HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

Haldhacsi (by Shaafici)

Kadibna waxaa nasoo gaarey Maanso uu Tiriyey Abwaan Shaafici uu ugu magacdarey ”Haldhacsi” wuxuuna yiri: ”waa in qof arrin uu qarin lahaa afkiisa lagala baxo asaga oo aan is ogayn". Waxay maansadu soo baxday 10-5-2007.

Hordeggii adaa yeeshay
Aniguna halqaadkiiye
Hogihii shaxdoo muuqda
Qorraxdoo harkii joogta
Raggu ways haleelaaye
Habarwacad maxaa keenay

Adigoon haruub buuxin
Oo halabta maansoodka
Hoolhool u xiirxiiray
Markaan hadiyad kuu dhiibey
Maxaad nimanka hoostooda
Hunbuluuluq ula aaddey?

Goortaad hinraageysey
Adaa haamo baas lulaye
Rag baa soo hanqari doona
Iyo hebello sheegsheegga
Maxaad ula hunbaalleysey?

Haldhurruhu ugxamihiisa
Haldhaa buu ka keenaaye
Adigoon nin kale hiishan
Hangoolka iyo godintaada
Maxaad heel u dhigan weydey?

Doodda horatibyaynteeda
Adaa haw la soo yiriye
Hafashada markaad quustay
Horujeed miyaad noqotay
Ma higgaadin kari weydey
Habbisada maxaa keenay?

Hal-abuurka mirihiisa
Maxaa wiil hunguri qaaday
Hurdan iyo ciyaar moodey
Intuu ereyo hoogaanshey
Hantaaqooyinkii doodda
Goortay hadhow noqotay
Gadaal uga hadhiinoobey

Intay halaqjaflaha joogto
Hollashada billowgeeda
Qof weliba ku haasowye
Maxaa nimaan hoggaankeeda
Hanan karin ku naallooday
Xoogaa ku hawshooday
Dabadeedna ka huleelay

Heekaheeko orodkaaga
Nimankaad haliigaysid
Ma heecooyin baad mooddey

Ma adaa hanti u yeeshay
Horseedkooda ma adaa ah
Hilashada maxaa keenay
Dooddana hogfo u yeelay
Goormaad hayeeshaale
Ku ogaatey hadafkooda?

Gafkaad heetin soconaysid
Rag baad sida horweyntaada
Iyo heeshigii dayrta
Haruubgaal u sidataaye
Sida hohobta mireheeda
Hoobsiga maxaa keenay
Hiyigiyo dareenkooda
Ma adaa hagoo leexsha?

Dadku hawtulhamag ma aha
Iyo geel la soo horaye
Adigay huqdiyo ciilku
Ku hantaaturreeyeene
Nimankaa hawada weyn leh
Ha ku soo halaaqoone
Hargabkaaga kala jeeso

Hooballayn markay noqoto
Guurowga heensaysan
Shiribka iyo heellaynta
Way kugu harqinayaane
Hiihiile waabaayo
Ha ka goosan hilibkooda

Sida himirta mireheeda
Hoobaan haddaad mooddey
Xaqiraad Hunbulidaada
Waad ku halligmaysaaye
Hud-hudyohow ka joog bohosha
Haadaanta gudeheeda
Yuu haatuf kula aadin

Caydaad hullaabaysid
Ood hadada saaraysid
Hulubhulubta iyo maaggu
Yay hogobbo kaa tuurin

Hootaduba dhabarjebinta
Marar bay habboon tahaye
Hadduu hadalba hadal keenay
Hilinkii miyaan leexshey?

Soomaalilaan heedhe
Waxaad qiratay hooggaaga
In ay hayb qabiil tahaye
Hoosayn in ay tahaye
Adoo hoganayoo maahsan
Haldhacsiga ma kaa qaatay?!

Balse wuxuu halmaankaaga
Habigaagu kala dhaafay
Ayaan kuu halaalicine

Bal hortayda soo joogo

Guurtidiyo hay’aduhu
Way hungurijuqloodeene
Gogoshiyo hoteelladana
Wax baa sii hadoodilane
Hargeysay ka toos jiifka

Canshuurtii la hiighiigey
Halbowlaha rag baa jaraye
Habuuqii ka go’ay beerta
Hadhuudhkii la kala boobye
Shacabkii hadaadumayna
Cidi uma hamuun tirine
Haleelada rag baa diidey
Horaad in ay ka maalaane
Hargeysay ka toos jiifka

Dadweynaha hanqaarkiisa
Iyo male hungowgiisa
Hanqaloocsi baa dilaye
Hargeysay ka toos jiifka

Hantidhawrka iyo xeerka
Haddaan cidina hoomaayin
Kuwa hilibdalqaha dheeri
Hanbashada ma daayaane
Hargeysay ka toos jiifka

Waxaa meel yar kugu huurshey
Hormo aan xishoonayne
Hangarallaa dadkii cunaye
Hargeysay ka toos jiifka

Halaqdile wargeyskaa ah
Halgankii bulshada weeye
Weriyaha huruufkiisa
Haraatida maxaabbiista
Hagardaamadiyo laadka
Iyo hoolatada boobku
Waa hawsha nimankaase
Hargeysay ka toos jiifka

Maantay helloon tahaye
Yay taladu heehaabin

Shaafici Xassan Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com

 

Back To Home