaale
Hoobaalayeey Hoobe
Wada hadalku ceeb maaha
Aan heshiinno weeyaane
Harka geedka noo xaara
Hadal lama ag joogsado’e
Run ka sheeg waxaad hibanin!
Deeq Aadam
Diiriye
dekdirie@yahoo.ca