HomeSuugaanSportsSawiroHistoryQuraanTahniyadForumContactEmail
Hees Cusub oo lamagac Baxday Dhahar (Erayadii iyo Laxankii Saalax Codkii iyo musikii Guuleed)    

HANKA JABAY HA NAAXO (BY ANWAR)

Abwaan Anwar oo Maanta kusoo biirey silsilada Haanta iyo maansadiisii ugu horeysay ee "HANKA JABAY HASOO NAAXO" Waxa ay soo baxday Arbaca, May 23, 2007, wuxuu yiri abwaanku, maansada waxay waano u tahay silsillada qudheeda, hubsiimana way u heellan tahay oo waxay tiri:

Haaheeyo haaheeyo
Haaheeyo haaheeyo
Hawraari waa dhuuxe
Ama waa hambaaburide
Haanyahay baroortaadu
Hadday hiil u tahay beesha
Hadday nabarka haaraaman
Hor Allee bogsiinayso
Halaqii na wada goostay
Hadduu naga carraabaayo
Hagoogtaadu yay noqonin
Ratigii la heeryeeyay
Hillaygii la soo saaray
Hawl yari cantuugaayey
Hanka jabay ha soo naaxo!

Noqo hoy la soo aado
Hagar li’i la joogaayo
Waa heello loo bogaye
Ka higlee duleedkaaga
Reenkiyo ha deyn heesta
Hiillaad u baahnayde
Haruubkaagu yuu qubanin
Halqigaa ku soo eegi
Hayb-haybta ka ilaali
Hooyiyo u noqo aabbe
Deeqaay hannaankaaga
Uumiyuhu ha wada dheegto
Ha ku soo hirteen beelo
Hanka jabay ha soo naaxo!

Caqli baa la heesaaye
Hangalkaaga abid tiiri
Huubada ka dhawr dheesha
Haddaad allif-bilow tahaye
Qaygiyo ka joog hiiftan
Har qaboobi waa dahabe
Holac kulul ha sayr-sayrin
Halyeeyada ha dhooqaynin
Hadalkaasi waa daw e’
Hanka jabay ha soo naaxo!

Anna waan ku hawl ogahay
Waan kuu hagoognaaye
Dhaaxaan halluubnaaye
Aan kula hadlee kow dheh!
Aan ku haybiyee laba dheh
Hirkaan fuushanahay dheeho
Heensaha colaadeedna
Haaddiyo dabayl raaci
Halabsiga daryeelkaaga
Iyo huuta-bixintaada
Waan u heellanee dhawrso
Waannu haaminaynaaye
Hanka jabay ha soo naaxo!

Deeqaay halhayntaada
Hal-abuurka kuu yeedhay
Dantaaday wadaan heedhe
Wax yar oo is hooteyn ah
Habar wacashadoo daw ah
Hawraar la middabeeyey
Hogga laga ciyaaraayo
Hillinkoo nin iyo tiisa
Iyo weedha hadalkeeda
Yaa kala hareereeyay
Ee hays calool gubine
Markay yare is hawlaanba
Is hillaad ogaadaanba
Hootohooto way deyne
Haracay u wada guuri
Gacmahay is wada haaban
Hambalyay is wada laaci
Hanka jabay ha soo naaxo!

Innagoo haleeshaa ah
Calankeenu hawleeyo
Samadaa hillaacaayo
Ummaddeenu heesayso
Farxad ay hirweynayso
Ayaa layna haareeyey
Halgaad aan barkeen garanin
Hawsheedu daacuuntay
Ayna haandhurwaa tahay
Saf-marihi na halakeeyay
Hanka jabay ha soo naaxo!

Intan waa hiliishiiye
Haanyahay hulweyn heedhe
Dulli & haddaad tahay bal
Shay dacarta laga habiyo
Lagu kaydsho halaqyadiyo
Hololkeed kulayl yahay bal
Haldoorkeedna Qaabiillo
Iyo Haabiillo uu yahayba
Hasadkaaga naga deyso
Hanka jabay ha soo naaxo!

Hanfiyahay na nabadgeli bal
In hantaaqo nagu filani
Way noo horeysayoo heedhe
Dhaaxaan la heetinnaye
Hanka jabay ha soo naaxo!

Intan waa hiliishiiye
Hawraarta aan gaabsho
Hogdhacaaga aan dhawro
In aad talada kala hiifto
Iyo inaad higgaad dhawrto
Bal aan eego himilkaaga
Iyo ballan hufnaantaada!

Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net
Minneapolis, Minnesota


 

Back To Home