HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Haanta Haantii Hore Maah (Cumar C/nuur Nuux-Nabadoon)

Gabaygii ugu horeeyey uu kaga soo qeyb galo Silsilada Haanta: Abwaanku wuxuu yiri: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ninkaad kabo ka toloneysid kabihiisaa la eegaaye”. Aniga aragtideyda Silsiladda Haanta waxaan ka idhi “Haantu haanti hore maaha” 31/05/07:

Haantu haanti hore maaha
Haruubkuna nadiif maaha
Heelladu heelladii maaha
Heestu hoobaleey maaha
Hanku kii la rabay maaha
Hadafkuna xalaal maaha

Hud-hudkiyo afmiinshaarku
Hogaankii wacnaa maaha
Hawl qaran ujeedkeedu
Halka loo socdaa maaha

Habacsani xishood maaha
Himbiriirsi arag maaha
Hogaankiyo faruur-tuurka
Ninkii ceynka lagu hiigay
Heeryadu culeys maaha
Yidhi heestu sow maaha?

Hanqaltaag anfaco maaha
Waxaan haayey aan daadsho
Hawdka aan ka raadraadsho
Habkii gobonnimaad maaha

Haleeladii dhashoo curatay
Iyo nirigtii hoos joogtay
Waraabihii ku hawshooday
Horaaddada ka cunay deeto
Halhayskii baxoo baahay
Yidhi heestu sow maaha?

Waxaan hooray roob maaha
Gugac iyo hillaac maaha
Hummaaggaad arkeysaanna
Heedhe hogol daruur maaha

Hiddeheennu iib maaha
Hibo iyo amaah maaha
Wax la helay haddeer maaha
Hilinkii ab iyo aabbe
Yidhi heysta sow maaha?

Haweenkiyo caruurteenna
Hilibkoodu beec maaha
Hagardaamo sharaf maaha
Nin ku hodey walaal maaha
Hiilkiyo baroordiiqda
Habro wacasho been beena
Hadda waan arkaa taaye
Halgal iyo midnimo buuxda
Horta yaa raboo dooni?

Ha ku digan masaakiinta
Huwantiyo maqaarsaarku
Huwiyeen madaafiicda
Adoo hoos ka taageera
Wayaanaha haliilaaya
Ama haysta gacantiisa
Hareeraha ka leefaaya

Halahaas afeeftii dheh
Hordhiciyo ujeedkii dheh
Suugaan hagoogilan dheh
Halkii aan la rabay boowe
Ma hareer marsiin taa dheh.

Halna waa su’aal weyne
Raggan haatan tookhaaya
Hadyigii Rasuulkeenna (SCW)
Kuwii hiifay sow maaha?

Hawd iyo Mashaaficiga
Gotenburg huluusheeda
Halka meel kuwada noole
Doofaarka hilibkiisa
Daroogada ku hiigaaya
Heedhe adinka sow maaha?

Haweeneydii gaalowdey
Holandiiska raac raacday
Sida haadda duulduushay
Raggii hiilka weyn siiyey
Heedhe adinka sow maaha?

Hal abuurka suugaanle
Hadda ways yaqaannaaye
Qabyaaladda horyaalkeeda
Hadalxumo mataalkeeda
Ragga harag shabeel qaata
Sida haramcadkii booda
Guduudane ka hooseeya
Heedhe adinka sow maaha?

Adinkoo halkaa jooga
Habsanoo daleel yaalla
Qarannimo la helo maaha
Waxa kiin hadlinayaaye
Huuhaada naga daayoo
Haaney bullooy gaabso.

Cumar C/nuur Nuux- Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

 

Back To Home