Curiyaha: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud
(Stanza).
Magaca tixda: Halbeeg Weeye Suugaantu.
Taariikhda: 31/5/2007.
F.G: Waxey qeyb ka tahay silsiladda "Haanta" ee
www.dhahar.com ay martigalisay. Waxey si
gaar ah ula talineysaa hal'abuurka la yiraahda: Shaafici
Xasan Maxamed. Waa talo walaalnimo oo kaliya. Caay iyo caruureynba
ka dheer, eex iyo aflagaadda ka fog.
Haanyahay haruubkaaga
Hingalka iyo saabkaaga
Hugunka iyo ciirtaada
Heemaarka subaggaaga
Hannaan caana luliddaada
Heestiyo ammaantaada
Hirmiciyo daryaankaaga
Hanqadhka iyo guuxaaga
Heelladiyo luunkaaga
Hal'abuurka qeybteyda.
Marka maanso ay hoorta
Goortey tix hogalleysa
Jiiftadu hugbaalleysa
Wagladuna hillaaceysa
Gabay iyo horyaalkiisa
Jiibtiyo hashaashkeeda
Saarkiyo halgoobeynta
Hiddaheenna geeraarka
Ama heeso-hawleedka
Hambashiisa sooyaalka.
Tixda maanta heenseysan
Hindisaaga kooreysan
Haantaa gadaameysan
Halka laysku farasaaray
Hadalcelinta laaceeda
Xamar iyo Hargeyseeyey
Halgan dawladeynteeda
Hawd iyo intuu hiifay
Shaaficiga haaraamay
Aan haanta kula showra.
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Hal'abuurka doorkaaga
Heybtiyo shaqsiyaddaada
Anigoon hifaateynin
Hagardaamo gaarsiinin
Hebal iyo naceyb keenin
Hagar eexna kuu muujin
Halka aan ka biyadiiday
Hoo iga guddoon jaalle.
Hawraar waxaad liidday
Gabaygaagu kaa hoosay
Maansaduna ay hadaftay
Ood heyjad qaadsiisay
Haadaan ka sii tuurtay
Halbowlahana kala goysay
Markaad Xabashi ugu heestay
Tigree hibo guddoonsiisay
Dhulka hada guddoonsiisay
Harcad aad ku maansootay.
Heballada maryaha gaaban
Gadhka soo himbaareystay
Sucuudiga u heeryeysan
Hiddaha iyo sooyaalka
Habka baadisooceenna
Raggi hadalka Carabeeyey
Hagiddeeda Diinteenna
Marka heedhe laga reeba
Inta kale anoo hiimay
Wada-hadashi sow ma aha?
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Hogga aad ka jiifteysay
Ragga maalin lagu heesay
Tixda aad ku haaraantay
Holac Hawsar lagu leefay
Hantiduu Tigruhu boobay
Hooyada dhibaateysan
Waa higilka Soomaale
Miyuu hilibku kuu diirin?
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Xamar iyo halaaggeeda
Hawiyaha baroordiiqay
Geesiyo halyeey beelay
Agoontaa la halakeeyey
Hablahooda weer-qaatay
Hooggiyo xasuuqooda
Hambalyiyo inaad dheesha
Miyaa kula habboonaatay?
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Dhismayaasha wada hoobtay
Hoobiyuhu intuu laayey
Hanad iyo horyaal mooday
Wuxuu haadku ku casheeyey
Bisadduba raggeey hiigtay
Ey harraad la diihaalay
Hilibkoodu uu feentay
Miyaad Xabashi ugu hiilin?
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Intaad faraska heenseynin
Halabsiga gammaan fuulin
Reynreyna haasaawin
Eed maanso hoogaamin
Huqdi iyo colaad beerin
Horta eeg gadaashaada
Halka sariyo hoostaada
Wajigiyo hareertaada.
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Inuu maamul hanaqaada
Dalku heybad noo yeesha
Dadku harac qabow seexda
Qarankuna hagaag-toosa
Wixi hore halmaankiisa
Hadhow iyo jaheynteeda
Inaan hogotusaaleyna
Hal'abuurku sow ma aha?
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Dawladdiyo hirgalinteeda
Howshiyo u-qumiddeeda
Horusocodka maareynta
Iyo wada-heshiisiinta
Magaceennan hooseeya
Maandeeq hibeynteeda
Hubkadhigidda mooryaanta
Aan shacabka ugu heesna.
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Wayaanaha inaan hiidna
Eratariga aan hiisna
Keenyana hus aan oranna
Himileyta Soomaali
Hadhka-galay walaaleyta
Heshiis aayo lagu gaara
Inaan hodada muuneyna
Gobi sow habkeed ma aha?
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Tolkaa eex ha ugu hiilin
Hana yeelin godobtooda
Waddaniga ha hiinaasin
Gumeystaha ha hoos-roorin
Yaan lagugu heergaarin
Harar yaanan lagu saarin
Ha hilmaamin cadawgaaga
Ha halleynin taariikhda.
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Halbeeg weeye suugaantu
Hibo iyo astaan weeye
Hoobaan macaan weeye
Murti iyo hub-culus weeye
Hanti weeye aan guurin
Kalhoriyo haddoon joogna
Hadhow iyo oddoroskeeda
Haan keydisaa weeye.
Shaafici walaal heedhe
Huunna ina-abtow maandhe
Hamrashada afmaalkaaga
Hal'abuurka taagtaada
Habdhaca iyo curintaada
Hindisaha farshaxankaaga
Halaq heerid noo taalla
Afqudhmuun ha ugu heesin
Ha hargeegin suugaanta
Hana qoonsan taladeyda.
Abwaan Stanza
ayaandhalad5@hotmail.com