HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Ninba Gacanta Si u Haadi (Maxamed Baashe)

Maansadina waxay soo baxday taariikhdu markey ahayd 29/may/2007

Suugaantu hirar weeye
Iidaanka hadal weeye
Waa hibo Ilaah bixiyo
Halawada irmaan weeye
Nin kastaa ma haaneedo
Halabaha ma saarsaaro
Uma heedhawaaleeyo
Ma hufoo ma kala haadsho

Iyadoo habkaas guud ah
Ayay kala habaynteedu
Kala haybo leedahaye
Ninba gacanta si u haadi

Hubsadoo halkiyo caawa
Shalaytiyo Ha-noolaato
Dirirtii hillaab-qaadka
Hurintii xornimo oogga
Halasihii la soo jiidhay
Dhawrkii higlada seexday
Higta caaradhuub yeedhay
Hal-abuurki daad raacay
Sowtii hagoognaanta
Huqda ciilka taladooda
Dabadhilifyo heeryeysan
Lagu liqay habaas maaha

Iyadoo habkaas guud ah
Ayay kala habaynteedu
Kala haybo leedahaye
Ninba gacanta si u haadi

Basanbaasihii hoogga
Hiriggoo qab-dhaafkeeda
Hollintii dareenkayga
Kelitalis hogguu jiifey
Hay hay kuwii yidhiba
Sowtii mar hoos cararku
Ku hagaasay ee heermay
Himilada hoggeed seegay
Hawiran abkood noqoye
Kuwan maanta heesaaya
Hardafaaya duul duulku
Hore miyaanay tolow eegin
Hubsanoo wax miisaamin
Hojinoo haddana liilin
Garashadu halkay taallo
Gujinoo hal waydiinnin
Hayaankeeda taariikhda
Han burburay inuu raaco
Haasaase xumahooda
Inta hiilka doqoneed leh
Faankiyo hobshayntooda

Iyadoo habkaas guud ah
Ayay kala habaynteedu
Kala haybo leedahaye
Ninba gacanta si u haadi

Cirkan hibitiqlaynaaya
Ama heego heegeeyey
Hoorrimaad daruurtiisu
Hanfi iyo kulayl weeye
Waa hadimo soo biirtay
Waa holac dabiyo naara
Harraad biyo la?aaneeda
Waa been hillaaciisu
Hungo qaawan baa taalla
Xil hallowsan baa buuxa
Geenyo hadafa baa joogta
Hanbadii dadkaa baahan
Habaar baa arlada yaalla
Hawadaa cakiran maanta
Hugunkii baddaa qooqan
Dhimbiil baa hulaaqaysa
Ciiddaa hurgumo daacsan
Gaaridaa hengelan eegga
Halyeyguna hanweynaanta
Ciil heeti socodkiisu
Dala?siga hurdada diidyey

Iyadoo habkaas guud ah
Ayay kala habaynteedu
Kala haybo leedahaye
Ninba gacanta si u haadi

Muqdishoo hawiran maanta
Cadow heeray boqonteeda
Waxa hilib dad ii muuqda
Waxa meyd huruunshoobey
Inta ubad hiqlaynaysa
Haraaryada naftii hayso
Inta hooyo muuq doorsan
Eegmada indhaa hayn la?
Haanraawe guranaayo
Waa ma-hurtadeenniiye
Hal-abuurka taas sheelay
Huubuu qarsanayaaye
Dhooqadu hareeraysay
Ligis weeye heestiisu
Uskag baa hareer yaalla

Iyadoo habkaas guud ah
Ayay kala habaynteedu
Kala haybo leedahaye
Ninba gacanta si u haadi

Ninka horumar kuu sheegay
Ku leh hayjad baa laacday
Talis laga hamrado keenay
Adigoon habeen seexan
kugu yidhi hurdada jooji
hadhuubkaaga soo qaado
Allay lehe hanuunkiisu
Ama heellanaantiisu
hadafkiisa noo sheegye
Inuu yahay hanfade waalan
Salsalaax hunfeey falana
Hawo beena haasaawi
Hurgufyoo haddana haadi
Hufmi waa hadhuudhkiisu

Iyadoo habkaas guud ah
Ayay kala habaynteedu
Kala haybo leedahaye
Ninba gacanta si u haadi

Hadal iyo dhammaan heedhe
Hawdoow haddaan baaqo
Maansada halbeeggeeda
Hanka xumi ma guulaysto
Waxa aan habaabayne
La hubaa wanaag weeye
Xaqa hogatuskiisaa leh
Daacadnimo hu?geedaa ah
Hufnaantaa hagaag keenta
Hilimada aqoontaa leh
Nin kastaa ha heehaabo
Hawadaa dushee sara?e
Garashada halkaas baa leh

Haddeertiyo hadhow labada
Hal-adaygga loo dhalaye
Midnimadu hub weeyaane
Waa haybad iyo sharafe
Hanashay rabtaa badane
Halaq laba afleynaaya
Dhukuskiyo humbaallaynta
Horor saamo jiidaaya
Quluxquluxda huwantiisa
Gacan haadis kama yeelo
Hiirtaanyo godobteeda
Hibashada berruu gocane
Waa halkii dhurwaagiiye
Ha eersado laftuu dhuuxay


Maxamed Baashe
mohamedbashe@hotmail.com

 

Back To Home