Maansada magaceedu yahay “Haariban!”,
waxay ku taxan tahay silsiladda weli furan ee la yiraahdo
“Silsiladdii HAANTA”. Waxay soo baxday 27/05/07
Haanyahay hig lee haw leh
Oo mililka lagu huurshey
Yaa furay higaaggaaga?
Gaaddada hinraageysa
Huubada la soo diiqey
Hifashada xanuunkeeda
Nabarrada hawaaroobey
Boogaha hafeefaaya
Yaa hibanayoo deexday?
Sida xolod hulaaqaaya
Yaa holaca soo daacey?
Yaa dacarta hayn waayey?
Hanaqaadka Soomaali
Hinqashada dareenkeeda
Iyo hiil-ka-guradkeeda
Hanfogaanta yoolkeeda
Hididdiilo socodkeedka
Iyo hilin-ku-jooggeeda
Higsashada asaaggeeda
Hadaf iyo hannaan dawlo
Iyo hirarka soo laacay
Yaa hura hayoo diiddan?
Bulsho heedaddaabeysa
Hargacuna ka soo doogtey
Iyo tii Cadaab-Hoomay
Harsashada kumaw diiddan,
Iyo harac in loo waabo?
Habqankeeda weli laalan
Haraageeda diifaysan
Maatada hudeeceysa
Iyo doonka habayaaqsan
Himhimmowga soconaaya
Yaw soo humbaalleeyey?
Dhiigyacab haliilaaya
Oo heel fog laga keenay
Hintifaa la soo dayrshey
Oo miciyo heeraa leh
U hamuuman dhuuxeeda
U harraadan dhiiggeeda
Ugu horan sidii gaane
Miinooyin lagu hoobto
Dhiga ciidda hoosteeda
Dadka qarax halaakeeyo
Hansaddiyo kulaylkiisa
Hanqarkiyo dhawaaqiisa
Madaxyada herdiyey caadka
Harawaatigii dhiigga
Cirka hilib ka soo daato
Dogob wada huruushoobey
Iyo meyd hamaansanaya
Sida harame loo seemay
Dhulku higil madoobaado
Harayeeyda geesaaska
Hengel iyo asay-qaadka
Hundhurkiyo agoomowga
Gablankiyo hadhiinowga
Ay noloshu heehawdo
Sida haadda degi weydo
Harka food la gelin waayo
Hurdo lagu negaan waayo
Herdan iyo colaad waarta
Yaa hurinayoo doonay?
Yaa neceb hagaaggeeda?
Yaa jecel habsaankeeda?
Haniyuhu hadduu duulo
Haruub yaa ka tolanaaya?
Halo goomman lagu maalo
Gaambiya la hoos geeyo
Ictiraaf la heli waayey
Iyo dawlad reer hebel ah
Habar-habarta loo doono
Tafta Gaana loo haysto
Wufuud loo hawadinaayo
Shirka laga horaynaayo
Illin lagu horjoogaayo
La hantaaturraynaayo
Hir markuu ka soo muuqdo
Waraf laga horgeynaayo
Hus! Na dhaaf la oranaayo
Magac laga hayees maaha
Ninka hagarta soo qoolay
Sow haayirkii maaha?
Waagii la kala haadey
Halac reerahoo yaalla
Iyo jabo harraad weyn leh
Hora hora ka yeereyso
Sow kii Hulladey maaha?
Hayjadaha xulay maaha?
Haybtayna beddeley maaha?
Hab kalaad ku garaneyso
Haddaan huga ka sii qaado
Gollidii Hollobo weeye
Hoolhoolantii weeye
Hariiryaha lahayd weeye
Qarankii habsadey waa fog
Haanraawihii weeye
Hiighiigi jirey weeye
Haariban! la yari weeye
Hammiguna sidii weeye
Hilig-haaligtii weeye
Yeeshiyo hilkii weeye
Hargihii la cunay weeye
Hagardaamadii weeye
Hayaan baajintii weeye
Kanse uma hirgelin weeye
Hiirtii la kacay weeye
Hayinkii la ju’i weeye
Heeryada la saar weeye
Rarka lagu hidiid weeye
Hinqey oo la bood weeye
Horgaluhu dadnimo weeye
Dawladnimo habkeed weeye
Sharaf haabadkeed weeye
Hakashadu ku ceeb weeye
Hiyi doogsinraac weeye
Hamash iyo caleen weeye
Maatada horseed weeye
Oo habatac gee weeye
Midka soo hadrow heedhe
Dadka aad hawiri heedhe
Hogga aad u qodi heedhe
Hadimiyo lug-goyn heedhe
Hiilka uga dhigi heedhe
Hodi meysidoo heedhe
Kaageer hingilan heedhe
Waxaa kaa humbulan heedhe
Ama kuu hakiran heedhe
Waa hula ogyahay heedhe
Adigays hafree heedhe
Inay heerar sare heedhe
Hawadoodu tahay heedhe
Hadi meysidoo heedhe
Hanfadaad ka tahay heedhe
Baadida nin kula haybsha
Hawd iyo harraadkiisa
Hannas kula wareegaaya
Hardafkana ku sii dheerba
Dadku haabka sare moodi
Laba hooyo wada nuugey
Misna inad heshaa diiddan
Waa himilo sheydaane
“Jannadii har geli mayo
Hoobaan ka guran maayo”
Hadhadii Qamaan weeye
Iyo Hawd siduu yeelay
Maansada halcelinteeda
Nimankii ku hawshooday
Hibo waw lahaayeene
Haloosiga jawaabteeda
Annagoo ku soo hiranney
Hadba tii la soo dhiijo
Hiinhiinsi ula joogna
Maxaa hadada loo saaray?
Marti hugunka soo raacday
Heellada ku soo bayrtay
Heeraarka yaa tubane
Sida dhidar la haalyeeyey
Ha ku nabin hogfaha saynta
Higlo haysku sii toosin
Ha huluulan geedgaabka
Mise waaba kaa hoostay?
Hal sagaaro laga reebay
Harab iigu sheekeeyey
Habar-ari intey daaqdo
Guuyo ha irmaanaato
Darar haysku hayn weydo
Habarwacad ha deyn weydo
Sidey dhiillo soo hoyatey
Gacal ha ugu soo heemo
Ha toydeen wixii hawlay
“Yaan horaaddadu I go’ine”
Waxay tiri “I haaneeda
Sow heeshi dhalay maahi?
Caanaha ka haqab-beela
Hambadana martida siiya”
Hogor culan la soo qaadey
Iyadoon habniin dhiiqin
Tiriyaa “hagaasoobey!”
“Wadanaha haq! bay goysey”
Hadal haw dambaysiiso
Heddu uma timaaddeene
Hoobaaq waxaa geliyey
Hawadaa u been sheegtay
Haleeley is moodeysey
Hungo waa la dhaamaaye
Hawdow sidee weeye
Kol aad noo hitibiqlayso
Hollashaba lagaa waaye
Adigana ma kaa haaddey?
Mahdi Aadan
Looga-qaateen@hotmail.co.uk