Maansooyinkii Silsilada
Haanta, Halkaa marka ay silsiladdu butulinayso ayaa taariikhdu
markay ahayd May 19 / 2007 waxaa soo galay Abwaankii afaraad,
oo la yiraahdo Abwaan Qamaan, Oo Ah Abwaan Fanka Iyo Suugaanta
Caan ku ah. Qamaan waxa uu ku soo galay silsiladda Haanta
maanso la magacbaxday "Hagarta Ka Dheeraada" …
. Wuxuuna yiri:
Nimanyohow murtida Haanta
Heelka idin kaaw dhigaye
Anigana haldhaan wada ah
Hadaan idinkusii taaro
Haantu iyadoo doorah
Har-galbeed qaboow taala
Habaygii lingaxa dhaafay
Bur-cadkii is hayn waayey
Halkii laga dhukubinaaye
Weeraamis baw Haraye
Hawl yeyna taaryoone
Haku celin luliin ciirta
Hebel hebel anoon sheegin
Hayb tiina kala qaadin
Huwan idinka soo qaaday
Heer kiina suugaanta
Halqabsiga oraah diina
Haka dhigina tii guba e
Beelaha hadhka u guurey
Halistana kasoo doogey
Hadimada ka waan toobey
Haaraanka iyo qoysku
Waa waxa halkaa dhigaye
Haantiina subageedu
Yuu bocorta huur-tarine
Huubiye lasoo noqone
Hor aliyo u dood kiinu
Haw dhaco sidii roone
Hufa oo murtida dhuuxa
Hakaliil macaanaato
Afar taa hal raacayga
Murtidiyo hilaadayda
Humaagii oraahdiina
Hamigiyo ujeed kayga
heelka aan kusoo galay dheh
Nimanyahaw murtida haanta
Heelka idin kaaw dhigaye
Anigana hal-dhaan wada ah
Hayin keena ina baacis
Inkastuu Habaar qabuhu
Heeryada kacuno awrta
Haamaha xarkaha gooyo
Hogor kana bar jeex-jeexo
Layliga halaa-keeyo
Boqontiyo sibraha heero
Misna hugun ka jilaalka
Marka ubadku hool hoolmo
Hayin oo dhan laga quusto
Layligu hagaasoobo
Haragii qoyani ceelka
Hal kasoo cadayn waayo
Isagaa hogaan qaadka
Beeshoo hayaameysa
Lahor dhigi karaa awre
Hida sami firkiisoo leh
Wuxuunbu hig sanayaaye
Hay-laale heenaase
Haw dhaamiyee oosha
Haamaha kuwada taarta
Hagartana ka dheerada
Huri mayno aakhiro e
Qamaan Abdil-Waaxid
qamaan579@hotmail.com