HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

HANGASHU WAA NOO XIRAN (by Hure Dabayl)

ABWAAN HURE OO SILSILADII HAANTA KAGA SOO QEYB GALAY MAANSADIISII LABAAD OO LA MAGAC BAXDAY "HANGASHU WAA NOO XIRAN", WAXAY MAANSADU SOO BAXDAY MAANTA OO AY TAARIIKHDU TAHAY MAY 22, 2007.

Hadal badani waa hawle
Waa hadiyo laayaane
Hawraari waa tiise
Sidii lahinjiyaa buurre
Shaafici hiyiga maanso
Hal abuurka maahmaahda
Heelada ciyaarteena
Haamaha dhan suugaanta
Hoobal baad kutahay weyne
Hidda inaad uleedahayna
Hore laygu soo sheegye.

Hayeeshee hal kugu diidey
Nimankaad hulaabtooda
Huga ay sitaan cayday
Halistana ku sheegayso
Hadyigii rasuulkeena [scw]
Rag hagoogan weeyaane
Ku hanuunsan weeyaane
Hadalkiyo waxsheegoodu
Hadiis iyo qur'aan weeye
Horrumarinta diinteena
Rag u heelan weeyaane

Sida hororka iyo yeyda
Kursi kuma haliilaane
Dhulka kuma haleeyaane
Naflaha kuma halaagaane
Hayweyga iyo suuqa
Hablaha kuma hidiidaane
Hayb iyo qabiil foolxun
Nina kuma huruufaane
Dhaqankiyo hidaha suuban
Way ugu horeeyaane
Hamiga iyo laabtoodu
hor allay ujeedaaye
Wixii aan haboonayna
Dadka kuma hanuunshaane
Kuli mu-hindis weeyaane

Haajiriinta aad sheegtay
Akhii waa horaw'tiiley
Haddiyo maanta kow maaha
Bal hubso rasuulkeena [scw]
Asxaabtii hareer socotey
Hawshii markay badatay
Oo cadaw hareereeyey
Gaalo isu habar wacatay
Hooygoodi loo diidey
Haajiruu ilaah faraye
Labo aan hooyo iyo aabe
Haybi meel isugu keenin
Halkii lagu walaaleeyey
Haweenka isu furi gaadhay
Hantidiina loo qaybshey
Diinbaa hagaaggaa leh
Hadeyntana ilaahbaa leh
Ma-hilmaansan tahay boowe?

Hantideena iyo maalka
Haweenkiyo caruurteena
Hayin waxa inoo jooga
Badeheena welihuursan
Sunta kuma higsiiyaane
Hadaanay haayirkiyo tuugta
Hororiinta bahaloobey
Xabashida horboodaaya
Hadaan mayd hor ool-oolin
Ama halac-sanayn dhiig dad
Hurdadiyo cuntada diida
Ka horjoogsan reerkeena
Haadda badatay guulguulin
Dhurwaayada hal gaadaynin
Halis baynu gelaynaaye
Adiguna hubsoo qaado
Kaalay nala hareer joogso.

Walaal hadiyad diinteenu
Hooyoo qaata kuma imane
Hadhka seefta iyo dhiiga
Ayaa lagu hormariyaaye
Gar u huray naftodiiye
Hadda aynu joognaana
Ilaa diintu haay noqoto [hay =high]
Muslim-nimadu hana-qaado
Gaalnimadu hoos noqoto
Hangasha waa inoo xidhane
Hubkana waynu sidaynaaye
Adna kaalay nala hoobi
Oo nagu hareer joogso
Jannaad saa ku helaysaaye.

Walaal hurinata nayroobi
Kinya ka soo haaday
Hayb haybta lagu keenay
Inay la halgamaan diinta
Heeryada u soo qaatay
Gumaysiga horseedka u'ah
Hawlbay siyaad-sheene
Ma hallaabad bay keeni?
Markaan hiifay oo maagay
Hadii aad hanfade waalan
Nin habawsan igu sheegtay
Kuwii cadowga soo hagayna
Oo haligay dadkiisiina
Halyeyo ugu yeedh yeedhay
Haabkeenu kala dheere
Hadalka mayska deynaa?

Halkan waa kategaynaaye
Ifka waynu huraynaaye
Waaka haajiraynaaye
Habeen dhixitin weeyaane
Hooygeenu waa meele
Meeshaan lahuri doonin
Waa hooyga aakhiro'e
Hilinkiyo wadada dheera
Hawlyar laguma sheegayne
Haaraanka iyo maaga
Hiifka iyo aashaada.

Hurre Dabayl
hurreaxmed@yahoo.co.uk

 

Back To Home