Abwaan Hure oo Caan ku ah Suugaanta Noocyadeeda kala duwan
ayaa markii SilSilada halkaan tibaaxaysay kusoo biirey,
Maansadana Sidan ayay ku bilaabatey:
Hoobaalayeey hoobe
Hoobaalayey heedhe
Haanta iyo luuqdeeda
Hidihiyo ciyaarteena
Halqabsiga tixraaceeda
Hobbaliyo hiyiga maanso
Heeladiyo jiibkeeda
Haqabli'i udoodkiina
Hufnaan tixa usheegiina
Anigiyo hilaadayda
Ama hogga tusaalaynta
Danta iyo kahadal keeda
Horre iyo uguur keena
Hawsha iyo wadaageena
Haybtiyo ka'faankeeda
Hawadeena inaan raacno
Naartiyo ka hogadkeeda
Hor'alliyo uhadalkeena
Hordhaciyo intaa heesdhe
Hal abuurki waayeeldhe
Haaniyo luliinkeed'dheh
Samihiyo ka hadal kii'dhe
Heelka aankusoo galaydhe
Hoos aan usoo deggo'e
Inagoo habaas naala
Ubadkii hagaasoobay
Hooyadii ilmaha tuurtay
Hugii inanatu ay'sidatey
Hoos ay udhugan weydey
Dhalintii hamiga guurka
Haybtiisi ay deysey
Hurdo iyo warkeed daaye
Hadhsi cullima loo diidey
Waayeel tallo ka hoosaastey
Oday hadalba uu dhaafay
Markay sharafi haad'raacday
Heer'sare xumuhu gaadhay
Markay quruxi hooy weydey
Foolxumo hawoonaysey
Hungo noloshi ay gaadhay
Halkaa iyomarka joogtey.
Hoddonkii illaaheenu
Hogol roob markuu curiyey
Heegiyo daruur keenay
Haradiina noo buuxshey
Hirarka iyo laacooda
Naftu uhimbil yoonayso
beeshoo hayaan daysey
Degan hara nabaadiino
cirku wada hilaacaayo
heegiyo daruur buuxshey
Markay haybad noo curatay
Markay mudhaha heemaashay
Hogorkii dhamaan buuxo
Markii nabbadu waa hoose
Heeraar lawada ootay
Hadh qabow lawada seexday
Hororkiyo waraabahana
Hooy adhiga laga odhanin
Haaligow libaaxiina
geela uu harreer seexdo
Isagoo humuun qabana
Harreeraha ka dhaafaaya
Halkaa iyo markay joogtey.
Hadii belo inoo heestay
Hadii hawli soo korodhay
Cadow ina harreereeyey
Holikoos inoo geystey
Hadii maydku hadal beelay
Amxaaro u hormuud noqotay
Halisbaad tihiin sheegtay
Hadafkiyo ujeedkeeda
Hadii annad hil'maamaynin
Hubaal waad ogson tahaye
Haday kula habonaatay
Inaad hiilan ugu joogto
Hor alla iyo yeelkaaga
Hadimada ninkii taliyey
Gaalada ninkii hagayey
Ee halowda siinaayey
Hagar daamadiyo ciilka
Hilbe heena bahal siiyey
Inaad hiilan ugu joogto
Haday kula haboonaatay
Hor'alla iyo yeelkaadheh
Waxaa hooya ooyaysa
Wax haweeney hadhayeey lah
Waxaa inan hiqloo boyin
Habariyo dhaleen keedi
Inta haatan kala baadsan
Inta hadaftayee waalan
Inta haydhafkiyo oonka
Ku halaagmayee hoyatey
Heedda'dawgi balah laayey
Inta hawsarkiyo jiibuka
Kaaruhu halaakeeyey
Holikooska iyo dhiiga
Haaraha bogsoon waayey
Hadaad hawl yaraan moodey
Soomaali waw hooge
Hor alla iyo yeelkaaga
Halkaa iyo markay joogto.
Hada iyo daniyo heelo
Habar wacad intaan dayno
Hebel hebel udilla dhaafno
Hurdub baygu dhacay waa'fog
Hadal haynta laga daayo
Wixii hore ka samirkeeda
Hada iyo wax qabad keeda
Halis inagusoo fooleh
Hadhow iyo katalin teeda
Hadafkeenu ha ahaado.
Hurre
Dabayl
hurreaxmed@yahoo.co.uk